50 Sano kaddib oo Hargeysa markale loogu baaqay in ay hormuud ka noqoto
Midnimada Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed
"isku daygii ay Somaliland ku raadinaysay aqoonsiga waa lagu guul daraystay,
waxaa sidoo kale lagu guul daraystay isku daygii in la askumo dawlad dhexe oo ka
jirta Muqdisho, sidaas daraadeed maxaa hadda inaga hor taagan in aan isku dayno
hab fikir cusub oo ah in aan Qarankii Soomaaliya ka soo askuno ama asaaskiisa ka
soo dhisno Hargeysa." prof. Afyare...
"Haddii dadka Woqooyiga Soomaaliya ay hoggaamiyaan maamulka dhammaan dalka
oo dhan, waxay haystaan fursad aad u weyn oo ay arrintaas ku samayn karaan."
prof. Cabdi Samatar...
"Soomaaliya waa in ay ahaato hal wadan ugu dambaynta" Ranneberger,
Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi...
Allah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa laga soo xigtey intii
uu noolaa in uu yiri: "Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo in ay isku imanayaan
Koonfurta iyo Woqooyiga Goboladii la isku oran jirey, mar ay noqotaba'
"marna laga hadlin in Muqdisho lagala wareego xurmadii caasumad nimo,
laakiin xitaa haddii taas la qaato ma aha arrin laga argagaxo ama lala yaabo"
Dr. Guutaale la Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG
Tarjumadii SomaliTalk.com | June 26, 2010 | VIDEO-ga hoos ka daawo
1961 ayaa lasharciyeey midnimadii labadii qaybood ee Soomaaliya markaas
xorta kanoqotay.
Barnaamij June 24, 2010 uu baahiyey Telefishanka Aljazeera, qaybta Afka
Ingriisiga, ayaa waxaa looga hadlay midnimada Soomaaliyeed, doorashada
Somalilanad, iyo in xisbiga ku guulaysta doorashadaas ay la gudboon tahay inuu
hoggaamiyo nabbada iyo midnimada guud ahaan Soomaaliya. Waxaana barnamijkaas
doodda ahaa ka qayb qaatay Prof. Cabdi Samatar, Prof. Afyare Cilmi iyo
Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Weriyaha
Aljazeera ayaa ugu horayn su'aal oo ahayd "sidee beesha caalamku u arkaan
doorashada Somaliland iyo in ay tilmaan u tahay in gobolka loo aqoonsado dal" waxa uu weydiiyey
Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugan magaalada Hargeysa. Waxana
jawaabtiisii ka mid ahaa: "Tani waa doorashadii labaad oo dimoqraadi ah oo lagu qabto
Somaliland, beesha caalamkuna waa taageerayaan in Somaliland lagu qabto doorasho
xor ah."
Cabdi Samatar oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota oo ka
jawaabayey isla su'aashaas ahayd Doorashadan Somaliland ma dhici kartaa in
beesha caalamku u arkaan in ay diyaar u tahay in la aqoonsado waxa uu ku
jawaabay:
"Ugu
horayn waxaa aad muhiim u ah in la tilmaamo in Jamhuuriyadda Soomaaliya ah ay
hore uga dhaceen doorashooyin/codbixinno ku dhacday si dimoqraadiyad ah oo aad uga horeysey
Afrikaanka kale, sidaas daraadeed ma aha markii ugu horeysey ee gobol
Soomaaliyeed ay ka dhacdo codbixin dimoqraadiyad ah, taas waa arrinta ugu horeeya
oo ay tahay in la tilmaamo si taariikhda loo toosiyo. 1960, 1964, 1967, iyo 1969
waxaa dhacay afar doorasho oo xiriir ah, nooc doorasho oo ku xigtey taas oo ka
dhacday Afrika oo lagu bedelo dawlad waxay dhacday muddo ku dhaw 25 sano
kaddib, taas oo ahayd doorashadii Zambia ee xilka lagaga bedeley
Kenneth Kaunda (1991).
Taasi waa arrin ay tahay in la tilmaamo si taariikhda loo saxo," ayuu yiri.
Prof. Samatar oo hadalkii sii watey waxa uu yiri: "Arrinta kale oo ay tahay in la tilmaamo waxa weeye, Jamhuuriyadda loogu yeero
Somaliland ee ah Woqooyiga Soomaaliya, oo ah meesha aan anigu ka soo jeedo, kama
jiraan wax sidaas u sii buuran oo ah dood-furan (ama debate dadku ka qayb
galayaan) oo ku saabsan mustaqbalka dalkaas. Dadka sida aniga oo kale ah, oo ka soo
ka yimid halkaas, ma awoodno in aan aadno Hargeysa iyo meelo kaleba si aan
arrinta si dimoqraadiyad ah ugala doodno, waxa ka jiraa waa dimoqraadiyad la xakameeyey oo
cidda keliya ee loo ogolyahay in ay arrimahaan ka hadlaan waa kuwa
taageera xukuumad gaar ah ama mashruuc gaar ah."
Arrinta aan u jeednaa ma tahay dimoqraadiyad dhab ah, ayaa Aljazeera
weydiisey Afyare Cilmi oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacadda Qatar,
waxana uu ku jawaabay:
"Ugu horayn aan eegno
"sidee dal loo aqoonsadaa": Marka aan ka hadlayno aqoonsi qaran (ama dal)
marka la eego habka
farsamo ee hab siyaasadeedka aan ku jiro, sida ay ku dhici karto waa laba arrimood:
Marka koowaad: waa in dawlad aad u xoog weyn (super power) ay u ololaynayso
arrintaas. Taasi hadda kama jirto Somaliland. Sababtoo ah Maraykanku arrinta
waxa uu dib ugu celiyey Midowga Afrika (AU), islamarkaasna Midowga Afrika wax
xiiso ah uma hayaan in ay furaan dooddan sababtoo aah Afrika waxaa ka jira
dhibaatooyin aad u farabadan oo la xiriira xagga xuduudahii ay ka tageen
Gumaystayaashii sannadihii lixdamaadkii (1960-maadkii). Taasi waa xaqiiqada hor
taal Somaliland, arrintu ma aha waxa ay iyagu sameeyaan ee waa waxa waaqiciga ah ee
jira. Qodobka labaad: waa in aan waxba iska bedeli karin Soomaaliya ayadoo aan
taageero laga haysan Muqdisho, mana jiro qof ka tirsan Dawladda Federaalka ku
meelgaarka ee hadda ama mid kale oo ka qayb qaadanaya ama fududaynaysa in la aqoonsado Somaliland. Sidaas daraadeed si
kasta iyo waxkasta oo ay gaareen waxaa adag in Somaliland ay hesho aqoonsiga ay
raadineyso," ayuu yiri. (Hoos waxaan ku arki doonaa Mowqfika Maraykanka ee
Midnimada Soomaaliya.)
Prof. Cilmi oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: "Sidaas daraadeed waxaa la soo gaarey waqtigii arrimaha inta
dib loo eego markale la bedeli lahaa yoolka ama jaaha, waayo isku daygii ay
Somaliland ku raadinaysay aqoonsiga waa lagu guul daraystay,
waxaa sidoo kale lagu guul daraystay isku daygii in la askumo dawlad dhexe oo ka
jirta Muqdisho, sidaas daraadeed maxaa hadda inaga hor taagan in aan isku dayno
hab fikir cusub oo ah in aan Qarankii Soomaaliya ka soo askuno ama asaaskiisa ka
soo dhisno Hargeysa."
Maxamed
C/laahi Cumar ayaa yiri: "Go'itaankii Somaliland waxa uu ku salaysnaa doorasho dadka
cod bixin la weydiiyey, taas oo badanaa dadka ku dhaqan Somaliland waxay
doorteen in ay ka xoroobaan Soomaaliya, kaddib markii 1991 oo burburay dalkii
Soomaaliya." Waxana uu intaas raaciyey "Xaqiiqo ahaan midnimadii Soomaaliya iyo
Somaliland (ee 1960) weligeed lama ansixin, mana aysan saxiixin labada dhinac."
Prof.
Samatar oo arrintaas ka jawaabayey ayaa yiri: Meeshaan waxa jira laba arrimood,
ugu horayn run ma aha in aan la saxiixin midnimadii Soomaaliya. Midnimadii waa
la saxiixay, waxaana u codeeyey baarlamaankii Soomaaliya, baarlamaankaas oo si
dimoqraadiyad ah ay dadka Soomaaliyeed uga soo doorteen dhammaan cirifyada
Soomaaliya kaddib markii ay xoroobeen labadii gobol ee Soomaaliyeed. Arrinta
labaad oo ay tahay in la xuso waa in dadka gobolka Woqooyi ee dimoqraadiga ah
iyo dadka gobolka Koonfureed ee dimoqraadiga ah ayadoo aysan jirin wax cabsi ah
oo ay qabeen ayey waxay u dareereen 1961 in ay u codeeyaan Dastuurka, kaas oo
qeexayey qaabka ay ahaanayso Midnimada Soomaaliya, in taas la baab'iyo waa in
markale ay labadii dad isu yimaadaan." Waxana uu hadalka ku xoojiyey in
Dastuurkii 1961 uu yahay kaan sharciga ah marka laga hadlayo midnimda
Soomaaliya.
Prof. Samatar oo taageerayey fikradii Prof. Cilmi ayaa yiri: "Haddii dadka
Woqooyigu ay hoggaamiyaan maamulka dhammaan dalka oo dhan, waxay haystaan fursad
aad u weyn oo ay arrintaas ku samayn karaan."
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka jawaabayey hadalkii Maxamed C/laahi Cumar
ee ku saabsanaa doorashii 1991, waxa uu Prof. Samatar yiri: "Tan loogu yeero
doorashadii dhacday horaantii 1990-naadkii, waa in la ogaadaa waxaa jirey cabsi
gelin aad u weyn oo dadka lagu cabsi gelinayey in ay sidaas u codeeyaan. Tusaale
ahaan aniga oo ka soo jeeda dhanka Galbeed ee gobolkaas ma awoodi karo in aan
gobolkaas tago oo si dimoqraadi ah ugala doodo. Sidaas daraadeed waa
madaxbannaani macmalay ah, oo ah khasab-jajuub oo la isboonsaray (it's
fabricated coerced independent sponsored.) Sharciga jiraa waa
Dastuurkii 1961.
Maxamed
C/laahi Cumar waxa uu yiri: Prof. Samatar isagaa iska dhigay laaji-dibad joog ah,
oo aan Somaliland tegin wax ka badan 30 sano. Taas Prof. Samatar waxa uu kaga
jawaabey in ay been tahay arrintaas uu sheegay Mr. Cumar.
Maxamed C/laahi Cumar markii la hor dhigay arrinta hortaal dadka Soomaaliyeed
in uu yahay dastuurkii ay iyaga oo xor ah doorteen 1961, ayuu markii ugu
horeysey qiran in ay jiraan dad ku sugan Somaliland oo doonaya midnimada
Soomaaliyeed, isagoo
taas ka hadlayeyna waxa uu yiri: "Waxaa cad in ay jiraan dad doonaya in ay
markale ku biraan midnimada Soomaaliya, taasina waa dood aan u dul qaadanayno."
Prof.
Afyare Cilmi oo taageeraya fikirka Prof. Samatar ayaa yiri: Arrinta uu ka hadlay
Maxamed C. Cumar ee ah in doorasho la qabtay, taas hore ayaa Somaliland u adeegsatey
meelna ma gaarsiin. Waxaan u baahanahay waa in aan dib u eegno dhaammaan arrinta
guud ee Soomaaliya, oo aan eegno waxa aan samayn karno. Tani waa fursad haddii
doorashadani ku dhacdo si caddaalad ah oo xor ah oo nabad ah, markaas xisbigii
guulaysta uu dib u eego xaaladda guud ee Soomaaliya oo markaas nabadda laga soo
bilaabo halkaas.
Prof. Cilmi waxa uu yiri: "Macne ma samaynayo haddii ay jiraan kun-iyo-kow
(1001) sababood oo Somaliland ku doonayso in ay go'do ama aysan go'in, Sababtoo
ah beesha caalamku waxa ay siiyeen nalka casaanka oo ku saabsan in aysan doonayn
in ay aqbalaan aqoonsi sidey doonto ha ahaatee."
Doodda TV-ga oo inta qormada sare ku xusan aad uga dheer iyo warbixin ku
saabsan weriyaha Aljazeera oo booqday Hargeysa, waxaad ka daawan kartaa
Video-ga hoose. Balse marka hore aan eegno hadalkii Safiirka USA ee
Nairobi ka yiri Soomaaliya iyo qodob ku saabsan caasumadda Soomaaliya iyo
taariikh kooban oo ku saabsan 5-ta Soomaaliya iyo wixii uu ka jiri Dr.
Raabeh iyo hadalkii Marxuum Cigaal ee ahaa in ay markale isu iman doonaan
Woqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.
Mowqifka Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya
Dawladda
Maraykanka ayaa caddaysay mowqifkeeda Arrimaha qadiyada midnimada Soomaaliya.
Waxay ahayd May 4, 2010 markii Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi, isla
markaasna Maraykanka u qaabilsan Arrimaah Soomaaliya, Ambassador Michael E.
Ranneberger, uu magaalada Minneapolis kula kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda
Soomaaliyeed, una caddeeyey mowqifka Maraykanku ka taagan yahay qadiyadda
Soomaaliyeed waxa uu yiri: "Mucaawino waan siinaa Somaliland iyo Puntland,
laakiin waxaan doonaynaa arrinta muhiimadda ugu weyn aan siino waa Dawladda
Federaalka kumeelgaarka ah. Soomaaliya waa in ay ahaato hal wadan ugu
dambaynta." Isagoo arrintaas ka sii hadlayey Safiirku waxa uu sheegay in uu
dhawaan la kulmay Faroole, islamarkaasna uu xaqiijinayo in Puntland ay la
shaqayso Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ka hor inta aanaan wax badan ku
darsan, waayo, ayuu yiri si wanaagsan ulama shaqayn Dawlada Federaalka
Kumeelgaarka ah, laakiin waxaan diyaar u nahay in aan wax dheeraad ah la qabano
aagga sida Puntland haddii ay la shaqeeyaan Dawladda Fededraalka kumeelgaarka
ah." (Dhegeyso).
Muqdisho haddii Caasumadda laga wareejiyo
Dr.
Cabdiqaadir Cabdi Guutaale oo ah la Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Gudaha DFKMG oo Jabuuti u tegey Xeerka (Charter) Cusub ee loo samaynayo Magaalada
Muqdisho oo ay SomaliTalk.com June 22, 2010 weydiisey su'aal la xiriirta
Caasumadnimada Muqdisho in ay kaga hadleen xeerka cusub waxa uu ku jawaabay:
"Muqdisho Caasumadnimadeeda marna dood lagama keenin, marna lagama hadlin
Muqdisho ma noqon kartaa Caasumadii dalka mase ma noqon karto. Marar waxaa
jirtey in la yiraahdo laguma shaqayn karo hadda xaaladda ay ku jirto darteed, oo
la yiraahdo ama baydhabo hala tago ama Jawhar, magaalooyin kalena waa la soo
jeediyey, laakiin marna laga hadlin in Muqdisho lagala wareego xurmadii caasumad
nimo, laakiin xitaa haddii taas la qaato ma aha arrin laga argagaxo ama lala yaabo. Caasumaddu waxa keliya oo ay tahay waa fadhigii dawladda. Fadhiga
dawladda meel kale hala geeyo dhibaato lam aaha dadka. Adduunkun amaraxalado uu
soo maray weeye. Waxa ajirta magaalo l ayiraahdo caasuamdii ganacsiga oo la
yiraahdo waxay horumar tahay dalka iyo magaalo xarun u ah xukuumadda," ayuu
yiri.
"Magaalada marka haddii siyaasaddii ay noqoto dheri dhagax kulul oo aan gacanta lagu
haynkarin, haddii markaas dadka muqdisho ay go'aansadaan oo yiraahdaan bahasha
meel kale hala aado in ay maslaxadeeda sidaas tahay ayaaba suurta gal ah," ayuu
yiri Dr. Guutaale. (Dhegeyso)
Halkaas waxaa ka soo baxaya dood furan oo sida ay sheegeen labada Professor
salka ku haysa "si cilmiyaysan ma uga wada hadalnaa in Hargeysa ay markale
hormuud u noqoto dadka Soomaaliyeed oo mid ah."
Taariikh Kooban:
1889 Ayaa boqortooyadii
Ingiriiska waxay Woqooyiga Soomaaliya ka dhigtay maxmiyad ay gumaysato oo ay
ugu yeertay Somaliland.
1894 ayaa heshiiska loo yaqaan
Saddex-Geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great
Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa
dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta
Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu
aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed Soomaaliya ee loo
yaqaan Ogaden.
1960 bishii June 26keedii ayaa
Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. Bishii July 1deedii isla
sanadkaas 1960 ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay
labadaas qaybood midoobeen.
1961 ayaa lasharciyeey midnimadii
labadii qaybood ee Soomaaliya markaas xorta kanoqotay. (Act of Union, Law
No. 5 of January 31, 1961)
Halkaas waxaa ka cad sida Gumaystayaashii
ay Soomaaliya ugu kala qaybiyeen 5 qaybood, waxaa 1960
xoroobey laba qaybood (qaybtii Ingriisku gumaysan jirey British Somaliland
iyo qaybtii talyaanigu gumaysan jirey Italian Somaliland) labadaas qaybood
oo midoobey, xilligaasna fahmay xadka uu gumaysigu dhigay in aan lagu kala
qaybin karin dadka Soomaaliyeed ee wadaaga wax kasta. Waxaana 1961 la
lasharciyeey midnimadii labadii qaybood ee Soomaaliya markaas xorta kanoqotay. Waxaa gumaysigii ku
sii haray saddex qaybood oo markii dambe ay Jabuuti xornimo ka qaataday
faransiiska June 27, 1977. Sidaas ayaa waxaa weli gumaysiga ugu jira
NFD oo
Kenya haysato iyo Soomaali-Galbeed oo Itoobiya loo gacan geliyey welina u
dagaalama xornimo.
5-tii
Soomaali waa dahsoontay ee ma lumin
SomaliTalk.com oo magaalada Jabuuti waraysi kula yeelatay Dr. Cumar
Cusmaan Raabeh oo ah Taariikh-yana Soomaaliyeed oo ka jawaabayey su'aal
ahayd "ma isleedahay eraygii ahaa shantii Soomaali waa laga baxay oo waa lumay
oo waa laga soo guurey" ayaa wuxuu ku jawaabay "MAYA. Wuu dahsoomay, wuu
dedmey ee ma lumi karo ilaa ummadda Soomaaliyeed ay lunto, shanta Soomaaliyeed
ma lumi karto, sidee u lumi kartaa," ayuu yiri.
Dr. Raabeh oo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri: "(5-tii Soomaali) MA LUMI
KARTO, ilaa la ina waayo ma ahine ma lumi karto, laakiin duruuf ayaa keeni karta
oo daboosha oo culays gaar ah saarta sida tan imminka oo kale. Markaan si xarfad
ah ayaa loo qabtay Soomaalida, si aaanay qaranimo u xasuusan qabaa'il ayaa la
isugu diray, labada qabiil isku haysayta ma iyagaa qaran xasuusanaya, xaagay ka
xasuusanayaan. Waa in ay horta is daayaan, kolka ay is daayaan ayaa qaranimadu
soo noqonaysaa, waa is deynayaan, marka nabadu timaado ayaa qaranimadu soo
noqonaysaa oo noloshu soo noqonaysaa oo sharaftu soo noqonaysaa, oo awooddu soo
noqonaysaa." (Dhegeyso)
Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Allah ha u naxariistee, oo
noqday ra'iisul wasaarihii Soomaaliya, xorriyaddii kaddib (koowaad: 26 Jun 1960
- 12 Jul 1960) iyo (Afraad: 15 Jul 1967 - 1 Nov 1969), isla markaasna noqday
madaxweynaha Somaliland (May 16, 1993 – May 3, 2002) ka hor intuu uusan
geeriyoon waxa uu sheegay "Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo in ay isku
imanayaan Koonfurta iyo Woqooyiga Goboladii la isku oran jirey, mar ay
noqotaba".
Maanta waa June 26, 2010. Xorriyaddii Soomaaliya waxaa ka soo wareegtey 50
sano (June 26, 1960), waxaana markale ay professoradu (Samatar iyo Cilmi) ugu baaqeen Hargeysa in ay
hurmuud u noqoto midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed oo dhan (ka daawo
video-ga).
Hadalkii marxuum Cigaal [Allah ha u naxariistee] ee ahaa Koonfurta
iyo Woqooyigu Mar uun ayey Midoobi doonaan...
Waraysi
uu qaaday Maxamed Xaaji Xuseen oo ka tirsan Idaacadda Codka Maraykanka,
December 25, 2007, oo uu la yeeshay madaxweynaha Maamulka Somaliland,
Daahir Riyaale Kaahin ayuu weydiiyey su'aal ahayd: "Waxaa jira hadal Allah
ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal hore uu u sheegay oo
ahaa 'Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo in ay isku imanayaan Koonfurta iyo
Woqooyiga Goboladii la isku oran jirey, mar ay noqotaba', taas ma aaminsan
tahayadigu." Waxa uu Daahir Riyaale ku jawaabey: "Anigu qeybka kama waramo
laakiin Somaliland waxay aaminsan tahay in ay gooni isu taagto taas ayaana
ku shaqaynayaa, laakiin qeybka in aan ka waramo ma aha oo hawl ii taal ma
aha." Weriyuhu waxa kale oo uu weydiiyey "Marnaba ma laga yaabaa, 17 sano
waa wax dheer oo ay Soomaalidu kala maqnayd, haddii wanaag uu dhaco oo
dadkii Soomaalida ee Koonfurtu ay heshiiyaan, in aad is tiraahdo Allaylehe
Somaliland iyo Koonfurtii Soomaalidu ma kala maarmaan ee markale ha
walaaloobaan." Riyaale waxa uuku waabey: "Anigu horta madaxweyne markaan
ahay la doortay go'aanka ummadda ayaan ku shaqeeyaa, laakiin go'aan aan
leeyahay kuma shaqeeyo oo keligay go'aan qaadan maayo, markaa go'aanka
ummadda ayey u taalaa, go'aanka ummaadda oo bedesha mooyaane wax anigu aan
bedelaayo ma jiro hadduu Ilaahay yiraahdo."