Home » Warar »

26 qof oo ku dhintay Dagaalka Muqdisho iyo dhaawac 70 qof iyo Sheikh Shariif oo u dhoofay Ethiopia..

Dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaa geystey khasaare ba’an, ayadoo shacabka ay khasaaro ka soo gaareen madaafiic iyo rasaas xooggan oo la isu adeegsadey. (VIDEO DAAWO).

Madaxweynaha DFKMG ayaa maanta (Axad 4 July 2010) waxa uu u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayadoo la sheegay in uu halkaas kaga qayb gelayo shir ay leeyihiin IGAD. Waxaana shalay Ethiopia aadey wasiirka loo magacaabay Arrimaha Dibadda ayadoo aanu weli ansixin  baarlamaanka DFKMG ee uu guddoomiyaha ka yahay Shariif Xasan.

Maalintii khamiista madfac kusoo dhacay guri magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday 11 qof oo gurigaas gabbaad ka dhiganayey. Dhimashada shacabka ka soo gaaraysa dagaalka ayaa sii kordheysa.

Halkan ka daawo VIDEO Dagaalka oo socda…

VIDEO: Dagaalka oo socda daawo/GUJI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.