Home » Warar »

Aadan Madoobe oo Addis Ababa kula Kulmay Meles Zenawi, Xilli Xildhibaanada Baarlamaanku Sheegeen in Waqtigii Ka Dhammaday Guddoonka Baarlamaanka..

Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magaalada Addis Ababa waxa uu Khamiis April 8, 2010 kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sida ay shaacisay wakaalada wararka u tebisa xukuumadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA. Waxaa warku intaas ku daray in ay ka wada hadleen xaaladda hadda ee Soomaaliya.

Warku waxa kale oo uu sheegay in Sheikh Aadan Madoobe “uu si aad u weyn Itoobiya ugu ammaanay sida isku daygeeda in ay nabad iyo degganaansho ku soo dabaasho Soomaaliya,” waa sida hadalka ENA u dhigay’e.

Kulanka Aadan Madoobe iyo Zenawi ayaa ku soo beegmay xilli ay…. SII AKHRI…

Sawirka: Aadan Madoobe oo la kulmay Zenawi Apr 8 2010… SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Aadan Madoobe oo Addis Ababa kula Kulmay Meles Zenawi, Xilli Xildhibaanada Baarlamaanku Sheegeen in Waqtigii Ka Dhammaday Guddoonka Baarlamaanka.. "

  1. said says:

    Cabdulqaadir yaan rumaysanaa , shalay sheikh shariif wuxuu lahaa itoobiya wadanka ha ka baxdo marka hore , haddii la rabo in aan dowlada la heshiino , waad aragtaa in sheekh shariif iyo kooxdiisa ay ka dhamaan la’yihiin booqashada (zenawi) . Cabdulqaadir waa iga su’aal ma laga yaabaa in aad adigana wadada kooxdaas aad marto , haddii jago dowladda maanta jirta lagaa siiyo ? .

  2. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waxaan u caddeynayaa dadka hadda horboodaya Mooshinka ah Guddoonka Barlamaanka waqtigii waa ka dhammaaday in ay ilawsan yihiin Haddii in uu kawada dhammaanayo 275kii Xubninihii hore ee Barlamaanka oo dhan in ay waqtiga kawada dhammaanayo, ayna sharci noqonayaan intii Djibouti gadaal looga soo daray oo kaliya oo ayaga dhammeystiri doonnaan ilaa 2011ka ee Xukuumada Shariifka waqtigooda ku dhammaanayo.
    Laakiin macnaheedu ma ah Guddoonka Barlamaanka waqtigaa ka dhammaaday waa in uu xilka ka degaa, waxaan filayaa in ay arrintu ku qarsan tahay arrimo kale oo ka weyn.
    Waxaan u soo jeedinaya Madaxda Sare ee dawladda in ay qaataan mowqif cad ee Sharcigu ku dhisan, in ciddii ka hortimaada lagu qaado wax uu sharciga ka qabo fowdada ay doonayaan in ay sameeyaan Xildhibaanadaa ayaga ah, taasoo la ogyahay dadka ka dambeeya arrimaha ayaga ah oo ay doonayaa in ay baabi’iyaan Dowllada dhisan, waa in aanan qofna looga heybeysan sharciga, shirkana waa in si dhaqsi leh u furmaa, lana joojiyaa Banaan ka hadalka, xubin kasta oo Barlamaani ah waa in uu Barlamaanka Shirarkiisa ku soo gudbiyaa Fikradihiisa si Xushmad leh, ee ma ah qof kastaba iskaga hadlo meeshuu doono.
    Shrguddoonka Barlamaanka Soomaaliyeed ilaa 2011ka waa sharci in uu hayo Xilkaasi, haddii uusan jiri Istiqaala ay ayaga la yimaadeen in ay Xilka iskaga tagayaan, laakiin ma ah dad gaar ah in ay iska dhigaan dad Sharciga ayaga gacantooda ku jira ee markii ay doonayaan waxay doonaan Jeebka iskala soo baxa, kana muuqato Islaweyni.
    Haddaba, waxaan gabagabadii u soo jeedinayaa Xubnaha ayaga mar kastaba Dhibaatada la soo taagan in ay Iskaga tagaan Xubinnimada Barlamaanka inta ay mar kastaba wax baabin lahaayeen, ayna u turaan dadka Masaakiinta ah ee har iyo habeenba dhibaatada ku socoto, ayna xasuustaan in tii Aakhirana weli dambeyso, waxaan filayaa in aad sidaasi iila gartan doontaan.

    Wabillaahi Towfiiq

    A. Abanur

  3. cabdulqadir says:

    waxaan marka hore mahad u celinayaa allaah swt, ka bacdina waxaan mahad iyo bogadin u dirayaa walalaha webkan hogamiya oo ah dad qiima badan ugu fadhiya ummada soomaliyeed eee wadaniyiinta ah. Intaas ka bacdi soomaliya allaah ha u naxariisto, waxaana allaah ka baryaa inuu ummadan u soo bixiyo kuwa badbadiya.Waxaan raja laga qabin in kuwa maanta horboodaya ay keenan wax khayr ah,maxaa yeelay meeshii khayrku jirayba ma arkaan umana socdaan.Waxay isu dabamaryaynayaa cadowgii soomaliyeed,waxay waydiinayaan inuu dhulkaan iyo dadkan soomali la yiraaahdo nabad u keeno.Daraad waana ina cabdirashiiid wixii ag fadhiyay, shalayna waa shariif , maantana waa hebel madoobe.waxa kaliya ee afkaygu karo waa inaan ummadaan allah u baryo inuu u soo bixiyo kuwa ka badbaadiya cadowga gudaha iyo kan dibadaba.