Home » Allman, Faallo »

Ha Noqon Shabaabkii Sharta!! | Qore Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Ha Noqon Shabaabkii Sharta!!

Qoraalka oo dhamaystiran ka akhri halkan GUJI….

Fadlan akh-riste ha fududeysan qormadan, shar iyo khayrba, sabab iyo sabab la’aan, hana dhibsan oo hana ku farxin ama dhab ka hadal wuu noqon ama dhalanteede oo waa waxa jira ama dhicikaree, intaas weyga Afeefe sidaad doonto u qaado, mar waa baraarujin, marna waa wax is-weydiin, marna dhoolatus cad ama xujo cad oo ay ku socoto cida ay khuseyso weeye, laakiin Akhirste qormadan waxaan ku soo qaadan doonaa dhalinyaradu heerka ay gaarsiisey diinta Islaamka aduun iyo aakhiro, magaca Shabaab waxa uu yahay iyo sida loo bedeley, sidoo kale inaan is-weydiino khilaafo islaami ah ma mudan tahay xiligan in la soo celiyo?!, hadii ay tahay haa, yaa soo celinaya iyo su’aalo kale oo muhiim ah oo u baahan ka jawaabistooda in la isla fahmo, ayaan kaga hadli doonaa, sababtoo ah Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Doqon usha agteeda ku dhufo, hadii ay garan weyso korkeeda, waxayna si toos ah ugu socotaa dhalin-yarada, waxayna u digeysaa dam damlayaasha damaca waalan ee dabeyshoodu ay dhaceyso deegaan kasta oo ay joogaan.

Qoraalka oo dhamaystiran ka akhri halkan….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Ha Noqon Shabaabkii Sharta!! | Qore Maxamed Macallin Cismaan (All-man) "

  1. cabdi says:

    jazakallahu khayran. marka labaad waxaan la yaabanahay dadka maxaa ku imtixaanaya dhaleecaynta iyo waxkasheega. qoraalkasta oo laqoro, waxaad arkaysaa qaar dhinac kale u wareejiya danta lagalahaa qoraalka. inagoo markii horaba ay nagu yarayd qoraayaashu, hadana hadii markasta la cambaareeyo, maxaynu isugu soo hadhaynaa. ilaahay ayaa og

  2. MR Ali swden says:

    saxiibyaal waan salamaaya Mr allman waxaan dhihi karaa maqaaakan waxuu ahaa mid diirada uu ku saaray wax jira waayo waxuu sameyey baaritaan xoogan oo qotot dheer waana waxa lagu garto nin qoraa ah waana ku mahadasantahay kuwa caytamaya waxan leeyhay ninka markuu wax qabato waa loo hanblayeyaa maah in aad hiiftaan runtii aniga waxaan ahay dadka maqaalada aqrista mqalkaan waxuu ahaa maqalkii sandaka

  3. soomaali says:

    Ali baashi Ninka wataa waa Xagjir-seef-labood-macangag-.

    Maqaalka waxan ka leeyahay
    mahadsanid walaal.
    u iftiimi dadkaaga waxa dantu ugu jirto.
    hana ujoojin kuwa kaligood uhaysta In ay dadka diinta ka xigaan.

    Insha Allah mar dhaw waa lasoo afjari doonaa kali muslimka kursi doonka ah ee maatada laaya
    wcs wr wb

  4. Ali baashi says:

    Ninka qormada qoray ee siku magacaabay iyo labada faalada ka bixisay waxaan filayaa inaysanmba fahmsaneyn waaqica lagu jiro iyo loolanka u dhexeeya xaqa iyo baadhilka,midka qoraalka qoray isaga laftirkiisa ayaa tiih(wareer) ku jira oo qormada bilowgeda ayuu ku sheegay qormadu inay noqon karto dhalanteed ama dhab shaki ayuu galiyey hadalkiisa,labada qof ee faalada ka bixiyey oo markiiba ku taageeray ninkaas qoraalka waxaan dareemayaa inaysan si nuxur leh aysanba u aqrin maqaalka malaha cadownimo diinta iyo dakeeda difaacaya ayaa ku jiraALLAAHU aclam,aniga waxaan toos u leeyahay midka qoraalka qoray waa dhalanteed qoraalkaaga am ku farax maa ka nax,qof walboo xaqa ka soo horjeesta ee ka carooda xaq waxaan leeyahay caradaada ku dhimo.

  5. Mohamed says:

    AWW
    All man ILLAAH HA KU BARAKEEYO maskaxdaada iyo cilmigaaga ILLAAH ha kuu saa’idiyo, cadawga sharta rabi ha kaa qabto inta aad nooshahay cadee xaqa anana waan ku garab taaganahay

    Saaxiib / Walaal waan qaatay waan aqbalay waanadaada waxaan filayaa dhamaan dhalinyarada kalena in ay qaadan doonaan ILLAAH ha inagu anfaco cilmiga walaalkeen ee ku salaysan xaqiiqda

    Mahadsanid

    Mohamed

  6. Asc Wr Wb Dhamantiin yaa msulimin intas ka bacdi, walahi qormadan waa qormo cajiib ah aniga koley intas aan ka arkey qormoyin waa waa mid ka mid ah kuwii igula cajiibsanaa intaas ka baxdi, Hadii dhalinyaro waano ay anfacayso ninkan ba qorey waxan ku soo kobayaa, Aad iyo aad ayaad ugumahadsan tahay qormadan quruxda badan aad qortey, maxamed macallim osman hana ka dalin talada dhalinyarada la mirin hababiyey, Wa Billaahi Towfiiq.