Daabaco
Boggan | Print

Sheikh Aadan Madoobe iyo Zenawi, Apr 8, 201o, ENA

Sheikh Shariif iyo Zenwai, Feb 2, 2010, ENA

Shariif Xasan iyo Zenawi, June 26, 2009, ENA

Cumar C/rashid iyo Zenawi, April 20, 2009. ENA

Faroole iyo Zenawi: March 14, 2009.. ENA

Daahir Riyaale iyo Zenawi: March 13, 2009

Shariif Axmed iyo Zenawi, Feb 3, 2009
Gaashaanle Sare Nuur Cadde Ma Xasuuqa Shacabka
Soomaaliyeed ayuu Zenawi uga Mahad Celiyey?...

G/sare Nuur Cadde iyo Zenawi, Addis Ababa, Feb 6, 2008

Geeddi iyo Zenawi oo jooga Addis Ababa xilligii uu ra'iisul
wasaaraha u ahaa DFKMG -

Muqdisho,
June 5, 2007: Zenawi oo Muqdisho kula kulmay C/laahi Yuusuf iyo
Geeddi, kaddib markii maxkamaadaha laga saaray Muqdisho. Sawirka:
daylife |
Aadan Madoobe oo Addis Ababa kula Kulmay Meles Zenawi, Xilli Xildhibaanada
Baarlamaanku Sheegeen in Waqtigii Ka Dhammaday Guddoonka Baarlamaanka..
Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa
magaalada Addis Ababa waxa uu Khamiis April 8, 2010 kula kulmay
ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sida ay shaacisay wakaalada wararka u
tebisa xukuumadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA. Waxaa warku intaas ku daray
in ay ka wada hadleen xaaladda hadda ee Soomaaliya.
Warku waxa kale oo uu sheegay in Sheikh Aadan Madoobe "uu si aad u weyn
Itoobiya ugu ammaanay sida isku daygeeda in ay nabad iyo degganaansho ku soo
dabaasho Soomaaliya," waa sida hadalka ENA u dhigay'e.

Kulankii Aadan Madoobe iyo Zenawo, Apr 8, 2010, ENA.
Kulanka Aadan Madoobe iyo Zenawi ayaa ku soo beegmay xilli ay jiraan khilaaf
u dhexeeya xildhibanada Baarlamaanka DFKMG, ayaadoo qaar kamid ah baarlamaanku
ay aaminsan yihiin in waqtigii ka dhammaaday guddoonka baarlamaanka oo ay tahay
in guddoon cusub la soo doorto, waxaana magaalada Muqdisho isniin April 5, 2010
shir jaraa'id ku qabtay 50 xildhibaan oo arrintaas rumaysan.
Waxaa taas xigtey April 6, 2010 in "Labaatan
iyo Shan xildhibaan (25) oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka FKMG ah ee
Soomaaliya oo doonayay in ay kulan ku yeeshaan Hotel Ambasadoor ee Magaalada
Muqdisho islamrkaana ay kaga hadlaan sida ay u dhaliilsan yihiin waxqabadka
xukuumada Intii ay jirtay ayaa waxaa si bareer ah u hor istaagay Ciidamo wata
gawaarida gaashaaman oo kamid ah ciidamada (loogu yeeray Sirdoonka) dowlada FKMG
ah iyagoo halkaasi ku kala kexeeyey xildhibaanadii kulanka doonayey inay
yeeshaan."
Madaxweyne Shariif oo Xilku kaga ekaa October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga
DFKMG
Addis Ababa: Sheikh Shariif oo Sannad Guuradiisii Koowaad la Qaatay
Zenawi.... Feb 2, 2010
Madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Addis Ababa waxa uu
Talaada,
Febraayo 2, 2010 kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sida ay
shaacisay wakaalada wararka u faafisa Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA.
Kulanka Sheikh Shariif magaalada Addis Ababa kula yeeshay Zenawi ayaa ku
beegan HAL SANO (OO QARARAN) markii ay ka soo wareegtey kulankoodii hore oo ahaa
Talaada, Febraayo 3, 2009.
Sawirka hoose ee ENA waxa uu muujinayaa labadii kulan (Talaada Feb 3, 2009
iyo Talaada Feb 2, 2010).

Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Sheikh Shariif intii uu hayey xilka Madaxweynaha DFKMG waxaa baylah galay
dhul-badeedka Soomaaliyeed, kaddib markii xukuumadiisu ay heshiis la gashay
Kenya, heshiiskaas oo loogu magac daray
IS-AFGARAD oo ku
saabsanaa in Kenya cabiratay baaxad weyn oo ah dhul-badeedka Soomaaliya. Inkasta
oo xildhibaanadda baarlamaanku ay muujiyeen geesinimo ay ku diideen heshiiskaas,
kana dhigeen waxba kama jiraan, ayaa xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif
aysan ilaa hadda (Feb 2, 2010) sharci ahaan u caddayn in ay heshiiskaas ka
laabteen, isla markaasna aysan qoraal diidmada caddaynaya u gudbin Qarammada
Midoobey.
Kaddib markii xukuumadda Sheikh Shariif iska dhega tirtay go'aankii
baarlamaanka (oo weliba xeerkii diidmada baarlamaanka ee loo gudbiyey Sheikh
Shariif uusan jawaab ku soo celin baarlamaanka sida uu dhigayo xeerka/dastuurka
DFKMG loo sameeyey) ayaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanku waxay Sannadkii hore
(bilihii dambe ee 2009) qoraal ay ku caddaynayaan mowqifka baarlamaanka DFKMG
waxa ay u direen Xogyahaya Guud ee Qaramada Midoobay iyo qaybta UN-ta u
qaabilsan Badaha.
Ilaa hadda Qaramada Midoobay arrintaas jawaab kama bixin, qoraalkii
xildhibaanadana kuma daabicin bogga qaramada Midoobay, sida ay xildhibaanadu
codsadeen - FG: Qarammada Midoobay waxay si fudud oo degdeg ah u daabaceen
qoraalkii uu u gudbiyey Cumar C/rashiid ee baylahda gelinayey badda Soomaaliyeed
iyo qoraalkii ka dambeeyey ee kaas taageerayey oo sida ay xildhibaano sheegeen
uu saxiixay Prof. C/raxmaan Ibbi, inkasta oo lagu qoray magaca ra'iisul
wasaaraha DFKMG - Laakiin Qaramada Midoobay tii arrintaas lagu burinayey ama
lagu diidanaa weli ma daabacin, jawaab sugana ma siin xildhibaanadda.

Ban Ki Moon iyo Sheikh Shariif | Isha:
innercitypress.com
Waxaa soo dhaw sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey xilligii ay DFKMG
saxiixeen heshiiska Is-afgarad ee ku saabsan dhul badeed Soomaaliyeed ee
baaxadiisu dhantahay 116,000km2. (Akhri
qoraaladdii badda).
UN:
Daawo Su'aalo Dalka Norway laga weydiiyey Heshiiskaas (Jan 28, 2010)
Warbixintii kulankii hore ee Shariifka iyo Zenawi hoos ka akhri...
Shariif Axmed oo Dalbaday Xoog Militari... Feb 2009
Kaddib markii uu la kulmay Meles Zenawi....
Nabaddoon Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow: "Waxaan Adduunka u Sheegeynaa in
Itoobiya ku sugan tahay Beledweyne qaybo ka mid ah."
- Sheikh Shariif: Looma baahna in la Bedelo Qaanuunka Dalka iyo in laga
hirgliyo Shareecada Islaamka...
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo "Cashuur" ka qaaday Gawaari
maraysay Kalabayrka, Gobolka Hiiraan...
- (ENA) - Sheikh Shariif Axmed oo u Digey Dalka Eretria...
Hadalladii Sheikh Shariif:
Halkan Dhegeyso
ama Soo Rogo.
Madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Addis Ababa waxa uu
Feb 3, 2009 kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sida ay
shaacisay wakaalada wararka u faafisa Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA.
Intii uu socdey kulankooda, Zenawi waxa uu sheegay in uu aqbalay doorashadii
maadaxweynaha (DFKMG) ee Soomaaliya ee ka dhacday Jabuuti. Waxana uu Zenawi
muujiyey sida ay Itoobiya diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeeyaan Dawladda Cusub
ee Federaalka Kumeel-Gaarka ee Soomaaliya. Waxana Zenawi uu u xaqiiyey
madaxweynaha DFKMG sida ay Itoobiya gacan uga geysaneyso ammaanka iyo
xasiloonida Soomaaliya!
Madaxweynaha cusub ee DFKMG waxa uu dhinaciisa u sheegay Zenawi in Dawladda
Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya ay danayneyso in ay la shaqayso Itoobiya
iyo dalalka kale ee deriska ah si loo xaqiijiyo danaha dalkiisa, ayey tiri ENA.
Dhanka kale ENA waxay sheegtay in Shariif Axmed uu digniin u diray dalka
Eretria, isagoo yiri waa in Dawladda Eretria aysan faraha la soo gelin arrimaha
Soomaaliya. ... SII
AKHRI
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009 | Updated: Feb 5 | Updated: April 2010
|