Home » Announcements »

Ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait oo Koobka kubada cagta iyo Koleyga soo gabagabeeyay, safiirka somalidana uu gudoonsiiyay koobkii kooxda guulaysatay.

Ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait ayaa soo gabagabeeyay koobabka kubada cagta iyo kubada volleyball-sha oo ukala socday cayaartoyda soomaaliyeed ee kunool wadanka Kuwait.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa mudo bil kudhawaad ah socotay koobkii sanadlaha ahaa ee ay qaban jireen urruka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait. Koobkaas oo ay kasoo qayb galeen in kabadan 16 kooxood oo kala duwan kana kala socda xafadaha iyo gobolada kala duwan ee wadanka Kuwait. Kooxahaaan oo dhamantood kuwada dadaalayay inay qaataan koobka ayaa ugu danbayntii waxaa isugu soo haray labada kooxood ee walalaha Jaliib iyo kooxda Axmed Gurey. Waxaa maalintii gabagabada ahayd lasameeyay xaflad aad loosoo agaasimay  kana dhacday garoonka weyn ee kubada cagta ee Naadiga loo yaqaan AL Yarmuuk.

Waxaa dhacday cayaar aad u kulul taasoo kooxda walalaha Jaliib ku badiyeen 4 goal ugana badiyeen kooxda Axmed Gurey. Halkaas ayaa waxaa lagu gudoon siiyay labadaas kooxood biladihii kaalimaha koowaad iyo laabaad. Laguna gudoon siiyay koobab iyo bilado kala duwan sidoo kale waxaa halkaas lagu gudoon siiyay kooxdii koobka qaaday lacag loogu tala galay kooxda gasha kaalinta koowaad. Xubnaha kala duwan ee maamulka ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait ayaa halkaas si xoog ah ujoogay ulana socday hab socodka koobkaas.

Waxaana horkacayay gudoomiyaha ururkaaas Mudane: Cabdalle Xuseen Nuur Dirir. Asagoo halkaas kajeediyay hadal soo dhawayn ah iyo furitaankii xafladii gudoonsiinta koobka. Xafladaan waxaa kasoo qayb galay safiirka somalida ee Kuwait mudane C/qaadir Amiin Shiikh Abubakar. koobkana gudoonsiiyay kooxdii kaalinta 1aad gashay. Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay gabagabadaas qunsulka soomaalida ee Kuwait mudane Abiib muuse iyo lataliya safiirka ee dhanka siyaasada Mudane c/qaadir suufi maxamed (muriidi-golaf) koobkaan ayaa si qurux badan usoo gabagabaysmay.

Safiirka ayaa halkaas hanbalyo iyo dhiiri galin usoo gudbiyay dhalinyarada, sheegayna muhiimada uu leeyahay koobkan oo kale kuna sheegay mid isku keenaya midaynayana dhalinyarada. Kuna dhex abuura is jaceyl iyo isku xirnaan sidoo kale waxuu amaan usoo jeedshay ururka ardayda somaliyed ee Kuwait iyo sida habsamida leh ee ay wax ugu qabtaan ururka ardayda iyo guud ahaan jaaliyada somaliyeed ee Kuwait. Waxaa sidoo kale halkaas kasoo qayb galay dad aad ufara badan oo kasocday jaaliyada somaliyeed oo ay kamid ahaayeen aabaha dhalinyarada somaliyeed ee Kuwait mudane Cabdalla Cawad Deekow. Iyo fanaanka caanka ah ee dhaqane. Waxaa aad garoonka ubuuxshay dhalinyarada taageerayaasha kooxaha kala duwan ee koobkaas kasoo qayb galay. 
 
Xawaaladda Al Mustaqbal

Sidoo kale isla maalintaa waxaa lasoo gabagabeeyay kubada kolayga oo loo sameeyay kooxaha gabdhaha soomaaliyeed ee reer Kuwait ayagoo qaybta kolay ee gabdhaha ay fangaraynaysay shirkada xawaaladda ee Al Mustaqbal. Waxaa kasoo qayb galay lix kooxood oo gabdho ah. ayadoo lagu qabtay garonka jaamacada Kuwait. Ahna meel xiran oo aan loo ogolayn ragu inay galaan.

Kooxahaas gabdhaha xafladoodii ayaa waxaa koobka bixisay murwada safiirka somalida ee Kuwait oo gudoonsiiyay koobka kooxdii guulaysatay. Halkaas ayaa waxaa majaraha uhayay ururka ardayda halkaas oo ay joogeen gudoomiye kuxigeenka ururka ardayda faadumo maxamed jamac buraale iyo musuulada qaybta calaaqaadka guud Fowzia c/raxmaan sidoo kale waxaa si firfircoon uga shaqaynayay muna cali axmed,Iiman maxamed cali Aman, Amal caabi oo kuligoodba ah xubno ka tirsan maamulka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait.isku soo gagabeeyoo koobkaan ayaa ahaa mid si aad ah loogala socday qaybaha kala duwan ee jaaliyada. Ururka ardayda ayaa ah urur aad ufirfircoon waxyaalo bandanna oo lataaban karana kaqabtay baahiyaha ardayda iyo dhalinyarada, sida kordhinta kuraasta jamacada,ayagoo sameeya koorasyo kala duwan oo computerka, maamul wanaaga iyo waxbarida una qabta ardayda.

Waxaa soo tebiyey
abdalla haji hussein
dirir003@hotmail.com

……………..
Horyaalka 4aad Ee Volleyball Beach Oo La Soo Xiray

MUQDISHO: Waxaa xeebta AL CURUBA magaalada Muqdisho laga gabagabeeyay horyaalkii 4-aad ee Wiilasha Kubadda Laliska Xeebta [Volleyball Beach] oo socday 18-26/3/2010.

Ugu horeyn waxaa xeritaanka horyaalkan ka soo jeediyay ereyo ku aadan abaabulka ay u gashay xiriirka K/Laliska hirgelinta qabashada Horyaalka 6-aad Guddoomiyaha XSKL Prof. Maxamed Cali Caddow isagoo ku dheeraaday in xiriirkooda ku dadaalay iyadoo dalka marxalad xun uu ku jiro qabashada ciyaaraha lagu ciyaarayo xeebta.

Guddoomiyaha Xiriirka K/Laliska Prof. Maxamed Cali Caddoow ayaa mahadceliyay ciyaaryahanada iyo madaxda kooxaha iyo shirkadaha ka qeybqaatay horyaalkan isagoo ku amaanay sida ay mar walba ugala shaqeeyaan horumarinta isboortiga gaar ahaan K/Laliska wuxuuna ciyaaryahanadii ka qeybqaatay tartankan ugu mahadceliyay si asluubta leh ee ay tartankan uga qeybqaateen.

Sidoo Kale Xeritaanka Horyaalka 4-aad ee wiilasha Kubadda Laliska waxaa ka hadlay mas`uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] wuxuu ku amaneen xiriirka K/Laliska qaabka wanaagsan ee ay u soo agaasimeen horyaalkan ,wuxuu tilmaameen in uu xiriirka dadaalkiisa ku aadan qabashada tartamada uu noqdo mid joogto ah si loo helo jiilal difaaca ciyaarta K/Laliska Soomaaliyeed.

Tartanka ayaa waxaa ka qeybgalayay 10 kooxood oo kala ah Horseed, Gasko, Natiolink, D/hoose, Feero, Heegan, O.F.C, D/Muqdisho, Sunrise iyo Elman.Ciyaarta Final-ka oo ay isaga horyimaadeen Horseed vs. Heegan ayaa waxay guusha si xarago leh ku raacday kooxda Horseed oo 2-0 ku hantay horyaalkii 4-aad.

Waxaana ugu danbayntii halkaasi lagu bixiyay bilado, Koobabkii kaalimaha hore iyo shahaadooyin la guddoonsiiyay dadkii gacanta ka gaystay qabsoomidda horyaalkan.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan G.O.S iyo xiriirada hoos yimaada marti sharaf iyo taageerayaal aad u badan oo xiiseeya ciyaarta Kubadda Laliska ee lagu ciyaaro xeebta.

Xiddigaha Taifa Oo Somalia Ka Saaray CHAN

Xulka kubadda cagta dalka Tanzania ee loo yaqaan [Taifa stars] ayaa si xarago leh uga adkaaday xulka dalka Somalia ee loo yaqaan [Ocean Stars] ciyaar ka tirsan koobka CHAN.

Xulka kubadda cagta ee Somalia ayaa waxaa lagu dhuftay 5 iyadoo xulka Somalia awoodi wayay xitaa hal gool in ay la yimaadaan, kulan ciyaareedkan ayaa wuxuu ka dhacay maanta [Sabti] garoonka Uhuru ee magaalada Dar es Salaam.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadda cagta Somalia ayaa ku gaabsaday in ay si weyn u diyaarsanaayeen Xiddigaha Taifa marka loo fiiriyo Somalia taasna ay keentay natiijada 5-0 in lagu qaraaco.

Kulan ciyaareedkan oo loogu talagalay labo lug [Home-Away] waxayna wararku tibaaxayaan labada xiriir Somalia iyo Tanzania inay ku heshiiyeen inay hal lug wada ciyaaraan xulkii ku badiyana sidaas u ugu gudbo wareegyada kale, hase yaashee iminka waxaa muuqanaya in xulka Somalia uu sidaas kaga haray isreebreebka CHAN.

Xulka Somalia ayaa kulan ciyaareed ka tirsan koobkan CHAN gurigooda uga soo badiyay xulka Djibouti 1-0 , waxaana guuldarada iminka ku dhacday loo aneynayaa ciyaaryahano muhiim u ahaa xulka oo aan ka qeybgelin tartankan maadaama koobkan aan loogu talagelin ciyaaryahanada dibadaha ka ciyaara [Professional Players].

Ma`aha markii ugu horeysay oo ay xulka la kulmaan guuldaro, waxaase dhif ahayd in ay ka guuleysato xulka Tanzania oo aan wax awood ah ka badneyn xulka Somalia.

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2525-0-982912
+2526-2-272145
Email:buuna@isboorti.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait oo Koobka kubada cagta iyo Koleyga soo gabagabeeyay, safiirka somalidana uu gudoonsiiyay koobkii kooxda guulaysatay. "

  1. masha allah ururka ardayda somaliyed ee kuwait waa urur aad u firfircoon in badanna isku keenay jaaliyada activities kala duwan uqabtay waa dad isku xiran huwanna somalinimo iyo qiimihii rasmiga ahaa ee somali lagu yaqaanay. hambalyo hambalyo horay usocda