Home » Warar »

Baarlamaanka oo si xooggan uga horyimid Dastuurka ay Hay’adda UNDP usoo daabacayso Soomaaliya

Khilaaf Xoogan oo soo kala dhexgalay xubnaha labada gole ee dowlada FKMG iyo  hay’addo caalami ah iyo Guddiga Dastuurka iyo arrimaha Federaalka

Guddiga madaxa bannaan oo hawlihii ay u xilsaarnaayeen oo ay la wareegtey UNDP … Dastuur Soomaaliyeed oo ay faraha la gashay hay’ad aan Soomaali ahayn… In Qarammada Midoobay ay faduubto Dastuurka waxaa u sahlay xukuumadda…

ilaa 100 xildhibaan ayaa ka hor yimid dastuurka qabyada ah…

Xubno ka tirsan golaha Xildhibaanada Barlamanka dowlada faradalka KMG Soomaaliya oo Khamiistii shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa baaq u jeediyey hay’adda UNDP waxayna ugu baaqeen inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Sameynta Dastuurka cusub, waxayna dhanka kale Xukuumada Cumar Cabdirashiid Cali Shar’maarke ku eedeeyay in ay gashay khiyaano qaran.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano ka tirsan Barlamanka FKMG waxayna intooda badan kaga hadlayeen dhaliilo ay u jeedinayeen Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyaga oo canbaareyn dusha kaga tuuray Hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’adda UNDP.

Isku imaatinkaan Baarlamaanka ayaa la isku weydaarsaday figrado waxaana lagu lafagurayey dooda ka taagan dastuurka cusub dadkii ka hadlayna waxaa ka mid ahaa oo xildhibaan Cumar islow oo hadal dheer ka jeediyay xoghayaha Barlamanka Xildhibaan wuxuuna Islow ku dheeraaday eedeymo uu u jeedinayo Dastuurka wuxuuna sharci daro iyo wax aan la aqbali Karin ku tilamaay dastuurka dalka Soomaaliya ay soo daabacdo hay’adda UNDP ee maalmahaani la soo bandhigayay waxaana uu tilmaamay in uusan aheeyn mid sharci ah maadaama sida uu sheegay aan la soo marsiin Barlamanka islamarkaana ay ka warqabin gudiga Dastuurka Barlamanka Soomaaliya.

Halkan ka dhegeyso…. (mp3)

Cumar Islow ayaa sheegay in hay’ada UN-ka looga fadhiyo oo kaliya in dowlada KMG ay ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha iyo farsamada balse aysan shaqo ku laheyn inay soo faragaliyaan Dastuurka Soomaaliya, Cumar islow ayaa ka codsaday gudiga Madaxa banaan ee qorista dastuurka inay dastuurka dib u celiyaan ilaa inta ay ka soo ansixinayaan labada gole ee dowlada .

Shirkaan baarlmaanka oo looga doodayey arimo badan ayaa waxaa isna ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gudiga Dastuurka iyo arimaha Federaalka Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil waxaana uu sheegay in aysan ka warqabin gudiga Madaxa banaan ee howlan qorista dastuurka, isagoo ku eedeeyay Wasiirka Dastuurka iyo arimaha federaalka inuu hagardaameynayo dastuurka dalka Soomaaliya xukuumaduna ay ku dhaqaaqday qiyaamo qaran sida uu hadalka u dhigay.

Haweeney ka socotay Wasaarada warfaafinta ayaa gudiga qorista dasturka u soo bandhigtay qoraal lagu sheegay in uu qabyo ahaa oo ka mid ah Dastuurka dalka Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in markii ay qorayeen dastuurka la soo marsiiyay Barlamanka.

Horey ayey u dhacday in eedeymo ay ka soo baxaan lana canbaareeyo hay’adda UNDP tobadkii hore dabayaqadisii ayaa sidaan oo kale warsaxaafadeed looga soo horjeedo. Qoraalka looga soo horjeedo ayaa waxaa ka mid ahaa sida hoos ku qoran.

Qoraal ka soo baxay hay’adda UNDP iyo NDI oo ku socdo xafiisyada Raiisal wasaaraha xukuumada KMG somaliya & midka gudomiyaha barlamanka ,kuna tariikheysan 16 august 2010,waxaa uu ka hadlayaa jirtaanka gudiga wada jirka ah oo ka koban xubno golaha wasirada ka socdo iyo mudanayaal ka tirsan barlamanka (joint committee from TFG –TFP ) gudigaan ayaa sida qoralku sheegayo wuxuu ka shaqeynayaa arimo ku saabsan qorshe kala guur oo lagu bedelayo dowlada fadaraalka KMG somaliya dowlad kale oo KMG ah ,dastuur aan lagu ogolaan afti qaran iyo dismo gole dastuuri ah .

dastuurGudiga ayaa sida muuqata howlgalay durba oo fadhiyo kula yeeshay magaalada Nairobi hay’addaha UNDP iyo hay’ado kale oo caalamiah intii u dhaxaysay 23-26kii August 2010.

Hadaba gudiga dastuurka iyo arimaha fadaraalka ee barlamanka waxaa uu u cadaynayaa dhamaan inta ay quseyso in haba yaraatee gidiga noocaanah aanu wax sharci ah ku dhisneyn maadaama :.

1. Aan lag ansixin golaha wasirada sida aan ognahay
2. Lama marsiin golaha barlamanka siay u ogolaadaana
3. Laguna amgacaabin waregto madaxweyne

Ma jrito meel ay axdiga qaranka iyo sharuucda kale ee dalka kaga taalo in gudiga noocaan ah uu si wada jir ah uga hawgalo isaga oo aan heysan sharciyada kor ku xusan .

Gudigaan sharci darada ah ayaa sida aan wararka ku helayno waxa daba socdo jiritaanka mid kale oo lagu sheegay (high level committee ) oo isaguna yeelan doono kulan ku saabsan arimaha aan kor ku soo sheegnay inta u dhaxayso 6-7-da bisha September 2010 ,uuna gudoomin doono raisal wasaaraha xukuumada KMG somaliya .

Gudigaan ayaan isagana wax awood sharci ah ( mandate) ka heysanin goloyaasha dowlada iyo madaxweynaha si uu u go’aamiyo qodobada ay ka hadlayaan .

Hadaba gudiga dastuurka iyo armaha fadaraalka ee barlamanka waxaa uu beesha calamka oo ay ugu horeyso qaramada midoobay ku wargalinayaa in wixii go’aamo ah ee gudigan aan wax sharciyad aheysanin ee aan kor ku soo xusnay la gaaraan aanay noqon doonin kuwa quseeyo dowlada fadaraalka KMG Somaliya iyo hay’addaheda toona .

Waxaa kale oo aan ugu baaqeynaa in la dhowro axdiga qaranka oo tilmaamaya hay’addaha dowlada ugu xilsaaran diyarinta dasturka qaranka iyo arimaha kale ee la xiriira isla markaana aan la jahwareerin shacabka soomaaliyeed masiirkiisa .

Gudgia dasturka iyo arimaha fadaraalka ee barlamanka
Joint committee of the TFP and FTG
Translational planning conference
Monday 23 august – Thursday 26 august Nairobi

Xubnaah Dawladda ee ka qayb galay shirka (List government participants)
Xubnaha Golaha Wasiirada/Members the cabinet

1. Madobe nuunow ,minister of constitution And federal affairs
2. Ali Ahmed jama jangali , minister of higher education
3. Mustaf Cali dhuxulow , minister of planning and international cooperation
4. Burci Mohasmed Hmaza , minister of Environment
5. Mahamed Cabdihayir maareeya , minister of Labor And human Resources

Xubnaha Baarlamaanka/Members of the barlamanka

1. Ali Ismail Cabdi Gir ,MP
2. Mowlid Maane Maxamuud
3. Abdikadir sheikh Miohamed Nuur ,MP
4. Mahad Cabdalle Awad ,MP
5. Axmed Cumar gagale ,MP
6. Mohamed Awale ,Special Advisor Office of the Speaker

Waa qormo DFKMG. Halkaas waxaa ku cad muranka xoogga ee soo kala dhexgalay Baarlamaanka, Xukuumadda, guddiga “madaxa bannaan” ee dastuur samaynta iyo hay’adda UNDP oo lagu tilmaamay in ay faragelin ku samaynaso arrimaha Soomaaliya.

Dastuurka Muranka Dhaliyey ka akhri HALKAN….
https://somalitalk.com/2010/08/26/dastuur/

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666/ 00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.