Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Mooshinka looga soo hor jeedo Raiisul Wasaaraha ee loo Gudbiyey Gudoonka Baarlamaanka

Waxaa na soo gaarey Nuqul ka mid ah Qoraalkii Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay u Gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka ee ku aadan Mooshinkii laga keeney Raiisul Wasaaraha Cabdiweli Shiikh Axmed ka dib markii ay is Khilaafeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud , Qoraalka ayaa waxaa ku cad Qodobo dhowr ah oo lagu eedeeyey Raisul Wasaaraha ka dib markii Xildhibaanada ku jaalka ah Madaxweynaha ay sheegeen in uu ku Xad gudbey Dastuurka Dalka.


Halkan ka eeg mooshinka la doonayo in loo qaybiyo baarlamaanka

mooshinGudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiih Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu Kulamo la qaatey Xildhibaanada kala taageersan Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha waxaana uu ku qanciyey in ay ka wada shaqeeyaan sidii Xal looga gaari lahaa Khilaafka.

Laakiin markii Sabtidii la isugu yimid kulankii baarlamaanka ayaa waxaa buuq bilaabay xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha, taas oo sababtay in kulankii lagu kala dareeray ayadoo aan mooshinka la qaybin. (Halkan ka eeg mooshinka)

Tan iyo markii uu soo shaac baxay Khilaafka ka dhax aloosan Madaxweynaha soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa waxaa isa soo tarayay Talooyinka iyo Aaraada laga soo saarayo Khilaafkaas iyo waxa uu keeni karo. Iyadoo in badan Bulshada ay soo jeediyeen in khilaafkaas lagu Xaliyo si hoose maadaama ay sheegeen in uu dhaawacayo Qaranimada Soomaaliya iyagoo tilmaamey in uu abuuri karo Qalalaase Siyaasadeed iyo Dhibaatooyin hor leh.

Halkan ka eeg mooshinka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xildhibaanada Mooshinka kasoo horjeeda oo baaq soo saaray “Sawirro”

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.