Home » Warar »

Gudiyada Diyaarinta Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Kan Sharci u Sameynta Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku Kulmey Jabuuti

iyo Waraysi Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG… iyo Su’aal ku saabsan Yaa wax laga weydiinayaa Masiirka iyo Mustaqbalka Muqdisho, ma dadka hadda deggan Muqdisho mase dhammaan ummaadda Soomaaliyeed…

Warkan oo uu akhrinayo Maxamed Allman .Dhegeyso

Gudiga Madaxbannaan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Soomaaliya iyo Gudiga diyaarinta Sharciga Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa markii ugu horeysey kulan ku yeeshey 30/05/2010, xafiiska gudiga Madaxbannaan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo uu ku shaqeeyo ee caasimada dalka Jabuuti.

Kulanka labada Gudi oo ahaa mid ku dhisan is-barasho iyo wada tashi wada shaqeyn oo ay Goob jog ka ahaayeen Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xog-hayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Maxamed Jimcaale, la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Cali Cabdi Awaare iyo la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/qaadir Guutaale , madaxda gudiyada, khubaro isugu jirtey Soomaali iyo Ajanabi oo ka tala bixinayey sameynta sharciyadan furitaankii kulanka waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Gudiga Madaxbannaan Dastuurka iyo arrimaha Federaalka iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo khudbad isugu jirto dardaar, talo soo jeedin, dhiirigelin iyo ka jawaabis su’aal ay weydiisey mid ka mid ah xubnaha haweenka ee ku jira Gudiga Dastuurka ayaa khudbadiisa waxay u dhacdey sidan

(Halkan ka dhegeyso)

Guud ahaan kulanka labada gudi marka si guud loo eego, waxaa uu u muuqda tilaabooyin loobaahnaa xili dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan nabadgelyo la isku haleynkaaro, inkastoo Hay’adaha kaalmeeya sameynta dastuurka dalka iyo khubaradooda ay ula muuqato in diyaarinta dastuurka dalka Soomaaliya uu qayb ka qaadankaro xasilinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, hadana kama muuqato nidaamkan mid keenaya Guul dhow, iyadoo ay banaan yihiin tilaabooyin badan oo kaabaya xasilinta dalka Soomaaliya oo in mudo ah la iska indhatirayey.

Waraysi Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG (dhegeyso)

Dhanka kale waxaan waraysi la yeelanay Waraysi Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Halkan ka dhegeyso Waraysiga wasiirka

Sawirada guddiga

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gudiyada Diyaarinta Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Kan Sharci u Sameynta Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku Kulmey Jabuuti "

  1. QAYBDOON says:

    DASTUUROOW —————XAAL QAADO