Home » Warar »

Muqdisho: Shirweynaha Odayaasha dhaqanka iyo Culumada

Shirkaas oo ka furmay Muqdisho oo socon doona 3 maalmood ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah:
1. Xal u helidda mushkiladda Somaliya
2. Xoojinta ku dhaqanka shareecada islaamka
3. Helida xoog islaami ah

Iyada oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo odoyaasha dahqanka , aqoonyahano, culumaau’diin dhalinyaro

Shirkaan ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Cali Gees oo sheegay in loo bahan yahay sidii loo meel marin lahaa qodobada shirkaan ka soo baxo isaga oo ku dheeraaday faaiidada ay leedahay ku dhaqanka shareecada islaamka .

Taakoow ayaa ka soo jeediyey gobta shirku ka dhacayey gabay ay aad ula dhaceen ka soo qeybgalayaasha shirka, gabayga oo xambaarsanaa ereyo guubaabo ah.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Sheekh jamac cabdisalaan,oo ka mid ahaa Culumadii shirka ka hadashay ayaa ku dheeradaay faaiidada ay u leeyahay in laga qeybqaato Jihaadka iyo in si walbo loola dagaalamo gaalada wuxuuna xusay in dalka somaliya uu yahay dal laga heysto naf iyo maal. Jaamca Cabdisalaan ayaa hadaladiisu u badnaayeen Arimo diini ah aa yado quraane iyo Axaadis .

Hoolka shirku ka dhacayey ayaa waxa lagu xardhay boorar ah ku qoran yihiin hal ku dhigyo tilmaamaya ujeedada shirka la isugu yimid, tilamaan cadna ka bixinaya, waxaana ka mid ahaa qoraalkada gidarada lagu xardhay :

“Isma doorin gaalkaan diliyo darta kii galaye , danbi kumahadlaayoo ma arag dowladaan rabaye “,
“abuur Ethiopian arkaa ummadddiiyaanse Aqbalayn “
“Taariikh Madow oo aan tirmeyn tabcane tigrey u taal “
“AMISOM Adowsiyey rabtaa irrid qiyano ah uurkiyo Afka ishaa aad u kala dheere “
“walle ama adownsiga tagyoo ama aayar naga guur “

Shirka ayaa lagu soo hadal qaaday shirkii dhawaana lagu soo gabagabeeyey dalka turkiga magaalada madaxdiisa ee Istanbul, waxaana lagu tilmaamay in uu ahaa shir looga hadlayey in aan wax xal ah laga gaarin arinta Somaliya, Iyada oo la iska dhago iyo indha tirey kacdoonka diimeed ee ka socdo dalka Somaliya. waxaanana lagu casuumin hogamiyeyaasha horboodayo xogaga ka dagalamaya gudaha dalka somalilya oo aan shirkaas lagu soo hadal qaadin laguna xusin in ay qeybka yihiin masiirka ummadda Somaliyeed

Gudoomiyaha Camalka islaamka oo xaflada ka hadlay ayaa wax ku qeybsiga dowalada ee 4.5 ka si aad ah u canbareyey wuxuuna ku tilamay in u gabi ahaanba yahay xaaraan wax ku qeybsashada 4.5.

Dhanka kale ayuu ka hadlay gudomiyuhu qaraxii lala beegsaday dhawaan masaajidka shuhudaa ee ku yaal suuqa cabdale shideeye oo ay dadka badani ku geeriyoodeen wuxuuna sheegay in ragii ka danbeeyey ay joogaan xarada cidamada Midowga Africa ee xalane iyo madaxtooyada isaga oo inta ku daray in la garanayo waqti aan hada aheyna lala xisaabtami doono .

Sheekh Bilaal ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “kuwa mashruuca Ethiopia ku dhaqmaya miyaan ku tilaami karnaa muslin, wuxuuna sidoo kale canbaareeyey socdaalka madaxweyne Shariif Sheekh Adan ku tago dalka Ethioipia iyo ugaandha . “aan gacmaha is qabsano hana baxdo AMISOM.”

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah odoyasha dhaqanka ee beelaha hawiye.

Shirkaan ayaa waxaa shirgudominayey
1. Graad fiidow aabo
2. Maxamed Ibrahin Bilaal
3. Sheekh Xasan Cali Gees
4. Ugaas maxamed Weli
5. Sheekh jamac cabdisalan

Waxaa sootebiyey
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Muqdisho: Shirweynaha Odayaasha dhaqanka iyo Culumada "

  1. Somali says:

    Danbiga ay ka galeen ilaah iyo umaddiisa badnaayaa ilaahow u danbi dhaaf
    golaha dhaqanka oo laba firqo ah, alshabaab, xisbul islam.dgkm, darmaan
    dhowr xisbi oo islaami ah oo awood sugayaal ah qaybna ka noqon doona khilaafkan hadii ay awooda al shabaab iyo xisbul islam wiiqanto. iyo ciidamada shisheeya oo qayb ka noqday khilaafka.

    Intuba waxay u taagan yihiin burburka iyo barakicinta shacabka muqdisho.

  2. Wiilmudug says:

    Nimanyahow wixi daran waxba kaga si darane bilaal iyo jama abdisalan waxa manta kasi qadiyad iyo qowl xun sharifaynka nimanka la baxay marka wey saxanyihin ha u tashaden dalkoda iyo ayahoda