Home » Faallo »

Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! Qaybta 2-aad

Beloba belo ayey dhashaaye waxaad ogaataa Muctasilada ay Casraaniyiinta bahwadaagta yihiin waxay ka soo alifeysteen Yuhuud iyo Kiristan, waxaa tusaale kuugu filan Muctasiladu waxay yiraahdeen qur’aanku waa shay la abuuray (makhluuq) taas oo ay kaga horyimaadeen Ahlusunnaha oo iyagu aaminsan in qur’aanku yahay hadalkii Alle (Kalaamullaah), aragtidaasi ma ahayn mid Muctasiladu alliftay ee waxaa ugu macallin ahaa Bishr Almuraysi oo Aabbihii Yuhuudi ahaa[1], waxaa kale oo bidcadaan hormuud u ahaa Almuqiirah ina Saciid Alcijliyi oo ka mid ahaa taageerayaashii Cabdullahi ina Saba’ Alyahuudi.[2]

Sidaas oo kale ayey Muctasiladu ka dab qaateen Kiristanka oo waxay ka soo guuriyeen fikradda loo yaqaan (Alqawlu bil qaddar) oo ah in aadanuhu   hindiso ficilladiisa Allena uusan sharba qaddarin, fikaraddaas waxay ka soo jeeddaa Yaxye (Yooxannaa) Aldimashiqiyi & Abuu Yuunis Alnasraaniyi oo labaduba Kiristan ahaa[3], intaa kaliya maaha ee xataa dhidibbada shanta ah ee uu mad-habkoodu ku qotomo qayb ka mid ah ayaa nimakaas ka soo jeeda.

Waxaa dad badani ku khaldamayaan in qallooca diineed ee leh sooyaalka fog uu ku qotomo aragti muslin, dhab ahaan arrinku sidaas ma aha ee qolo walba oo weecatay waxay ka soo loox jiiteen dad diimo kale rumaysan, ilaa haddana waa sidaas oo qolyahaan cusubi waxay ka dabqaateen Mustashriqiin iyo niman reer galbeed ah oo falsafad diin la dirir ah rumaysnaa.

Duullaankii reer galbeedka.

Napoleon Bonaparte oo ahaa imbiridoorkii Faransiiska ayaa duullaan ku soo qaaday Masar 1797dii ilaa 1801dii[4] miilaaddiga, duullaankaasi wuxuu ka tegay saamayn weyn oo jihaysay dad fara badan oo muslimiin ah kuwaas oo aad ula indho daraandaray faranjigii iyo dhaqammadiisii, waxaan meesha ka marn ayn Muustashriqiinta oo takhasus ulahaa reer bariga iyo islaamkaba kuwaas oo hoday maangaab badan oo muslin ah.

Ingiriiska oo isna duullaan ku ekeeyey Hindiya sannadkii 1756dii asaga oo ka sameeyey shirkad la oranjiray Hindiyada bari (East India Company) taas oo isu rogtey dawlad sannadku markuu ahaa 1885tii[5], waxay aad  isugu hawleen in ay  jirridaha u siibaan Islaamka iyo muslimiintaba, si taas loogu guulaysto waxay buunbuuniyeen dhaqdhaqaaqii Axmed Khaan oo isu taagay in uu isu soo dhaweeyo Muslimiinta iyo Isticmaarkii ingiriika ahaa si muslimiintu u ogolaadaan xukunka ingiriiska.

Dhaqdhaqaaqii Axmed Khaan.

Dhaqdhaqaaqani waa mid ku abtirsada aragti reer galbeed gaar ahaan isticmaarkii ingiriika ee qabsaday dhul weyn oo muslinku dego kaas oo ay qaaradda Hindiya ka mid ahayd, waxay madarasadiisu aad ula dhacsanayd ilbaxnimada reer galbeedka ee maaddiga ah, taas oo sababatay in uu inkiro mucjisooyin badan, markii dambena wuxuuba yiri nabinimadu waa yool loo qaangaaro markii aad la timaaddid layli aad ku jara baraysid naftaada.[6]

wuxuu aad u weeraray Jihaadka oo uu ka dhigay wax aan macne weyn ku fadhiyin,  caqiidada iyo diinta islaamkana  wuxuu u fasiray si ku jaan go’an caqligiisa iyo rabitaanka reer galbeedka soo duuley[7], Axmed Khaan wuxuu inkiray wax alle wixii ka hor imaanaya ilbaxnimada reer galbeedka waxaasi diinba ha ahaadeene, dhanka kale wuxuu dhab ka dhigay wixii aragtida reer galbeedka waafaqsan waxaasi haba khilaafaan diinta iyo waxa ummaddu isku waafaqdayba (Ijmaacul muslimiin)[8].

Haddaan soo koobno aragtidii Axmed Khaan waxaan ku soo ururin karnaa.

  • Axmed Khaan waxaa saldhig u ahaa in caqliga uu muqaddas ka dhigo, sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in diinta dib loo cusboonaysiiyo si ay u waafaqdo ilbaxnimada reer galbeedka.
  • Waxaa dhidibbada mabdi’iisa ka mid ahaa in qur’aanka kaliya  laga fahmi karo islaamka oo aan suunno loo baahnayn, sidoo kale wuxuu yiri maadaama aynu casrigaan joogno looma baahna in la cuskado tafsiir qaddiim ah maxaa yeelay waxaa ka buuxa senen (khuraafaad) laakiin waa in qur’aanka naskiisa uun adigu aad saad u aragtid u fasiratid![9], aragtidaan waxay si qayaxan uga muuqataa buugga loogu magac daray xadka riddada maxaa ka run ah.
  • Shaki gelinta sunnada nabiga SCW, waxaa la yaab leh in uu yiri waxa la diiwaan geliyey oo axaadiis ah oo ku qoran kutubta sunnada waa wax ragga wariyey aan dhaafsiisnayn mana garan karno in hadalka laga soo guuriyei nabiga SCW iyo kan ninka ka warinayaa ay is waafaqsanyihiin iyo in kale!, sidaa darteed axkaamta sunnada laga qaatay khasab kuma aha in dadka muslinka ahi ay ku dhaqmaan!, wuxuu aad u eedeeyey muxadisiinta oo uu yiri waxay xoogga saareen abtirka xadiiska (Alsanad) ee xagga erayada (Almatn) ma aysanba eegin![10], xoogaaga yare e uu ka ogolaaday axaadiistana wuxuu u qaybiyey qaar xiriir la leh caqiidada & arrimaha diinta oo uu yiri waa lagu dhaqmi karaa iyo qayb uu yiri waxay ka hadashaa arrimaha dunida sida siyaasadda, dhaqaalaha & arrimaha bulshada kuwaas wuxuu yir shilinta sii waayo adduunku waa is bedbeddelayaa ee meel kuma eka[11] , sidoo kale tani waa mid ka mid ah halbeegyada qoraaga buugga Xadka riddada maxaa ka run ah waayo wuxuu si bareer ah u inkiray axaadiis fara badan sida kan qaniimada ka hadlaya, kan ka hadlaya in nabigu SCW uu wax ku daaweeyey caano geel  oo kaadi geel lagu barxay & qaar kale oo fara badan.

Dhibka u badan ee Maan fuulka (Caqlaaniyiinta) haysta waa in aysan aqoon haba yaraatee sunnada ama axaadiista, waxaase u sii weheliya taas niyad xumo iyo shaqadooda oo ah calwinta diinta xaniifka ah, waxaa geela loogu heesi jirey

Wiil an hayn jirin, haddase u yimi

Habeedeediyo, habaaskaba diid.

  • Marka la eego xagga Fiqhiga iyo dhidibbadiisa (Alfiqh wa usuuluh) wuxuu arkayey in aan loo baahnayn wax (Ijmaac) la yiraahdo, albaabka ijtihaadkuna uu u furanyahay nin walba, wuxuu arkayey in aan loo baahnayn fuqahada hadalkooda iyo waxa ay isku waafaqeenba waayo casrigoodii lama joogo sidoo kale wuxuu gaashaanka u daruuray Ijmaaca saxaabada asagoo ka dhigtay food saar in ummad waliba  ay aayaheeda say la noqoto uga arrimiyaan![12],(abooyoow ma ceelkii shilaabaa oo nin walbaa shubayo)!, tanina waa tilmaan si mug leh uga muuqata buugga xadka riddada.
  • Wuxuu inkiray Xajka, dhawaafka iyo dhagax tuurka (Aljamaraat) oo wuxuu yiri waa wax ka haray diimihii hore ee maangaabka[13].
  • Wuxuu xalaal ka dhigay ribada ama dulsaarka oo diinteennu si adag u xaaraantimaysay.
  • Wuxuu inkiray xadka rajmiga ee qofkii guur soo maray ee sinaysta lagu fuliyo (waxaa raacsan aragtidaan qoraaga buugga Xadka riddada maxaa ka run ah), wuxuu dugaagnimo ku sheegay xadka tuugada iyo xaraabada (dhuljiifka) ama burcadda hubaysan.
  • Jihaadka wuxuu sheegay in loo jideeyey difaaca nafta oo kaliya!.

Ugu dambayn ninkaani  wuxuu aad uga hal adkaa ugana hadal caddaa Maanfuulkii xilligiisii iyo mustashriqiintaba, waxaa ardaydiisii uga cad caddaa.

  1. Chiragh Ali: wuxuu ku caanbaxay diidmada xijaabka, jihaadku in uu yahay difaac, qur’aanku in uusan caddayn u jeeddada sakada ee ay tahay in masaakiinta la siiyo wixii baahidaada ka dheeraad ah oo kaliya, waxaa ugu muhiimsan qoraalladiisa (The Ottoman Empire and Other Mohammadan States) kaas oo uu aad ugu soo bandhigay is ogolaysiinta diinta iyo casriga taas oo uu ku nuux nuuxsaday in ay ku hirgalayso in la kala fogeeyo diinta iyo dowladda asagoo ku sababeeyey in marna uusan nabigu SCW isu keenin diin iyo dowlad![14], aragtidaan waa mid aad uga muuqata buugga xadka riddada maxaa ka run ah & qoraal uu leeyahay isla qoraaga buuggaas oo la yiraahdo siyaasad aan sixir lahayn!.
  2. Ameer Ali: Wuxuu ahaa shiici bangaali ah waxaa buugtiisa ka mid ah (The Spirit of Islam) waxaa aad u ammaanay mustashriqa weyn ee (Hamilton Alexander Rosskeen Gibb) oo wuxuu yiri waa nin si cilmi ah oo waafaqsan casriga u sharxaya arrimaha ku saabsan gabadha muslimadda ah.[15]
  3. Maulana Muhammad Ali: ninkaani waa Qaadiyaani wuxuuna ku caan baxay in uu ogolaaday in guur dhex mari karo muslinka iyo hinduusk & in ay bannaantahay in ragga iyo dumarku is dhexgalaan mar walba iyo meel walbaba.[16], fikraddaan qudheedu waa mid xididdo ku dhex leh buugga xadka riddada maxaa ka run ah.

 

La soco qaybta 3aad.

Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur
fuadaflow@gmail.com

fuaadXaaji

 

 

 

[1] Majmuucul alfataawaa, juska 5aad, bogga 22-23aad.

[2] Almuctasilah, Suhdi Xasan Jaarullaah, bogga 22-23aad.

[3] Raad raacii hore bogga 26aad

[4] Alislaam wa Althaqaafah Alcarabiyah, Anwar Aljundi bogga 18aad.

[5] Almadaahib Almucaasirah wa mawqiful islaami minhaa, Dr. C/raxmaan Cumayrah bogga 275aad.

[6] Alfikr Alislaami alxadiith wa silatuhu bil isticmaar Algarbi, Dr.Mux’ed Albahi, bogga 37aad.

[7] Alfikr Al islaami Al xadiith wa silatuhu bil isticmaar, DR.Max’ed Albahi bogga 41aad.

[8] Alsiraac bayna alfikrah alislaamiyah wal fikrah alqarbiyah, Abulxasan alnadawi, bogga 71aad.

[9] Mafhuumu tajdiid aldiin, Busdhaami Mux’ed Saciid, bogga 123aad.

[10] Alcasraaniyuun bayna mazaacim altajdiid wa mayaadiin altaghriib, Mux’ed Xaamid Alnaasir, bogga 80aad.

[11] Mafhuum tajdiid Aldiin bogga 126aad.

[12] Kitaabka hore laftiisa bogga 126-127aad.

[13] Kitaabka hore laftiisa bogga 129-130aad.

[14] Kitaabka horelaftiisa bogga 131aad.

[15] Alitijaahaat alxadiithah fil islaam, Rosskeen Gibb bogga 132-133.

[16] Mafhuum Taajdiid aldiin bogga 135aad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! Qaybta 2-aad "

  1. maxamed says:

    Ninka Riddada diiday, gacangoyntii tuugada diiday, Axaadiisti Rasuulka(csw) iyo qu’aanka qaarkiis xukun looma daliishan karo oo way duugoobeen yiri, Culumadi iyo asxaabtiba dhaleeceeyay, ibliiskii ilaahay nacladayna difaacay, rukniyadi xadka iyo jihaadkiba inkiraya, ribadi dadka ku boorrinaya, munaafaqiintii hore un buu ku biiraye haddii hanuun u qoran yahay ilaahay ha soo hanuuniyo, haddii uu qor nayn oo uu ehlu-naar yahayna ilaahay masiibo degdeg ah ha ku sallido..

  2. C/Raxmaan says:

    Salaan ka dib walaal ;Quraanku waa hadalka Allah waana risaaladii loosoo dhiibay Nebiga.Haddii taas la isla gartay waxaa la yaab ah in adiga iyo dadka kula mad-habta ahi aad xukunka Quraanka oo cad aad ka door bidaysaan xadiisyo ay dhici karto inaysan Nebiga ka sugnaan.Sida la ogyahay xaddiisku waa hadal dad badan midba mid ka weriyey,sidaa awgeedna aan marna la oran karin 100% waa sax kuwo dhif ah mooyee .Waxaa aan marna suuragal ahayn in Nebigu xukunka quraanka ku beddelay mid kale.Xukunka riddada,Rajmiga,gabdhaha yaryarka ah oo la guursanayo ayaa ka mid xukummada quraanka sida tooska u khilaafaya.In muslimiintu midba mid qoorta ka gooyo oo sheegto inuu jihaadayo waxaa sabab u ah xadiisyada sheegaya in murtadka la dilo.Mid kasta kan ka ra,yiga duwan ayuu gaal ku sheegay dhiiggiisana bannaystay isagoo xadiisyadaas daliishanaya.Shiicada iyo sunniga mid kastaa xadiisyo u gaar ah ayey uruuriyeen,quraanka oo laisku waafaqsan yahayna xukunkiisa waa laga tegay oo xaddiisyadaas ayaa laga door biday.Culimmadii hore waa dadaaleen laakiin khalad cad laguma raaci karo.Risaaladii Nebi Muxammed waa Quraanka.