SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DIFAACA BADDA: WAREEGGII-1aad 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 | 121 | 122 | 123 | 124 | 125 | 126 | 127 | WAREEGGA-LABAAD |
Daabaco Boggan | Print

Ha Noqon Shabaabkii Sharta!!

  • Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Jabuuti.
    fatxumaalik@hotmail.com

    Fadlan akh-riste ha fududeysan qormadan, shar iyo khayrba, sabab iyo sabab la’aan, hana dhibsan oo hana ku farxin ama dhab ka hadal wuu noqon ama dhalanteede oo waa waxa jira ama dhicikaree, intaas weyga Afeefe sidaad doonto u qaado, mar waa baraarujin, marna waa wax is-weydiin, marna dhoolatus cad ama xujo cad oo ay ku socoto cida ay khuseyso weeye, laakiin Akhirste qormadan waxaan ku soo qaadan doonaa dhalinyaradu heerka ay gaarsiisey diinta Islaamka aduun iyo aakhiro, magaca Shabaab waxa uu yahay iyo sida loo bedeley, sidoo kale inaan is-weydiino khilaafo islaami ah ma mudan tahay xiligan in la soo celiyo?!, hadii ay tahay haa, yaa soo celinaya iyo su’aalo kale oo muhiim ah oo u baahan ka jawaabistooda in la isla fahmo, ayaan kaga hadli doonaa, sababtoo ah Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Doqon usha agteeda ku dhufo, hadii ay garan weyso korkeeda, waxayna si toos ah ugu socotaa dhalin-yarada, waxayna u digeysaa dam damlayaasha damaca waalan ee dabeyshoodu ay dhaceyso deegaan kasta oo ay joogaan.

Sida la wada ogyahay Taariikh ahaan ereyga dhalin-yaro waa magac ka mid ah magacyada kulmiya Aabayaashii soo marey dadyowga dunida Qarniyadii tagey, kuwa hada jooga iyo kuwa soo socda, islamarkaana leh qadarin gooni ah, Inkastoo dadyowga dunida ku nool ay ku kala duwan yihiin, hadba sida ay u jiheeyaan tarbiyada dhalinyaradan.

Hadana waa qaybta ugu awooda badan Insaanka ilaahay abuurey ee ku nool dunida guudkeeda marka uu joogo xiligaas, hadii aynu si foojigan uga eegno magacaan dhalin-yaro, dhinacyo kala duwan mar waa wax aad u qiimo badan, marna waa wax la soo maro oo u baahan in dib loo xasuusto oo laga qoomameeyo, marka loo eego falallka kala duwan ee ay geystaan dadkii soo marey dhalin-yarada aduunka qaarkood waana abuuris ilaahay oo aan marna laga gudbi Karin.

Diinta Islaamka Dhalinyadu waxay siisey sharaf aad u sareysa, waxayna ku jiheysey wado cadd oo aan mugdi ku jirin oo noloshiisa dhan ka dhigeysa mid raaxo badan, halka diimaha kale ay dhalin yaradu ka dhigeen wax fasaxan oo meel loogu hagaago aan lahayn, noloshooda dhan waxayna ka dhigeen ciyaar, cabid, cunto iyo wax ka fog hab nololeedka aduunka, inkastoo ay iskula quman yihiin wadada ay ku socdaan, hadana wax badan ayaa ka dhiman, taasina waxay keentaa in jiilkan cusub ay wax badan kaga daydaan kuwa isku ayniga ay yihiin, sida daroogada iyo wax kasta oo nolosha bani’aadamka dhibaato u keena, taasoo ugu dambeyn dhaxalsiisa in ruuxu uu is-dilo oo uu iska soo tuuro dabaqyo dhaareer dushooda ama in xargo meel kore ku soo xiro oo isku dal-dalo ama dhibaato gaarsiiyo bani’aadamka kale, isagoo ay la tahay wax iska caadi ah, maadaama aan lagu soo barbaarin wax noloshiisa dejiya, kuwaasina Diinta Islaamka waxay ku tilmaantey ahlu shar.

Halka dhalin-yarada Muslimiinta ee soo baxdey Qarnigan 21-aad waxa ay dhaqmaan uu yahay wax ka duwan habkii iyo qiyamkii uu lahaa islaamka, islamarkaana noloshii ba’i'aadamka ahayd ee sharafta lahaydna si sahal ah ku gooya ama iyaga inta bam ay isku soo xiraan dabadeed ay isku dhex qarxiyaan bulsho muslimiin ah dhexdeeda, halka kuwo kale ay masaajidada muslimiinta dhexdooda ay ku dilaan in badan oo aan waxba galabsan, marka dib loo eegeyna, culimada caalamka Islaamka ay ku noqotey xujo sidii laga yeeli lahaa, dhalin-yaradan ku kacaysa falkaas ee hadana xirtey wajiyadooda, iyadoo waji xirashaduna ay ceeb ku tahay dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan, waayo waxay muujineysaa sawiro kala duwan oo ay ka mid tahay fuleynimo iyo munaafaqnimo.

Hadii aynu ka sheekeyno dhalin-yarada Islaamka, inagoo aan ku soo koobi Karin qormadan keliya, Diinta Islaamka waxay gaarsiisey meesha ugu sareysa marka loo eego dadka waaweyn sida qowlkii Rasuulka (SCW) uu ku sheegey “in todobo ruux ay harsan doonto hooska alle maalinta qiyaamaha ee xisaabta daran ay dhaceyso ay ka mid yihiin, Ruuxa dhalinyaro-nimadiisa ku cibaadeystey, sidoo kale ilaahay wuxuu quraankiisa ku sheegey oo u balan qaadey in janadiisa ay ku waarayaan, iyagoo dhalin-yaro ah, ruuxa ku guuleysta imtixaanka Alle, dadkaasina waxa ay wataan magaca dhalinyaro, waxaa kale oo la siiyey dhalin-yarada hogaaminta mustaqbalka dadyowga dunida, sidoo kale waxaa lagu maamuusey hantida dunida taal in ay ku tasarufaan, waxaa kale oo lagu sheegey Quraanka kariimka in ay yihiin kuwa mar walba ugu dambeeya Bani’aadamka si ay u reebaan dadd kale.

Dhamaan arimahaas iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobikarin waxay na tusinaysaa qiimaha ay leeyihiin dhalin-yarada, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay ruuxa dhalin-yarada ah in uu ka fogaado waxyaabo badan oo dhibaato u keenaya naftiisa iyo tan kale ee la jaarka ah, si loo helo bulsho nadiif ah.

Dhinaca kale Qarnigaan 21-aad bilowgiisa waxaa la maqlayey erayo kiciya dadyowga kala duwan ee dunida oo boog ku ah qaliyadooda kuwii hor boodayey, balse soomaaliya maqalka xubnahan horboodayey xusuustood wali kama dhamaan oo Buush iyo Baleyr-kii bilaabey waa buul, Usaamana mar la arag mariid reebey noqoy, dal dalaadii Sadaam Xuseena bilowgii dowlado carbeed dheh, Qixiyena waa Qoxoot, Zanaawina seefo sumado badan leh baa ku socda, Sheekh Shariif sixintii waa laga sumeeyey, shabaabna shartii ugu xumeyd ee soo marta Soomaaliya dheh, sharaftii suufiyada soo jireenka ahaydna sarqaan baa lagu khatimey, samawadihii Soomaaliyana sahankiisa waa fogaadey, intaas wayga sheeko ee Soomaalaay anigoon sharxin car yaa sheegan kara Sheekh, siyaasi, sargaal, aqoon-yahayn, caaqil, odey, ganacsade, mudane, marwo iyo barbaar oo sidaas diida, ileyn hadaad diido aduun baa daaliye.

Gobonimadii Soomaaliya waxaa qayb ka soo qaatey koox dhalin yaro ah oo xiligaa ahaa kuwa ugu qaalisan dalka Soomaaliya, waalidiintii dhaleyna qiimo weyn ugu fadhiyey noloshooda, islamarkaana noqdeyna kuwa horseedey Madax banaanida mac-malka ah ee ay Soomaaliya sheegato xiligan, inagoo aan tafaasiil dheeraad ah u galeyn waxa ay ahaayeen dhalinyaradaas oo tiradoodu lagu sheegey 13, islamarkaana ku midoobey Ururkii SYL, balse kuwii ka dambeeyey dhalin yaradaasi waxay noqdeen kuwo aan ilaalin ujeedooyinkii loo aas aasey SYL, kuwii dhaxley hogaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Maantana bedelkood wuxuu noqdey wax aan la fileyn in ay soo baxaan sida wax lagu sheego Al-Shabaab, inkastoo dadku ay ku kala aragti duwan yihiin, magaca Ururkan cusub iyo ujeedooyinkiisa.

Hadana Ereygan Al-shabaab waa Erey ka mid ah luqada carabiga oo marka la Af-soomaaliyeeyo noqonaya Dhalinyaro ama barbaar, waxaana magacooda la maqley wixii ka dambeeyey markii ay bur burayeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka hanaqaadey 2006-da Gobolada Koofureed ee Soomaaliya oo xiligaa ay u muuqdeen kuwo leh sumcad aan marna la hilmaami Karin, balse ay ku hoos duugnaayeen ragan la baxay Al-shabaab, islamarkaana ahaa kuwii ka dambeeyey isku dhaca dowlada iyo Maxkamadihii jirey xiligaa, sababtoo ah markii aan la sheekeystey in badan oo ka mid ah xubno ka tirsanaa Golahooda lagu sheegi jirey Shuurada ee Maxkamadaha ayaa waxay ii sheegeen “in ay jireen xubno Al-shabaabka ka tirsan, islamarkaana ahaa rag add adag oo soo jeediya go’aamada aan laga fiirsan, taasoo mararka qaar keeni jirtey isku dhacyo dhinaca Aragtida ah oo aan la dareemi jirin xiligaas xaaladaha taagan aw-good, taasoo gunaanadkii isu bedeley Urur gaar ah, balse la yimid Afkaar ka duwan”.

Goortii la maqley magacooda Al-shabaab, dadka muqdisho intooda badan waxay is-weydiinayeen halka lagu aas aasey iyo goorta la aas aasey, gunaanaddkii waxay jawaabahooda ku sheegeen, Waxaa lagu aas aasey magaalada muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo aan cadeymo dhab ah loo haynin, halka kuwo kale ay qabeen in lagu aas aasey Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Burco, islamarkaana ay tiradooda ku sheegeen ugu yaraan 15 ilaa 20 xubnood ragii aas aasey, balse dadka Muqdisho xiligaa waxay jawaab cad ka bixin waayeen cidda aas aastey, inkastoo dadka qaar ay ku sheegayeen, “waxaa aas aasey Rag ay ka mid yihiin Mas’uuliyiinta sare ee Ururkii ay ku mideysnaayeen Maxkamadaha Islaamiga, oo hada u kala jabay qaybo badan iyo rag kale oo ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed”, laakiin marka dib loo eego hadaladan waa kuwo wali la is-weydiinayo cadey mahooda cidda aas aastey.

Sidoo kale dhalin-yaradan ayaa waxaa la sheegey in lagu tababari jirey Garoonka weyn ee Balidoogle, xubin kasta oo ka tirsan dhalin-yaradaas waxaa la siin jirey lacag dhan $50, si loogu dhiiri geliyo hadafkooda guud ee ahaa hanashada talada dalka Soomaaliya iyo in lagu hor istaago jiritaanka TFG-dii uu hogaaminayey Co/Cabdullaahi Yuusuf oo xiligaa u muuqdey nin awood ku muquuninaya guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo adeegsanaya awood shisheeye oo mustaqbalkuna siduu doono ka yeeli lahaa cid kasta oo ka hortimaada, Inkastoo Cabdullaahi Yuusuf sida uu doonayey aysan noqon hadana waxaa lagu qaadey washamsi, balse lagama faa’idin mucaaradadii lagu sameeyey!!.

In badan oo aan la sheekeystey waxay ii sheegeen “C/llaahi Yuusuf waxaa washamsi ku qaadey Mucaaradkii ka soo horjeedey iyo dowlado kala duwan oo caalamka ka tirsan oo taageero siinayey mucaaradka, sababtoo ah Ururkan Al-shabaab iyo kuwa hada ku biirey dowlada waxay u dhisnaayeen qaab Militeri, waxaana ka qayb qaatey dhismahooda xubno badan oo ka tirsan saraakiisha hore ee ciidamada XDS oo xiligaa si weyn uga soo horjeedey joogitaanka ciidamada Itoobiya, qaybo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed, xubno ka tirsan Ganacsatada, waxayna lahaayeen Maxkamaduhu xubno u shaqeeya sida nabad sugida oo kale iyo Booliis, sidoo kale waxay lahaayeen Rag u qaabilsan dhinaca Anshaxa, ruuxii lagu helo fal dembiyeed gaar ah oo aan ka tarjumeyn hadafka ay leeyihiin waxaa la saari jirey, wax lagu sheego Maxkamad aan cidina ogeyn, islamarkaana si deg deg ah loogu fulin jirey go’aankii Maxkamada qarsoonaa, inkastoo dadka qaar ay ii sheegeen waxaa laga soo hormin jirey digniino loo marsiiyo taleefoonada, waraaqo lagu daadiyo jidadka IWM”, dadka Soomaaliyeed oo dhana waxay xabsi furan iyo mid xiran ugu jireen Mucaaradka iyo TFG, kooxdan Maxkamadaha Islaamiga ah sheeganeysey waxaa keloo u dhanaa wax kasta oo ay lahayd dowlad, inkastoo qaar ka mid ah saraakiishii iyo aqoonyahanadii dhistey markii dambe qaarkood ay toogteen Al-shabaab, si aysan dib u soo tababarin kuwa Kooxdan ka takhalusta” sida ay ii sheegeen rag si weyn ula socdey dhaq dhaqaaqyadooda.

Kooxdan Al-shabaab ayaa markii dambe waxaa la ogaadey in ay xiriir toos ah la leeyihiin Kooxda ka dagaalanta Buuraha Af-gaanistaan, kadib markii hogaankooda ay si xirfadeysan ula wareegeen Rag ku xiran dadkaas, kuwaasoo Hadafkoodu ahaa waa sida ay sheegtaane in la soo celiyo Khilaafadii Islaamka si Dunidoo dhan loogu Xukumo.

Waxaana soo baxay su’aalo fara badan kuwaasoo ay ka mid tahay horta dhalin yaradan ma ilaaliyaan waxa ay diinteenu ilaalineysey?, sababtoo ah Diinteenu waxay ilaalisaa shan wax-yaabood oo bani’aadamka aas aasi u ah jiritaankiisa nololeed iyo degenaanshaha dunida oo dhan, hadii aan soo qaadano kan hore,

1-Diinteenu waxay ilaalisaa Caqiidada Bani’aadamka, gaar ahaan dadka Islaamka ah.

2- Nafta Bani’aadamka oo aan si sahal ah lagu goyn ama wax lagu yeelo. 3-Caqliga Ruuxa oo aan wax loo dhimin.

4-sharafta uu ilaahay siiyey bani’aadamka, gaar ahaan dadka Islaamka ah in aan wax loo dhimin.

5- ugu dambeyn diinteenu waxay ilaalisaa hantida uu leeyahay Ruuxa Insaanka ah ama Muslimka ah ee uu ilaahay siiyey, inkastoo diinteenu aan wali ku arag meel lagu amaanayo dadka gaaloobey iyo Yuhuuda. Balse 19-kii sano ee ugu dambeeyey waxaad moodaa Soomaaliya in intaas oo dhan lagu xadgudbey, marka laga reebo wax yar mooyee, kooxdan dhalin-yarada ahaydna, iyaguna waxay sii laba jibaareen hawlahaas ku xad-gudubkooda, halkii laga rabey in ay wax ka qabtaan kuwii geystey arimahaan, hadaba Akh-ristoow dadkaasi maxay mudan yihiin?, jaawaabta su’aashaas Akh-riste adiga ayaan kuu daayey.

Ruuxa bani’aadamka ah, hadii uu barto in uu daadiyo dhiiga bani’aadamka kale wuxuu noqdaa ruuxaasi sida bahal dugaag ah oo kale, sida ay sheegaan xeeldheerayaasha dagaalka, marka uu waayo wax wax ka qabta gunaanadkii wuxuu dilaa xitaa dadkii ehelkiisa ahaa, waxaana uga wacan ma jirto dowlad dhexe oo maamusha dalka soomaaliya mudo 19-sano ah waxaa sii batey nabadgelyo xumidii.

Ruuxa muslimka ah waxaa saaran in ruuxa gaalada ah waaniyo oo wax u sheego una caqli celiyo ee ma ahan in dadka gaalada diinta looga dhigo diin dagaal, waayo diinteenu ma ahan diin dagaal oo wey qeexday noocyada dagaalka.

Hadii aan dib u eegno Taariikhaha Diimaha Ummadihii hore iyo Diinteena sida ay qabto, ma jirto Diin dhigeysa goobaha xurmada leh in lagu dilo naf bani’aadam ah, hadii ruuxu muslim yahayna waa mid ka daran, xitaa caqliga bani’aadamka ee wanaagsan ma ogola, kooxdanina waxaa lagu eedeeyaa arintaas, taasina waxay keentey in dadka qaarkood ay wax ka sheegaan, halka kuwo kale ay ka soo horjeestaan waxa ay ku kacayaan oo dabadeed, iyagiina ay sii noqdaan kuwo aad u sii carooda oo hawshii sii laba jibaara, halka xubno ka tirsan dhalinyaradan oo hadleyna ay ku sheegeen in ay jiraan Kooxo kale oo qarsoon oo wax khaarijiya, islamarkaana ka faa’ideysta muslimiinta dhexdooda.

Tan kale Diinta Islaamku noocyada dagaal ee ay qeexdey, waxay ku xirtey shuruudo badan oo add adag aya ka mid tahay, awooda ciidan iyo qalabka dagaalka ay haystaan dadka Islaamka ah, tan dhaqaale, mid xiliyeed, qorsha goobaha dagaalka lagu qaadayo oo aan dadka Islaamka ka soo gaareyn dhib badan, sida Biyaha, cimilada, istiraatiijiyad ahaan IWM, cida qaadeysa dagaalka, cida amarka bixineysa dhamaan arimahaas marka loo eego dagaalka hada ka socda qaybo badan oo ka mid ah dalalka Islaamka iyo kuwa ay kuwada nool yihiin muslimka iyo gaalada, ma yahay mid loo dhan yahay?, mise koox gaar ah ayaa wadata? Micnaha dagaalkaas uu leeyahay ma laysku raacsan yahay?, xiligaanse ma yahay xili in la soo celiyo mudan khilaafadii Islaamka ahayd?!!.

Hadii jawaabtu haa tahay, yaa soo celinaya?, Qaab sidee baa loo soo celin?, waqti intee la eg ayey qaadaneysaa soo celintaas?, awooda dadyowga Islaamka ma mideysan tahay?, cida hogaamineysa dagaalka guud ee lagu soo celinayo khilaafaduse ma yahay ruux laysku raacsan yahay?, mise sheekadu waa jaantaa rogan in wax lagu bilaabo ayaa la doonayaa si mustaqbalka sida hada ka socota Soomaaliya oo kale in dib laysku soo noqdo?, mise is-qarxita shacabka muslimiinta gudahooda ayey kusoo noqoneysaa khilaafada iyo dadka gaalada ah ee macaamilada wanaagsan la leh dadka Islaamka?, mise goobaha xurmada leh dhexdooda oo dad lagu dilo ayaa lagu soo celinayaa?, Dhamaan su’aalahaas iyo kuwo kale oo fara badan ka jawaabistooda waxay u taalaa Muslimiinta Caalamka meel kasta oo ay joogaan iyo kuwan is-qarxinaya oo bani’aadamkoo dhan geliyey heegan aan dhamaan.

Marka xiga hadii aan miithaal aan soo qaadano dadkaan hada hor boodaya dagaalada ka holcaya dunida guud ahaan ee sheeganaya in ay jihaad ku jiraan oo diinta islaamka laga tegey in dadka dib loogu soo celiyo, waxaad moodaa in ay isaga mid yihiin dhaqankii Gumeystayaasha dunida soomarey sida in diintu ay ku koobnaato masaajidada ama looga dhaqmo waxa ay sida tooska ah ay u cadeyneyso, balse uusan shuqul ku lahayn Islaamku sida Is-boortiga, waxa soomaalidu ay ku sheegto Suugaanta noocyadeeda kala duwan, Saxaafada, Haweenka ka shaqeeya xafiisyada dowlada, goobaha ganacsiga iyo Haweenka safarada gala, iyadoo uusan la socon muxram, taasoo ah aqoon la’aan ku timid cadaadiskii kala duwanaa ee ay geysanayeen Mas’uulyiinta kala duwan ee caalamka Islaamka soo marey ee hoos tagayey Gumaystayaashii Reer Galbeedka, sida ay sheegaan Aqoon yahanada taariikh-da caalamka.

Bal aan tafsiir yar oo kooban isku dayno yaa maalgeliya Qaraxyada joogtada ah ee ka dhaca dalalka Islaamka iyo kuwa kale? yaase ugu dar uguna sii dar daran?. runtii waa su’aalo muhiim ah, balse u baahan in shucuubta Muslimiinta meelkasta oo ay ka joogaan caalamka iyo kuwa gaalada ahba ay mudan tahay in ay isla fahmaan si looga gudbo khataraha soo fool leh iyo kuwa lagu jiro, si sawir buuxa looga qaato waxyaabihii hore usoo dhacay iyo sida ay ku bilowdeen.

Sababtoo ah mid ka mid ah xeel dheerayaasha dagaalka oo aan la sheekeystey ayaa wuxuu yiri “Hadii si qota dheer loo eego qaraxyadan Waxaad moodaa in mash-ruucaan is-qarxinta ay maal-geliyaan Yuhuuda, Mareykanka iyo dowladaha kale ee Reer galbeedka, sababtoo ah is-qarxitan hadii la eego halka ay ka bilaabatey, cida bilowdey iyo sababta keentey intuba waxay cadeyneysaa, in ay ku timid cadaadis daran kadib iyo jawaab careysan oo ka dhacdey Bariga dhexe, gaar ahaan dhulka xurmada leh ee Qudus” ayuu yiri ruuxan isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey

“Dib u eeg markasta oo laysku dayo in cadaadis la saaro Yuhuuda, waxa ay ka geysaneyso dhulka Falastiin iyo guud ahaan khaliijka, waxaa codka Fiitooga ugu hiilinayey inta badan Mareykanka, aduunkuna badankiisa waa ku raacayey, ugu dambeyna waxay keentey in la qarxiyo daarihii mataanaha ahaa ee Mareykanka, maantuna is-qarxintaas waxay si joogta ah uga socotaa in badan oo ka mid ah dalalka caalamka, sida Soomaaliya, Ciraaq, Af-gaanistaan, qaybo ka tirsan gobolada Bakistaan iyo Falastiin oo ah Hooyadii Qaraxyada caalamka, halka qaarkood ay saaran tahay calaamad su’aal goorta ay ka dhicidoonto, halkii laga rabey in aduunku soo Af-jaro qul-qulatooyinka ka dhasha ku tumashada xuquuqda bani’aadamka xeerarka u degsan ee sida xirfadeysan loo jebiyo iyo si bareerka ahba”.

“Xaqiiqdu waxay tahay Aduunku maanta wuxuu u muuqdaa, mid maalinba maalinta ka dambeysa lugaha la sii galayo mashaqo aan laga fiirsan oo galaafan doonta in badan oo maanta jecel in aduunka dushiisa ugu noolaadaan nolol raaxo leh, taasoo ah caqli aan sax ahayn kuwa wada oo ugu dambeyn keeni doona in la isu adeegsado Hubka wax gumaada oo dhibka ka yimaada uusan ku koobnaan doonin kuwa adeegsadey iyo kuwa loo adeegsadey intuba” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey xeel dheerahan.

Marka xiga hadii aan dib u eegno kuwa isku sheega siyaasiinta Soomaaliyeed ee dagaalka ka wada dalka mudada 19-ka sanno ee leh Caamo iyo kuwo ku qaraabta Diinta, Fircoon ayaa ka faa’idi waayey ereyga (Ani), waxaa ku haboon in ay iska daayaan ereygaas, maadaama ay meel ku gaari waayeen mudo 19-Sano, islamarkaana ay daadinayeen dhiiga shacabka walaalahooda ah.

Akh-riste bal aan soo qaadano tusaale yar oo kooban ee Kooxaha dagaalka ka wada dalka Soomaaliya ay ku dhaqmaan hadii la is weydiiyo bal kasoo qaad, iyadoo banaankii weynaa ee maalinta abaal marinta Qiyaamaha la joogo oo kuwa hada wax dilaya la yiraahdo adiga xabad ayaad hada ridey intaas oo ruux ayaadna ku dishey, ama adiga ma soonid oo Islaamkii ayaad qayb ka qaadatey qaybna ka tagtey, ama la salaadii ma aadan Tukan, ama la yiraahdo ruux aan xabad ridin iyo mid aan madaxnimo qaban ama dooneyn ama la yiraahdo Sheekh aan beeshiisa u hiilin, ama la yiraahdo ganacsade aan xoolihiisa ku taakuleyn dagaaladii dalka ka dhacay ama aan dalka keenin wax Ummadda dhibaya ama wariyaha aan cidna taageerin ayaa janada galaya, bal dadkaas ku hawlan arimahaas hadii ay sidaas ku dhacdo yey eeda saarayaan?!!!, maxayna sheegayaan dhab ahaan marka loo hadlo?!! Waxaana hubaal ah inuu sheydaanku inkirayo sida Diinta islaamka ah ay inoo sheegtey.

Marka xiga dhalin-yarada Qoriga sita hadii la weydiiyo maanta imisa xabad ayad ridey oo uu sheego looguna jawaabo xabad kasta oo uu ridey waxay ku dhacdey Aabahaa, Hooyadaa, Walaashaa, Abtigaa, Adeerkaa, Awoowgaa, Ayeydaa, xaaskaagii, caruurtaadii, ruuxaasi siduu noqon lahaa caqligiisa ama maskaxdiisa ay noqon lahayd?!!, taasina waxaan filayaa in ay iska cadahay jawaabteeda, marka mar hadii aadan dooneyn in dadkaas aad xabad ku rido maxay tahay sababta aad xabadaha ula dabataagan tahay dadka la midka ah waalidkaa iyo ehelkaaga?!!, waxa kaa maqan adiga oo aan iyaga ka maqneyn maxay tahay?!!.

Waxaa keloo jirta su’aal meesha taala bal aan is-weydiinee Hogaamiye kooxeedyadii dagaalka dhalin-yaradii ay ku qaraaban jireen maxay dhamaan kuwan abuu abuu la baxay ee qaarkoodna Madaxweyne, Wasiir, Xildhibaanka ku noqdey oo kuwana ay xiligaan u daadinayaan dhiig kale in markooda ay xilka qabtaan oo Hooyooyinkii dhaley dhalin-yaradii ay ku qaraaban jirey Hogaamiye kooxeedyada oo wiil la’aanta iyo Nin la’aanta dhigey, iyagana maxay ka faa’ideen maanta?!!!.

Sababtoo ah Hogaamiye kooxeed wali waa nool yahay, hantina kama dhamaan, xabadna wali way haystaan oo waliba dhiiga dhalin-yaradii walaalahaa ahaa hantidii uu ka cootey ayaa wuxuu sheer kula galey shirkadaha Ganacsiga dalka Soomaaliya ugu waaweyn, iyadoo ay u sii dheer tahay magac iyo maamuus uu ku yeeshey la’ynta shacabka walaalahaaga ah iyo burburinta dalka guud ahaan tiisa, adigana aad leedahay waa markeygee moorada ii baneeya aan dhintee oo masaartana ii afeeya, hadii kale ogoow inaad tahay mufsid ilaahay abaal marintiisuna ku sugeyso, ileyn meesha muslim iyo gaalo loo dagaalaa Soomaaliya ma yaal maantee, hadii aan wax kale soo bixin xiliyada soo socda.

Walaallkeyga Soomaaliyeedoow ee madax cimaamada ku xirtayoow ee Indhaha baneystey, maxaad madaxa cimaamado ugu duubataa Xiliga aad ku jirto hawlgalada khaarijinta, hadii arintaadu tahay Muslim-nimo?, maxaadse u laysaa Aqoonyahanadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo wax-garadkooda? Mise waa dhaqankii fircoon oo la casriyeeyey oo leyn jirey Wiilasha Reer Binu Israa’iil oo reebi jirey Gabdhahooda?, si aan Madaxtinimadiisa looga qash qashin ayaad wadaa?!!.

Waxaana iga su’aal ah Al-shabaabku ma diin baa? mise waa erey ka mid ah ereyada xiliga waalida xukun doonka soo baxay? Yaase maalgeliya? Inkastoo jawaabaha su’aalahan aad moodo in la yiraahdo, Waxaa maal geliya inta diidan isku duubnida Soomaaliya iyo jiritaankeeda oo ay ka mid yihiin maamulada macamalka ah ee ka jira Soomaaliya sida DFKMG oo xambaarsan cudurka Madaxtimo jaceylka, Somaliland oo u carootey sidii madax ay u noqon lahayd, Puntland oo boorsooyin u tolotey wax aan afka soo marin, Burcad Badeed oo gaajo ka bax u taagan, Al-shabaab oo Diintii Islaamka gelitaankeeda iyo ka bixitaankeeda qaybisa, Xisbul Islaam oo aad mooda kuwo hore gaalo u ahaa, balse hada soo muslimey, Ahlusuna Waljamaaca oo isku dhex wada Diinta iyo waxa ay xarintey, kuwii kale ee hogaamiye kooxeedyada koofurta Soomaaliya lagu sheegi jirey oo si kale u shaqeeya xiligan, Ganacsatada ku naaxay ka ganacsiga wax kasta oo dheeftii dalka ahayd iyo ku soo bedelida wax kasta oo dhib u keenaya dalka, dadka iyo diinta Soomaaliya.

Bal eeg goobaha ay ka taliyaan qaybahan kala duwan waxaa ku nool shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan ee lahaa awoodihii dhaqaalaha dalka, aqoontii dalka, sharcigii dalka iyo sharaftii guud, waxayna kala dhantaaleen dhamaan arimahaas iyo kuwo kale oo fara badan mid kasta meel gaar ah ayey ku ooteen si mustaqbalka ay ugu gor-gortamaan siyaasadahooda guracan, shacabkiina waxay ku shubeen wax aan faa’iido ugu jirin oo ka lumiyey jiritaankii mustaqbalka caruurtooda iyo kuwa kale ee ay lahaayeen walaalidiinta dhashey Ubadka ay adeegsanayaan ma naxayaashan guracan.

Bal dib u eeg imisa waalidiinta Soomaaliyeed ka tirsan oo ubadkii ay dhaleen ku waayey siyaasadahan guracan, hantidooda, dalkoodii Hooyo uga tegey oo qaarkood badaha ay ugu baaba’een oo waalidkaas maanta cid u miciinta aan lahayn maxayna ka faa’ideen kuwa hogaaminaya siyaasadaas guracan Akh-riste?!.

Jawaabta su’aashaas oo dhan adiga ayaan kuu daayey, marka xiga dowladahaan lagu sheegey kuwa daneeya Soomaaliya, maxay naga doonayaan?, yaa nagu khasbaya?, qaarkood sow ma ahayn kuwii dalalkooda laga soo abaabuli jirey bur burinta Qaranka Soomaaliya? Halka kuwa kale ay ahaayeen kuwa sida cad dalkeena u kala qaybiyey iyo dadkeena?.


allmaan1
Ugu dambeyn Akh-ristoow adigoon xiiqin, xiqdina uusan ku gelin, xumaha ka fogoow oo xurmee dhiiga walaallahaaga muslimiinta ah iyo kuwa bani’aadamka ah ee aan denbiga lahayn, hadii kale intaas aan soo sheegey waxay shabaq ka dhigtaan, waa shabaabka ama dhalinyarada ee sheekha ugu weyn ee u sheekeeya dhalinyarada waa Sheydaan ee xaakim noqo adigoo adeegsanaya xeelad, xaajo wey falantaa, xujose xal ma leh, intaas oo xasarad ah xubnaha wada xaakamahooda noqo siday diinteenu qabto ee ha noqon shabaabkii Sharta?!!, hadii kale shaleyn kuu dambeysiyo, shiiq aan wax tari,n maalinta lagaa qaado Teeteeda iyo Aakaha adigoo meel waran, waalidkii ku dhalay iyo walaalahaana walbahaar iyo waali mooyee wax kale uma reebin, Alle weyne wajigiisana sheekh hebel sidaas ayuu ii sheegey lagaaga deyn maayo xisaabtii kuu soo baxda adigaa leh, waxaa intaa kuu dheer aduunyada xiligan waxa jira xagal daacin badan oo xishood lahayn, xoolo aad lahayd xikmadaadii iyo xoogaadii rag baa ku xisaabtamayee garo sida cinwaanku uu muujinayo waa far waaweyn ee Fadlan Ha Noqon Shabaabkii Sharta!!!, oo noqo kii Khayrka.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

FG: Qormadan waxaa la qoray November 23, 2009


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.