Home » Warar »

Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo weli ku Muransan Cidda ka mid noqoneysa Golaha Wasiirada Cusub

Dib u dhac mar kale ku yimid Magacaabista Golaha Wasiiradda…..

Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha DFKMG Somaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qoorta iskula jira ka dib markii ay si aad ah ugu doodeen Xubnaha soo galaya ama ka mid noqonaya Golaha Wasiirada iyadoo madaxweyne sheikh Shariif uu doonayo in aanan laga tegin raggii Saaxiibada la ahaa. Sidoo kale Raiisul Wasaaraha ayaa isna wata rag ay si aad ah isugu dheer yihiin oo ka mid ahaa Dowladiisa. Waxay kaloo ku maransan yihiin labada Masuul tirada laga dhigayo Golaha Wasiirada. Shiikh Shariif waxaa uu soo jeediyey in laga dhigo 23 xubnood, halka Cumar Cabdi rashiid uu doonayo in uu ka dhigo 18 Xubnood , Murankaas wuxuu keeney in dhowr jeed uu dib u dhac ku yimaado Magacaabista Golaga Wasiirada.

Maalintii shalay (June 26, 2010) ayay aheyd markii Wariyeyaasha Warbaahinta looga yeeray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, hase ahaatee waxaa markii dambe lagu amray in ay dib u laabtaan, isla markaana dib loo dhigay shirkii jaraa’id ee loo qaban lahaa. Loogana dhawaaqi lahaa Magacyada Golaha Wasiiradda ka dib markii la sheegey in liiska ay ka maqan yihiin Xubno saaxiibo lahaa Madaxweyne Shiikh Shariif oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele , Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh Cabduqaadir Cali Cumar , Wasiirka Garsoorka Shiikh Cabdiraxmaan Janaqow iyo Wasiiro kale.

Waxaa lagu Waramey in Golaha Wasiirada ay xubno Dhowr ah ku leeyihiin Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca kuwaas oo la sheegey in ay doonayaan Boosaska ay ku jiraan Ragga sida aadka ah isugu Dhow yihiin Madaxweyne Shiikh Shariif waana mida keentey in uu dib u dhac ku yimaado Magacabista Golaha Wasiirada.

Warar hor dhaca oo aan heleyno ayaa sheegaya in Golaha wasiirada cusub ka mid yihiin Shiikh Aadan Madoobe oo lagu qanciyey tanaasulkii uu ka tanaasuley Gudoomiyaha Baarlamaanka, Axmed Cabdisalaan iyo Mustaf Dhuxulow oo la sheegey in ay ka soo galeen dhinaca Ahlu Sunna, iyadoo Axmed Cabdisalaamn loo wado in uu noqdo Wasiirka Arimaha Gudaha. Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa la sheegey in Golaha wasiirada uu ka soo galey markii laga qaadey Xilka Gudoomiye Kuxigeenkii Baarlamaanka ka dib markii uu sheegey in uu sharci uu yahay iyo Maxamed Cali Xaamuud oo la sheegay in loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada wuxuu xilkaas uu kala wareegaya Cali Jaamac Jengeli oo la sheegey in uu wax weyn ka qabtey Dhinaca Arrimaha Dibada waxaana la sheegey in uu wato Raiisul Wasaaraha , Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo aan ka soo muuqan liiska Golaha Wasiirada Cusub ayaa waxaa la sheegey in wato Madaxweyne Shiikh Shariif ka dib markii uu noqdey Wasiirkii ugu shaqada badnaa waxna ka qabtey Wasaaradda Warfaafinta oo noqotey Aalad ay si aad ah ugu dagaal gasho Dowladda Federaalka marka ay timaado dhinaca Dacaayada wax weyna ku soo kordhiyey Wasaaradaas.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad loo dhowrayaa waqtiga kama dambeysta ah ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqayo Golihiisa Wasiirada cusub, oo markan ah kuwo aad la isku soo habeeyay hase yeeshee marka Dowlad Dhowr jeer la isku shaandheeyo waxaa soo muuqda ayey leeyihiin raga Odorosa Siyaasadda in Dowladaas ay sii dhacayso ayna soo dhowdahay Dibu heshiisiin.

Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku baaqey in ay is casisho Dowladda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.