Home » Warar »

Gudiga Dastuurka iyo Federaalka oo Soo Bandhigey Warbixin Ka Hadleysa Mabaadii’ida Lagu Saleyndoono Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya

Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ee “Madaxa bannaan” Cabdullaahi Xasan Jaamac ayaa shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti 20/05/2010, iyadoo ay goob joog ka haayeen shirkiisa jaraa’id 26 xubnood oo ka tirsan gudigiisa, waxaana uu shirkiisa jaraa’id uga Hadley arimaha dastuurka, go’aano ay isla gaareen iyo waxqaabadkii gudiga dastuurka Shan sano kadib.

Gudoomiye Cabdullaahi Xasan Jaamac waxaa hadalkiisa uu ku bilaabey sidan “ Marwooyin iyo mudanayaal ee ka socda warbaahinta, sharaf weyn ayey ii tahay anigoo ku hadlaya magaca gudiga dastuurka madaxa bannaan ee federaalka iyo arimaha soomaaliya, inaan maanta idiinku soodhaweeyo shirka jaraa’id ee ugu horeeyey ee gudigu ay u wada dhan tahay, inta aan idiin akh-rinin war-murtiyeedka ka soo baxaya gudiga waxaan jeclaan lahaa marwooyin iyo mudanayaal inaan tilmaamo in saxaafadu ay tahay aaladaha ugu waaweyn ee gudigani ay cuskaneyso oo lagu gaarsiinayo wax kasta oo ka soo baxa gudigani, waxaan doonayaa inaan ku nuux nuuxsado in aad gudiga u tihiin tiir aas aasi ah oo ka kaalmeynaya sidii dadweynaha soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa hawsha gudigu uu wado”.

Cabdullaahi Xasan Jaamac Waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegey “waxaan u gudbi oo idiin akh-rinayaa war-murtiyeed saxaafadeed oo aan idiin soo kooban, geedisocodka dastuur dejinta Soomaaliya waxaa ay bilaabatey sanadkii 2004-kii, markii lagu heshiiyey Axdiga KMG ah ee hada dalka uu ku shaqeynayo, Axdigaasi waxaa xigey heshiiskii Jabuuti oo isaguna dhisey dowlad loodhan yahay, hadaba Axdiga KMG waxaa uu dhigey in dastuurka lagu dejiyo mudo laba sano iyo bar ah, taasina suurtagal ma aysan noqon, iyadoo la cuskanayo qodobkii 68 ee Axdiga ayaa sanadkii 2006da la dhisey gudigani, shaqada ugu muhiimsan ee waajibka gudiga la saarey waxaa weeye inay diyaariso qaybyo qoraal dastuur federaali ah oo ummadda Soomaaliyeed ka dhexeeya, waa in uu ku dhisnaado mabaadii’ida soo socota, cadaalad, federalnimo, shareecada islaamka oo saldhig iyo manbacba u ah dastuurka idilkiis iyo dhamaan shuruucda dalka, waa inuu ku dhisnaado oo kale mabaadii’ida dimoqoraadiyada, xeer dhaqameedkeenii hore intiisa wanaagsan ee la soconkarta shareecada, xukun wanaag, geedisocdka dastuurka lagu dejinayo, waa inuu dalka Soomaaliya u hago nabad, dibu-heshiisiin walaalltinimo iyo Soomaaliya oo gaadha hadii eeba idmo barwaaqo oo ay ummaddaha aduunku ay ku soo hirtaan”.

Mar uu sharxayey gudoomiyaha xubnaha gudiga dastuurka waxqabadkooda ayaa wuxuu yiri “xubnaha gudiga waxaa ay soo mareen jid dheer oo baarlamaanka qaranka iyo golaha wasiirada ayaa soo ansixiyey ugu dambeysna madaxweynaha ayaa wareegto ku soo saarey dhamaan xubnaha gudigan”.

“warbixintani waa tii ugu horeysey ee ka soo baxda gudiga ilaa iyo bishii juun 2006-da, sanadihii hore gudiga waxaa ay ku mashquulsaneyd sidii ay u heli lahayd agab iyo xafiisyo ay ku shaqeyso, mudadaasi gudiga waxaa uu darsey oo si qotodheer leh ay u falanqeysey dastuuradii Soomaaliya, laga bilaabo dhamaadkii 40-aadkii ilaa iyo maanta Axdiga uu dalka ku socdo, dastuuradaasi waxaa loogu baahdey si taariikhdii dastuurinimo ee dalka, waayo aragnimadii laga heley iyo aqoonba ugala baxdo…”

Codkiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

Gudoomiyaha Gudiga Dastuur qoraalka Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdullaahi Xasan Jaamac shirkiisa jaraa’id kadib waxaa uu qaybaha warbaahinta u qaybiyey qoraal ka kooban 17 bogg oo ay ku sheegeen warbixinta hawl qabadka gudiga Dastuurka FKMG nuqulkii ugu dambeeyey.

Warbixintan ayaa waxay isugu jirtey mid ka hadleysa aas aaskii gudiga, waajibaadka saaran, dhismaha gudiga iyo qorsho hawleedka ay isla ogolaadeen iyo mabaadii’ida qaybyo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya, sidoo kale go’aamada ay islaqaateen ee mabaadii’ida lagu saleyndoono Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin qodobo lagu sheegey aas aasi sida, Dastuurka Soomaaliy waxaa lagu saleyndoonaa Qur’aanka Kariimka iyo mabaadii’ida shareecada, wuxuuna hormarinayaa Qiyamka Islaamka, waana sharciga ugu sareeya dalka, islamarkaana ay u hogaansamaan dhamaan hay’adaha xukuumada heer kasta, waxaa kale oo ka mid ah dastuurka soomaaliya, qiyamka Dimogaraasiyada, dhowrista xuquuqda Aadanaha, sareynta sharciga, xurmeynta shuruucda caalamiga ah, kala soocida awoodaha sharci dejininta, fulinta iyo garsoorka.

Warbixinta Gudiga oo Luqada Ingiriiska Ah Halkan Ka Akh-riso

Inkastoo Gudigan dastuurka in mudo ah shirar, siminaaro iyo diyaarinta talooyinka qabyo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya uga socdey Hoteel Kempiniski ee caasimada dalka Jabuuti , islamarkaana ay tahay waxqabadkii ugu horeeyey ee uu soo bandhigo gudiga dastuurka mudadii uu jirey hadana marka si guud loo eego, qaabka iyo hadalada kala duwan ee ka soo baxayey mudadii ay ku sugnaayeen xubnahan gudiga dalka Jabuuti, hay’adaha kaalmeeya gudigan, Gudiga dastuurka ee Baarlamaanka KMG, Wasaaraddaha Dastuurka, tan Qorsheynta DFKMG, Xafiiska siyaasada ee Q.M ee Soomaaliya intuba waxay sheegayaan in Gudigani uu madax bannaan yahay, balse marka si hoose loo eego waxaa ka soo baxaya hadalo is-burinaya oo u baahan in si feejigan loo dhegeysto, waxaa kale oo is-weydiin mudan Aftida daddweynaha Soomaaliyeed cida qaadeysa, sida lagu xifdindoono Aftidaas iyo kalsoonida lagu qabikaro Afti qaadayaashaas, inkastoo oraah Soomaaliyeed ay oraneyso Luuq luuq Maroow Laazim Laamigaas Maraa.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
Email:  fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gudiga Dastuurka iyo Federaalka oo Soo Bandhigey Warbixin Ka Hadleysa Mabaadii’ida Lagu Saleyndoono Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya "

  1. Marka hore salaan,ka dib, Qolyahaan sheegaya inay qorayaaan dastuur, waa qolyo shaydaanku lumiyay, oo ay saaqday sunta dimoqoraadiyada, waayo dastuur waa kii illaahay soo dejiyay, oo ah kitaabka Qur’aanka ah iyo sunnada Nabigeenii Muxamad NNKH, Ummadda soomaaliyeedna waa ummada haysata dastuurka islaamka, umana baahna dastuurka reer galbeedka, Illlaahay ha laga cabsado, oo hala raaco dastuurka illaahay. Salaama