Home » Faallo »

Mar unbaa mid lagu meelmariyo maahir noo kacaye! (qaybta 2aad)

Ibrahima inta uu sheekada ii waday mar wuu kacaa, marna wuu fadhiistaa. Mar intuu is ilaawo ayaa gacmaha iyo lugaha ka dagaalamaa Waxaanse aad uga calool xumaadaa marka aan arko indhihiisa oo ay ilmo ku istaagayso. Waa nin ciilan, aadna uga xun xaalka uu ku suganyahay dalkiisa, balse aan laheyn awood uu wax kaga qabto. Intaas waxaa usii dheer waxaa loo diiday inuu ka hadlo dhibaatadaas oo meel walbe waxaa taagan askari sirdoon ah oo afka dadka dhawraya. Malaheyga inuu caawa ii sheekeeyo waxay u tahay nafis oo warkan mudada dheer hayay, cid uun ka dhagaysato ayuu helay.

Ibrahima ayaa wali ku watee: xiligaas uu Thomas wadanka inqilaabay waxaan kamid aheyn wadamada ugu faqiirsan Africa, uguna wax soo saar yar. Intaas waxaa noo dheeraa dadkeena 70% waxba maqori jirin, mana aqrin jirin. Tabaha gumaysiga ayay kamid ahayd in dadka badankiisa laga ilaaliyo inay waxbartaan, kuwii waxbarasho usoo hanqal taagana waxaa loo dhigi jiray manhaj faransiiska lagu sameeyay, oo asna dabcan dadka bari jiray siday adoomo u noqon lahaayeen.

Ganacsiga iyo maciishada wadanka oo dhan waxaa gacanta ku hayo dhawr qof oo isku qoys kasoo jeedo. Kuwaas ayaa maalinta ay rabaana kor u qaada, markii ay rabaana hoos dhiga. Warbaahinta iyadana sidoo kale, sey u dhantahay oo dhan waxaa laga maamulaa Paris, oo wixii halkaas looga soo tabiyo ayay intey naash-naashaan sii gudbiyaan. Wargeysyada iyo telefishada ugu waaweyn ee wadanka waxaa iska leh, koox faransiis ah oo wadanka qarni ku dhawaad ku nooleyd.

Xaga ciidanka, dhamaantood waxaa soo tababaray faransiis. Waxaa kujira generaalo wax badan ku noolaa gacantooda, oo malaha la aantood aan noolaan Karin, maadaama ay danbi mid yar iyo mid weynba ka galeen dadka wadanka. Thomas asagoo il gaara isaga haya ciidanka ayuu xabsi ku guray wax alaale wixii uu kaga shakisnaa inay xiriir muuqda iyo mid qarsoon intaba la leeyihiin faransiiska, kuna badalay taliyayaal cusub oo uu markaas ku kalsoonaa(balse gadaal noqday abeesooyin uu soo dhaweestay).

Dhanka kale, waxaa wadanka oo dhan dadkii ku noolaa hada gashay rajo. Guuxa iyo rabitaanka dadweynaha ayaa noqday quwada ugu weyn ee ay ku xisaabtamayaan kooxdan inqilaabka dabartay. Meel walbe waxaa taagan dadweyne diyaar u ah, in loo jixeeyo wado ay kaga baxaan gumaysigan badan silica, gaajada iyo nolol xumada ay ku saganyihiin maantey.

Faransiisku, wali war cad lagama hayo, oo wuxuu taaganyahay la jiifiyaana banana la joojiyaana banaan. Hadii qolyahan ay guulaystaana aad dhexda kala sii qabsataan, hadii kuwii hore soo noqdaana kaba fiican. Waxay ogyihiin inay wadanka xidido gaamuray ku leeyihiin, oo si dhib yar lagu siibii Karin.

Magaca dalkeenu awal wuxuu gumaysigu ula baxay the upper volta, balse hada wuxuu Thomas ugu wanqalay magac cusub oo ah Burkino Faso oo micnaheedu noqonayo, (dalkii dadka daacada ahaa)

Geeso lo aad kuleelka ayaa lagu gooyaaye, Thomas oo kooxdiisii oo ka faa iidaysanayo naceebta loo qabay dawladii ay rideen iyo rabitaanka dadka ee isbadal deg-deg ah ayaa dadkii u jixeeyay labo meelood oo waaweyn.

Dhanka la dagaalanka faqriga iyo gaajada: waxay ogaayeen in Tabaha gumaysiga ay kamid tahay in dadka badankiis la ceyreeyo, si ay u noqdaan maato u nugul cadawgooda. Maadaama noloshooda oo dhan looga badalan karo xabad rooti oo ay ku noolaadaan hal maalin galinkeed.

Ibrahima wuxuu warqad ku qoray, ereyo af faransiis ahaa markii hore, balse uu ku turjumay ingiriis. Inkastoo ayna isku macno iyo macaan noqoneen hadana, waxaan suugaanteena soomaalida ka raadiyay ereyo u dhigma waxaan soo helay ereyada uu abqaadir Xirsi Yem-Yem leeyahay.

Faqrigu gogol qura ma dago

Abtiris beel kuma uu galo

Gayaan uma kala duwana

Ma guursado qaar hablaha

Gaduu uga bixi lahaa

Waxaa garan kara caqliga

Markii loo geeyo muruq

Inkayar 6 bilood ayay hoos u dhimeen 20% dadka ay noloshooda ka hoosaysay xariiqda faqriga. Dawlada ayaa u fulisay mashaariic dadkana ay shaqo ka helaan, dalkana ku dhismo. Tusaale ahaan, waxay dhismo ku bilaabeen wado tareen oo wadanka isku xirta, halkaas oo ay shaqo ka helaan dad badan oo u badnaa danyartii ku noolaa magaalooyinka caasimada ka fog.

Beeraleydii suufka ayay heshiisyo la galeen, lagu badaniyo wax soo saarkeeda, iyagoo dadkii reer miyiga ahaana ku booriyay inay dhulkooda beertaan. Awal markii beeralaydu ay wax beertaan, una soo go aan ayuu faransiisku keeni jiray macaawino aad u badan oo uu suuqa kaga xiro dadkii wax beertay. Balse markan dhag-dheer dhimatay dhulna waa nabad. Isku soo wada duuboo 2 sano kadib Burkino faso ayaa noqday dal isku filan oo dalagiisa iyo cuntadiisa laba soo saarto. Wax kale iska daaye suufka laga guro beeraha dhulkeena ku yaala ayaan waxaan ka samaysan jirney dharka aan xirano, oo xitaa uma aan baahneen inaan dhar dibada kasoo dhoofsano.

Thomas ayaa ka qaybgalay shir ay madaxda Qaarada Africa magaalada adiss ababa ku lahaayeen. Si uu Thomas Sankara u tusa Africa qaybaheeda kale isku filnaanta ay gaareen ayuu asaga iyo waftigiisiiba soo gashadeen dhar ay sameeyeen beeralayda iyo harqaanleyda reer burkino faso. Khudbad aad u qiiro badan oo kaga doodayay in aysan dalalka qaarada Africa ku yaal deyn ka qaadan bankiga aduunka ayuu goobta ka jeediyay, wuxuuna rabay inuu tuso madaxda in aysan Africa ahayn qaarad gaajo ah oo mucaawino u baahan, balse ay tahay qaarad ilaahay nicmo ku manaystay ee u baahan maskax iyo hami ay isaga dhiciyaan cadowgooda ugu weyn ee u diidan horumarka, waa reer yurube. Waxaa kamid ahaa ereyadan:
tomas2
Brothers, Let us produce what we need and consume what we produce, instead of importing goods. The Burkina Faso come here today to show you our locally produced cotton, woven in Burkina Faso and tailored in Burkina Faso to cloth our people. I, along with my delegation, I am dressed by our local tailors, our farmers. Not a single thread come from Europa or America. I am not presenting a fashion show here, but I simply like to say, that we must accept to life the African way. It is the only way to live in freedom and dignity.

Dhanka waxbarashada ayay ayadna culees xoog leh saareen. Kowdii horeba waxay tanag xashiishka ku dareen manhajkii la qoray xiligii gumaysiga ee wali la adeegsan jiray. Badalkeedana waxaa lasii isticmaalayay manhaj kumeel gaar ah inta mid weyn laga qorayo. Inkastoo horumar deg-deg ah aan laga gaarin xaga waxbarashada, hadana waxay hoos u rideen tirada dadka aan waxba qorin waxna akhrin.

Faransiiska oo sheeda kore kala socday qaabka wax u socdaan ayaa markan dareemay in xaalku aheyn sidii uu rajaynayay, oo dareemay in hadii burkino faso ay sidan kusii socoto uu waayi doono dal muhiim ah ku yaal galbeedka qaarada Africa.

LINK: https://somalitalk.com/tag/sankara/ – Qaybta kale ka akhri linkigaas..
Qore: Said mahamud muuse
Email: said.mahamud10 [oo ah @] gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Mar unbaa mid lagu meelmariyo maahir noo kacaye! (qaybta 2aad) "

  1. garaad says:

    maasha wadan ina khuseeya ayuu inoo dooray qoraagu, si qurux iyo farshaxanimo leh waa inoogu soo gudbiyey laakiin waxaan ka codsan lahaa haduu awoodo inuu la soo dhakhsado.

  2. wadani says:

    asc walla waa mahadsantahay marka hore walal aad ayan usoo gala wabseedkan ila 2002 ila adeeso walahi waxn ku jeca;ahy wax yabaha taariikhda ah fadan sheekada iala soo dhaqsoo waa yar rer kenya ah mahadsanid

  3. Jamac dhagey says:

    Waxaan akhriyay buug laga diyaariyay qaab nololeedka dawladaha africa, oo waxbadan qoraagu kaga iftiimiyay faaladiisa
    aad baan ula socdaa sheekadan ee soo dhamaystir