Home » Warar »

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ra’iisul Wasaaraha ka Codsaday inuu Xilkaas isaga dego.

iyo Warmurtiyeed RW Cabdiweli oo tibaaxay: “Xubnaha Golaha Wasiirada oo ah Awooda fulinta dalka, waa iney u gutaan shaqadooda si waafaqsan dastuurka Dalka”

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah isugu yimid ayaa waxaa ay kulankoodaasi ka soo saareen Codsi sida ay sheegeen ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo kulankaas kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay u gudbiyeen Waraaq Nasteexayn ah uguna Nasteexeynayaan Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed inuu Xilkaas isaga dego Cabdullaahi Goodax barre Wasiirka ayaa sheegay in Wasiirada ka tirsan Xukuumadda oo qoraalkaasi gudbiyay in ay gaarayaan illaa Lix iyo Toban Wasiir Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in markii ay ka baaraan degeen sida iminku xaalku yahay ay u muuqatay inaan sidan lagu wada shaqayn Karin si shacabka dantiisa loo fiiriyana ay haboon tahay in Ra’iisu Wasaaruhu meesha uu baneeyo.

goodax
Wasiir Goodax ayaa farta ku fiiqay in arrintan ay xal u arkaan iyagoona sida uu sheegay wasiiradaasu raja ka muujiyeen in Cabdiweli uu qaato Taladaas loo soo jeediyay Xilkana uu sidaa uga dego. Wasiirka arrimaha gudaha ma caddeyn inuu Ra’iisulwasaare Cabdiweli arrintaa uu ka aqbalay iyo in kale keliyana wuxuu cadeeyay in waraaqdaas u gudbiyeen.

Wasiirada qoraalka Gudbiyay ayaa waxaa ay kala yihiin.

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha Goodax,
  • Wasiirka Garsoorka Faarax Shiikh,
  • Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabd Xalanei,
  • Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Shiikh Xaamud
  • Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed,
  • Wasiirka Sportiga Khaalid Cumar Cali
  • Wasiirka arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Bayle,
  • Wasiirka Tamarta Jaamac Axmed
  • Wasiirka Shaqada Luqmaan Shiikh,
  • Wasiirka Dekadaha Yuusuf Macalim Baadiyow
  • Wasiirka Qorsheynta Siciid Cabdullaahi,
  • Wasiirka Beeraha Cabdi Axmed Baafo
  • Wasiirka Kalluumeysiga Maxamed Colow Barrow
  • Wasiirka Hawlaha Guud Nadiifo Maxamed.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka ra’iisul wasaaraha….

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Warmurtiyeed

RW Cabdiweli: “Xubnaha Golaha Wasiirada oo ah Awooda fulinta dalka, waa iney u gutaan shaqadooda si waafaqsan dastuurka Dalka”

Muqdisho, 17, Nov, 2014…Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiir ka tirsan xukuumadda oo sheegay in 14 wasiir ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan inuu is casilo, waxaana xafiisku sheegay in warqadaas aysan soo gaarin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda markuu arkay qodobka 97-aad ee Dastuurka Soomaaliya faqradihiisa 1,2,3 iyo 4-aad. Markuu arkay Qodobka 100-aad farqradihiisa (a) iyo (b) Markuu tixgeliyey waqtiga adag ee dalku marayo, wuxuu go’aamiyay:

• In xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay howlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana aanay qeyb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dadaalka xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016.

• Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxada dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana uusan aqbali doonin wax alla wixii ka horjeeda Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dowladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dib ugu xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed inuusan ka leexan doonin wadada sharciga ah, wuxuuna uga mahadcelinayaa dadweynaha, Xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka taageerada ay siiyeen xukuumadda iyo hoggaankiisa.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha Golaha wasiirada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta sharciga iyo dowladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu soo dhoweynayaa dadaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo.
Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ku adkeeyey xubnaha golaha wasiirada in howl maal meedka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed si habsami ah u gutaan si dalka loo gaarsiiyo himilada 2016.

—DHAMMAAD—-

Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Halkan ka eeg mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.