SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ugu yaraan 26 qof oo ku dhintay Dagaalka Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 70 qof iyo Sheikh Shariif oo u safray Ethiopia..

Dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaa geystey khasaare ba'an, ayadoo shacabka ay khasaaro ka soo gaareen madaafiic iyo rasaas xooggan oo la isu adeegsadey (VIDEO HOOS KA DAAWO)

Madaxweynaha DFKMG ayaa maanta (Axad 4 July 2010) waxa uu u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayadoo la sheegay in uu halkaas kaga qayb gelayo shir ay leeyihiin IGAD. Waxaana shalay Ethiopia aadey wasiirka loo magacaabay Arrimaha Dibadda ayadoo aanu weli ansixin  baarlamaanka DFKMG ee uu guddoomiyaha ka yahay Shariif Xasan.

Shariif Xasan, guddoomiyaha baarlamaanka FKMG, waxa uu hore guddoomiye uga noqday Baarlamaanka xilligaas oo uu ansixiyey in ciidanka Ethiopia soo galaan dalka Soomaaliya.

Maalintii khamiista madfac kusoo dhacay guri magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday 11 qof oo gurigaas gabbaad ka dhiganayey. Dhimashada shacabka ka soo gaaraysa  dagaalka ayaa sii kordheysa.

Video-ga hoos ka Daawo


 


DFKMG: ku dhawaaqid gole wasiiro gaaraya 39

Sheekh Adan Madoobe iyo Dalxa oo lagu daray Golaha Wasiirada Cusub iyo Yuusuf Dheeg oo markii la magacaabay durbadiiba u duulay Addis Ababa ka hor inta aan baarlamaanka DFKMG ansixin….

Liiska Golaha wasiirada oo ah 39 wasiir ayaa looga dhawaaqay Gudaha madaxtooyada villa Soomaliya….

Isku shaandheyn uu sameeyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirshiid Cali Sharma’arke ka dib ayuu soo saaray liis dheer oo ay ku qoran yihiin 39 wasaaradood oo uu wasiiro u magacaabay

Afhayeenka Xafiiska Raiisal wasaraha Cabduqaadir Maxamuud Walaayo ayaa saxaarfada u akhriyey liiska Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay degreeto ka soo baxday xafiika ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Shar’ma’arke.

Durbadiiba waxaa war ka soo baxay xafiiska madaxtooyada DFKMG ayaa sheegay in madaxweynaha DFKMG uu isla maanta ansixiyay magacaabida Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg) in uu noqdo Wasiirka arrimaha dibada. Waxaana warka madaxtooyadu intaas ku daray “Wasiirka arrimaha dibada ee cusub ayaa ansixintiisa kadib u duulay magaalada addiss-ababa ee caasimada dalka Ethiopia si ugu matalo Soomaaliya kulanka soo socda ee IGAD.” Laakiin warku ma caddayn xilliga wasiirada la horgeynayo baarlamaanka si uu u ansixiyo.

Waxaana markaas la soo bandhigay magacyada 39ka wasiir oo ah sidan:

1. Raiisalwasaraha ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Sheekh Adan Maxamed Nuur Sheekkh ( Adan madoobe )
2. Raiisal wasaare ku xigeen ahna wasaarada kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Carbdiraxman Adan Ibraahin ( Ibbi)
3. Raiisal wasaare ku xigeen ahna wasarada gaadiidka cirka iyo dhulka Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex
4. Wasarada cadalaada iyo garsoorka Cabdirakiin Axmed Cali
5. Wasiirka arimaha dibada Yuusuf Xuseen Ibraahim ( yuusuf Dheeg )
6. Wasiirka Arimaha gudaha Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar
7. Wasiirka gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cusman ( mardaadi )
8. Wasiirka Amniga Qaranka Axmed Cabdisalaan Xaaji
9. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Mustaf Sheeq Cali Dhuxulow
10. Wasiirka maaliyada Xuseen Cabdi Xalane
11. Wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh
12. Wasaarada Xanaanada xoolaha Cabdicasiis Xasan Maxamed ( lafta gareen)
13. Wasaarada dastuurka iyo Arimaha fadaralka Madoobe Nuunow Maxamed
14. Wasaarada Beeraha Maxamed Ibraahin Xaabsade
15. Wasaarada hantida qaranka iyo qalabaynta Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan
16. Wasaarada hidaha iyo tacliinta sare Cali Jaamac Jengeli
17. Wasaarada dhaqan celinta iyo arimaha bulshada Maxamed Cumar Dalxa
18. Wasaarada gargaarka adamiga Dr Maxamuud Cabdi Ibraahin
19. Wasaarada warfaafinta cabdiraxman Cumar osman yariisow
20. Wasaarada cilmi barista iyo tikniloogiyada Maxamed Cali Xagaa
21. Wasaarada macdanta iyo biyaha Cabdi xasan cawaale Qeybdiid
22. Wasaarada dibu dhiska Xuseen Ceelaabe Faahiye
23. Wasaarada dalxiiska iyo duurjoogta Cabdulaahi Yuusuf Cigaal
24. Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
25. Wasaarada Caafimaadka Maxamuud Jirde Xuseen
26. Wasaarada Tamarta iyo shiidaalka Cabraxmaan jaamac
27. Wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Cabdirisaaq Cusman Jurile
28. Wasarada jaaliyada dibada Cabdulaahi Axmed cabdulle Azhari
29. Wasaarada ganacsiga Cabdulaahi Maxamed cabdi ( cirro)
30. Wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta Yuusuf Geele Ugaas
31. Wasaarada warshadaha Cabdalle Boss Axmed
32. Wasaarada Bee’adda iyo dhirta Burci Maxamed Xamsa
33. Wasaarada isportiga iyo dhalinyarada Khadiija Maxamed Diiriye
34. Wasaarada horumarinta reer miyiga Maxamed Cali Yuusuf
35. Wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta Cabdi Nuur Macalin Maxamuud
36. Wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta Sheekh Nuur Cali Adan
37. Wasaarada dib u heshiisiinta Xuseen Warasame Samater
38. Wasaarada lacagta  Cabdulaahi Maxamed Cali (san-baloolshe)
39. Wasaarada hub ka dhigista iyo jiheynta maleeshiyaadka Cumar Cali Rooble

Liiskaan wasiirada cusub ayaa waxaa ka maqan wasiirkii warfaafinta Daahir Geele, wasiirkii cadaalada Janaqow iyo wasiiradii iscasilay dhamaantood .

Waxaana liiska Wasiirada ka mid ah 5 wasiir oo la sheegay inay ka oo galeen dhinaca  Ahlu Sunna Waljmaaca, kuwaas oo kala ah Axmed C/salaam Xaaji Aadan ( Wasiirka amniga qaranka), Mustaf Sheekh Cali dhuxulow (wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah), wasiirka Waxbarashada C/nuur Macalin Maxamuud, Wasiirka dib u heshiisiinta dib u heshiisiinta, Xuseen Warsame samatar iyo Wasiirka hubka dhigista iyo jiheynta maleeshiyaadka Cumar Cali Rooble, hase ahaatee waxaa si cad uga horyimid xubnahan saraakiisha sarsare ee Ahlu Sunna, kuwaas oo sheegay in ragga lamagacaabay aysan iyaga ka tirsaneyn sida ay yiraahdeen.

Afhayeenka Xafiiska Raiisal wasaraha DFKMG, Walaayo, ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha xukuumada FKMG markii uu eegay Qodobka 46aad, 48aad iyo 52aad ee Axdiga FKMG ah ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, markuu Wadatashi la yeeshay Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda FKMG ah, markuu u kuurgalay Xaaladda Amni iyo mid Siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay, markuu tixgeliyay Masuuliyada xukuumada ka saran fulinta Heshiiskii ay Dowladdu la gashay Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca, ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Isku-shaandheyn uu ku sameeyay Xubnaha xukuumada KMG ah, taasoo uu Madaxweynuhu aqbalay, wuxuuna Madaxweynuhu ka soo saaray Isku-shaandheymta Xeer Madaxweyne oo tirsigiisu yahay 01 04 , kuna taariikhaysan 30-kii June 2010-ka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG maalin kaddib markii Cumar C/rashiid uu magacaabay golaha wasiirada ee cusub ayaa u qornaa sidan: “Kadib markii la sammeeyey kabaaraandegid iyo latashiyo badan ayaan waxan soo dhisnay gole wasiirro sidii hore ka adag islamarkaana dib loo cusbooneysiiyay. Arrinka dibuhabaynta waxaa loo hawlgeliyey si loo meelmariyo xukuumad hufan oo leh tamar cusub oo ay ku hogaamiso laamaheeda. Waxaa iyadana xusid mudan shanta wasiir ee ku cusub golaha wasiirada oo nooga soo biiray kuwa jaalka la ah dowladda, ee Ahlu-sunna Wal-jamaa. Tani waxay tilmaan cad u tahay ka mirodhalinta iyo xoogga uu leeyahay isgaashaanbuursiga inna dhex maray oo aynu wadajir xididdada ugu siibeyno xagjirka, iyada oo la dardargelinayno nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya oo barwaaqo ah. Waxaan idiin xaqiijin karaa in madaxweynuhu ogalaadaay, qalinkana ku duugay isbadelkii lagu sameeyay wasiiradda, waana ku faraxsanahay in xukuumaddu u jahaysatay hogaan waxtar leh oo u qabta shacabkeeda wax la taaban karo.”

Qoraalka liiskaan ayaa waxaa ku saxiixnaa

Raiisal wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid cali Shar’ma ‘arke

Akhri Dastuuradii Soomaaliya: http://somalitalk.com/dastuur/

Qormadan waxaa ka qayb qaatay:
somalisan39@hotmail.com

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-50-920510
00252-50-907666

iyo faallada SomaliTalk.com

 

Faafin: SomaliTalk.com / July 3, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

IIDHEH
XAYAYSIIS