Home » Warar »

Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku baaqey in ay is casisho Dowladda

WARAR GOOS GOOS AH:

. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay jaamacad Indonesia
. Hay’adda CDHR oo qabatey siminaar ku saabsan Xaquuqda Aadanaha…
. Socdaalkii Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland iyo Ottawa
. Wargalin: Magaalada London oo lagu qabanaayo xaflada 50-guuradii Xoriyada dalka Soomaaliya
London 25/06/2010

……….

Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku baaqey in ay is casisho Dowladda

Prof. Maxamed Cali Ibrahim oo ah Wasiirka daryeelka naafada iyo dhaqan celinta dowladda KMG; oo haatan booqasho ku jooga dalka Yemen ayaa si kulul u dhaliilay madaxda sare ee dowladda KMG.oo uu sheegey in ay ku guuldareysatey arrimihii loo doortrey

Wasiirka ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta ugu saraysa dowladda KMG in ay iyagu bilaabeen garab marida dastuurka iyo axdiga dowladda u yaala taasina ay dhalisay in ay abuuranto dhibaato siyaasadeed oo aanan dhamaad lahayn.

“Madaxda Qaranka waxaa loo baahanyahay in ay masuuliyadooda eegaan oo ay ilaaliyaan sharciga iyo nidaamka waxaana loo baahanyahay in dastuurka iyo nimaadka la ilaaliyo” Ayuu yiri Prof. Maxamed Cali Ibrahim oo u waramayey Idaacadda Codka Maraykanka.

Prof Maxamed Cali Ibraahiim ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ay awood u leeyihiin in ay magaalada Muqdisha oo dhan soo galiyaan gacanta dowladda balse ay la’yihiin siyaasado wax ku ool ah oo ay dajiyaan madaxda dowladda.

“Wallaahi rasaasta mucaaradku uu kusoo tuuro madaxtoyada dhexdeeda dad bey ka dhaawacdaa, Xamar waa la qaban karaa laakiin waxaa wali aniga ii cadeyn maxey taasi u dhici weysay, Muqdisho imisa degmood ayay dowladu ka xukuntaa maanta, kala bar oo bar ma dhama waa ay ka yartahay.” Ayuu yiri wasiirka daryeelka naafada.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda uu ragaadiyay waxqabadkii looga fadhiyay ayna wanaagsan tahay in ay xilka iska casilaan maadaama ay ku guuldaraysteen gaarintaanka yoolkoodii.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay in kuwo badan oo ka tirsan beesha Caalamka aysan dhab ka ahayn raadinta xalka Soomaaliya taasi badalkeedana ay ka macaashaan dhibaatada iyo qalalaasaha Soomaaliya ka aloosan.

“Waxaan hubaa wadamada deriska Qaarkood aynan rabin in dalka (Soomaaliya) dego, waa xaqiiqo jirta taasi, laakiin waxaan u sheegayaa ugana digayaa ummaddan Soomaaliyeed weligeed waa jiri doontaa, cadawgeedana waa taqaanaa, saaxiibkeedana waa taqaannaa.” ayuu yiri Wasiirka oo u waramayey Jacfar Kuukaay oo ka tirsan idaacada Codka Maraykanka (VOA). Waraysigaas Ka DHEGEYSO HALKAN.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay jaamacad Indonesia iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Indonesia oo ka qeyb galay xafladdii qalin jebinta

Bishaan June 2010 ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay arday Soomaaliyeed ka qalin jabiyaan jaamacad ku taalaa wadanka Indonesia, waana guul u soo hoyatay dalkeena Soomaaliyeed.
Ardayda oo ka qalin jabisay jaamacad lagu magacaabo Universitas Pasundan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiirka Somaaliya Maxamuud Colow Barrow iyo Safiirka Lubnaan Safiirka Sichilis, iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Ardayda ka qalin jabisay oo la kala yiraahdo Ahmed SH Mohamed Daahir iyo Cabdixafiid Maxamed, ayaa iyagoo shucuurtooda muujinaaya u sheegay saaxafaddii ka soo qeyb gashay in ay aad ugu faraxsan yihiin heerka maanta ay gaareen iyo waliba in ay xafladdaas kala soo qeyb galaan safiirka Soomaaliya iyo ganacsato Soomaaliyeed, waxay kaloo sheegeen ardayda in cilmiga ay barteen rajeynayaan in ay dalkii hooyo kula noqdaan oo ay wax taraan dadkooda, dalkooda iyo diintooda.

Safiirka Soomaaliya ee Indonesia ayaa u taagnaa gacan qabashada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Indonesia tan iyo markii ay ku soo bilaablmeen waddankan Indonesia, iyadoo uu Danjire Colow xilli walba la garab taagnaa ardayda dhammaan wixii u fududeynaya waxbarashadooda sida sharciyada IWM. Jaamacadaha ay ardayda dhigtaan ayaa ah kuwo uu Danjire Colow uga dalbay in ay ardayda Soomaaliyeed la siiyo qiime yar oo ay awoodaan in uu waalidkood bixiyo, maadaama duruufta waddanku marayo ay aad u adag tahay.

“Waxaanan marnaba iloobi doonin go’aanka ay Safaaraddu qaadatay in ay ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Indonesia iyo Malaysiya ay lacag la’aan ugu cusbooneysiiso Passports-kooda, taas oo tilmaamaysa sida ay Safaaraddu uga go’an tahay wax u qabashada muwaadidiinteeda”.

…………

Xeerka Saxaafadeed: http://somalitalk.com/xeer/

…………

Hay’adda CDHR oo qabatey siminaar ku saabsan Xaquuqda Aadanaha

Halkan ka daawo sawirada Hay’adda

Hotelka Ambasadoor ee Magaaladda Muqdisho ayaa n lagu soo gabagabeeyey siminaar socdey Muddo Saddex Maalin ka soo ay soo qaban qaabisey Hayadda Center For Democracy And Human Rights CDHR waxaana ka qaybgaley Dad gaaraya 30 xubnodd oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culama’udiin, Odayaasha dhaqanka, Hayadaha Xuquuqda Aadanaha, Haween, Dhalainyaro iyo Bahda Saxaafadda waxaana lagu baranayey Casharo la xiriira Xaquuqda Aadanaha iyo sida loo baaro Xadgudubyada ka dhaca Bulshada waxaan Macalimiin ka ahaa Prof Xuseen Cali Xayle iyo Prof Cabdalla Macalin Maxamed waxaana xiriirinayey intii uu socdey siminaarkaas Ing Cabdulaahi Yuusuf (Siyaasi) iyadoo ka qaybgalayaasha Mararka qaarkood ay dhiibanayeen Fikradahooda ku aadan Xaquuqda Aadanaha Siminaarkaan oo ay maaligelinteeda lahayd National Endowment for Democracy (NED) ayaa macalimiinta wax ka dhigeysey siminaarkaas waxay si qota dheer uga hadleen Arrimaha Xaquuqda Aadanah iyo sida loo baaro Tacadiyada ama loo ururiyo iyadoo ka qaybgalayaasha loo direy Suaalo la xiriira Xaquuqda Aadanaha iyo sida loo baaro Xadgudubyada ka dhex dhaca bulshada dhexdeeda

Gunaanadkii Siminaarkaas waxaa ka hadley Xaawo Luul Xuseen oo ka socotey Hayada Daryeel waxayna u mahadcelisey intii soo qaban qaabisey iyo weliba Macalimiintii wax ka dhigeysey siminaarkaas waxaa kaloo ka hadley Mayow Shiikh Maxamuud oo ka socdey Hayada Kahro oo sheegey in ay wax weyn ka faaiideyn wuxuuna soo jeediyey Hayada in ay balaariso Siminaarada Noocaan oo kale waxaa kaloo ka hadley Ruqiyo Ismaaciil Cali oo iyana ka socotey Hayada Wanlaweyn waxayna u mahadcelisey Hayadda CDHR oo sheegtey in ay ay tahay hayada bulshada ku baraarujisa arrimaha Xaquuqda aadanaha

qaygalayaasha ay codsadeen in loo balaariyo siminaarada noocaan ah waayo ayey yiraahdeen laba ama sadex waxaba laguma baran karo iyadoo masuuliyiintii ka socotey Hayadda ay balan qaadeen in ay sii laba laabi doonaan siminaarada Noocaan ah ee wax ka taraya Nabada iyo dib u heshiisiinta iyo Dowlada wanaaga wuxuuna siminaarkaas ku dhamaadey sidii loogu talagaly

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
………

Socdaalkii Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland iyo Ottawa

Waxaa socdaal qaatay sadex casho ku yimid magaalada Ottawa Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta , Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Cabdixakiim Axmed Guleed. Waxaa magaalada ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socda Jaaliyadda reer Puntland , gaar ahaana madaxda (Puntland Diaspora Forum) Gollaha Qurbajoogta Puntland faraceeda Ottawa.

Waxaa wasiirku la kulmay madax ka kala socota Wasaarada Arimaha Dibada (DFAIT), wasaarada Deeqda caalamka (CIDA) iyo Wasaaradda amniga (Public Safety). Wuxuu wasiirku uga waramay xaaladaha guud ee uu dalka Soomaaliya maanta marayo , gaar ahaana xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Puntland. Waxyaalihii sida qotada dheer ay wasiirka iyo masuuliyiinta sadexdaas wasaaradoo ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa khadiyada Burcad badeedka iyo khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha la halmaala iyo xiriirka Puntland iyo TFG.

Gabagabadii shirka waxaa la isla soo qaaday sida ugu haboon ee ay dowlada Kanada gacan uga gaysan karto nabadgelyo ku soo dabaalista Soomaaliya iyo fulinta mashaariic wax ku ool ah ee looga hortagi karo Burcadka iyo kooxaha kale ee khalkhalka ku haya amniga iyo xasiloonida gobolka iyo caalamkaba.

Waxaa intii uu wasiiruku joogay Caasimada Ottawa si gooni gooni ah ula kulmay waxgarad ka soo jeeda Sool, Sanaag , Cayn iyo Haylaan, iyagoo wada qaatay shirar saacado badan socday islana gorfeeyay marxaladaha deegaamadaas ka taagan. Gagabadii kulamadaasi waxaa la isla gartay in la mideeyo aragtida iyo awooda si markaasi dib loogu xoreeyo deegaamada maqan , in laga dheeraado hadalada wax u dhimi kara dareenka shacabka, meelna looga soo wada jeesto cidkasta oo abuuri karta carqaladayna karta ammiga , midnimada iyo wada jirta walaalaha iyo bahwadaagta Puntland. Waxaa indheergaradkaasi fariimo iyo talooyin xasaasi ah oo ku socda Madaxweynaha Puntland u sii dhiibeen Wasiirka.

Ugu danbaystii wuxuu wasiirku la kulmay Jaaliyadda Reer Puntland ee Ottawa, isagoo warbixin xasaasi ah siiyay jaaliyada , unaga xog waramay siyaayada iyo aratida maamulka Puntland ee ku aadan, Magaalooyinka Maqan, Burcad badeedka, sugida amniga gudaha, xiriirka Puntland iyo TFG, iyo mashaariicda horumarineed, waxbarasho, caafimaad iyo ganacsi ee ay Puntland ku talaabsatay ama damacsan tahayba.

Wasiir Abdixakiim wuxuu balan qaaday inuu dareenka jaaliyadda iyo talooyinkoodaba u gudbin doona Madaxweyne Faroole, lana wadaagi doono gollaha wasiirada, sidoo kalena ay dowladu joogtay doonto xiriirada noocaan oo kale ah, isagoo mahadgaar ah u soo jeediyay ururka Puntland Diaspora Forum isagoo uga mahadceliyay howsha muwaadinimo ee ay u hayaan shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba , gaar ahaana sida hufan ee aan kala hadhka lahayn ee ay ugu soo dhaweeyeen una abaabuleen, xidhidhiyeena safarka iyo kulamada uu wasiirku la yeeshay madaxda Kanada iyo Jaaliyadda reer Puntlandba.

Maxamed Cali
Ottawa, Canada
Email: waryaa007@gmail.com
……..

Wargalin: Magaalada London oo lagu qabanaayo xaflada 50-guuradii Xoriyada dalka Soomaaliya
London 25/06/2010

Waxaa sharaf weyn u ah mudanayaal iyo marwooyin Xafiiska Jaaliyadda Dowlada Soomaaliyeed ee UK inaad kale soo qayb gashaan xaflada sanadguuradii 50-naad ee xoriyada dalka Soomaaliya(26june/1 July 1960) oo ku beegan habeenimada Arbacada taariikhduna tahay 30/06/2010.

Xafladatan qiimaha badan waxaa ka soo qayb gali doono marti sharaf kale duwan oo lagu martiqaaday inay ka hadlaan munaasabada islamarkaana waxaa qadka telefoonka kale hadli doono jaaliyada madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Xaflada dabaaldaga waxaa lagu qabanaayaa Friends house oo ku yaal ka soo horjeedka Euston Trein Station Friends house 173, Euston Road
London NW1 2BJ ,

Xaflada waxay bilaaban doontaa saacadu marka ay tahay 5:00PM – 22:30 PM insha Allah, hadaba dadwaynaha Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay waqtiga dhawraan kana soo qayb galaan.
NB: Waxaa habeenkaas xaflada heeso wadani ah ka qaadi doono fanaaniinta Soomaaliyeed ee degan magaalada London, marka Fadlan horey u soo qaado Calanka Soomaaliya
Kale xiriir qabanqaabada mudanayaasha kale ah:
Mudane Abdi Cumar : 07932962415
Mudane Mohamed Ibrahim : 07958087536
Xafiiska xiriirka Qurbojoogta Soomaaliyeed telefoon : 020 89702130

Ka soo qayb gal wacan mahadsanidiin
W/D: Yusuf Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.