Home » Warar »

Dhibaatooyinkaay ciidamada Cawga itoobiya ku hayaan shacabka Ogaadeenya

Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 Oktober 2009.

· Dagaalo iyo iska hor imaad ciidan oo warinaayo meelo badan oo ogadenya ka mid.´
· Dhibaatooyinkaay ciidamada Cawga itoobiya ku hayaan shacabka Ogaadeenya
· Filimkii “Silent Cry” oo wadanka Finland soo gaaray.
· Gudiga Fulinta Ogaden Students Forum (OSF) oo shir isugu yimid.

Dagaalo iyo iska hor imaad ciidan oo warinaayo meelo badan oo ogadenya ka mid.´

Dagaalo iyo iska hor imaad Ciidanka Wadaniga Xoreeynta Ogaadenya iyo Ciidanka gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray goobo ka mid ah gobalada Ogaadeenya. Warar rasmi ah oon jiidda hore ka heley ayaa noo xaqiijiya in todobaadyaddii la soo dhaafey si weyn loo waxyeeleeyey ciidanka cadowga Itoobiya ee ku sugan ogadenya. Goobaha dagaaladu ka dhaceen een hada hayno ayaa ka mid ah.

20/09/09 Ula, oo katirsan G/Nogob, waxaa ciidanka gumeysatada Itoobiya laga dilay 4 askari, meesha 3 kalena lagaga dhaawacay.
isla 20/09/09 Riinjiga, oo katirsan G/Nogob, dagaal ka dhacay waxaa laga dilay ciidanka cadowga 5 askari, 2 na waa laga dhaawacay.
29/09/09 Magaalo Cad, oo katirsan G/Nogob, waxaa lagu dilay 3 askari, 7 kale waa laga dhaawacay ciidanka Itoobiya.
04/09/09 Balli Jigaar, oo katirsan G/Doollo, waxaa dagaal isku dhac ah oo kadis ah laga dilay cadowga woyaanaha 1 askari, 2 na waa laga dhaawacay.
05/09/09 Baar Weyn, oo katirsan G/Jarar, waxaa qudha lagaga jarey 3 askari waxana laga dhaawacay 3 kale.
06/09/09 Goojo, oo katirsan G/Shabeelle, CWXO ayaa hal habeen kaliya waxay mireen 2 jeer ciidankii cadowga ee halkaas deganaa. Waxaa ciidanka cadowga la gaadhsiiyey khasaare weyn oon faahfaahintiisa la haynin.
08/09/09 Salbalaadh, oo katirsan D/ Baabili, waxaa weerar gaadmo ah cadowga lagaga dilay, 2 askari, waxaa laga dhaawacay 3 kale.
08/09/09 Tayin, oo katirsan G/Qoraxay, waxaa ciidanka saamo la luudhka ah ee Itoobiya lagags dilay 3 askari, waxaa laga dhaawacay 2 kale.

22/09/09 General Ciidanka cadowga ah oo Harar looga yeedhay ayaa la shirqoolay oo meel dhexe loo galay halkaasna lagu dilay. Generalkan ayaa sida aan warka ku heley waxaa diley ciidanka Itoobiya waxana hadda arrintaas ka taagan buuq badan iyo dareen khatar ah.
22/09/09 Ciidan Hawaarin ah oo maxaysatadii la soo yabyabey ka mid tiradooduna dhan athay 200 ayaa goostey oo xeryihiina banneeyey. Ciidankan macaan jecelka ah ayaa sida la sheegay in mudo ahba sugayey waxoogaagii lacagta ahaa ee ay naftooda ku gateen, markii ay heleena goostey oo bowdka qalaaley.

Dhibaatooyinkaay ciidamada Cawga itoobiya ku hayaan shacabka Ogaadeenya

Waxaan marna hoos u dhicinGummaadka iyo boobka shacabka lagu hayo kaas oo had iyo goor kordha marka jabka ciidan woyaanahu kordhaba.
20/09/09 Dh/Madow, oo katirsan G/Jarar, waxaa lagu xidhay dad badan oo ay ka mid yihiin:
– Amina Maxamed Axmed
– Faa’isa maxamed Axmed
25/09/09 Barqomaal, oo katirsan G/Nogob, waxaa si xun loogu jidh diley
– Zakeriye Maxamud Cabdi
28/09/09 Fiiq, sidoo akle lagu jidh dilay oo nabaro xun xun lagu dhuftay haddana aad u il daran\ dadka ay ka midka yihiin:
– Cumar Siyad Sh Cali
– Carab Cabdullahi Xirsi
– Cabdi Ibrahim Dulmi
03/10/09 Bako, oo katirsan G/Jarar, waxaa lagu xidhay dad badan oo ay ka mid yihiin:
– Axmed Cali Cisman
– Buraale Cabdullahi Caraale
– Cali Axmed Dubbad
– Cabdi Axmed Yusuf
03/10/09 Cobosha, Baabili, waxaa hanti badan oo ay ka mid yihiin 2000 oo Bir laga dhacay:
– Cabdullahi Nuur
04/10/09 Hud Xagar, dad badan oo ku noolaa ayaa si xun waxyeelooyin kala duwan loogu geystey. Waxana dadkaas ka mid ah oon magaciisa helay:
– Sheekh Xuseen Sheekh Muxumed
– Takhal Muxumed
05/10/09 Faar Weyn, oo katirsan G/Jarar, waxaa lagu jidh dilay dad uu ka mid yahay:
– Maxamed Deeq Aw-Cabdi
– Maxamed Cali Maxamed
05/10/09 Fiiq, waxaa lagu jaaifeeyey:
– Khadar Cabdi Carte
– Fawsiya Sheekh Cabdi
– Maryama Aw-Axmed
05/10/09 Dh/Buur, waxaa lagu xidhay:
– Maxamed Cabdiqadir
– Koos (xaaskiisa)
07/10/09 Xamudhka, oo katirsan G/Nogob waxaa lagu dilay dad ay ka mid yihiin:
– Cali Sheekh Maxamed Haybe
– Ismaciil Sheekh Maxamed Haybe
Waxaa isla maalintaas Xamudhka si xun loogu jidh dilay:
– Maxamed Xirsi Dhuux
– Maxabo Axmed Xasan
08/10/09 Baabili, waxaa lagu xidhay dad ay ka mid tahay:
– Amina Xasan Cabdi
09/10/09 Xaraare, oo katirsan G/Nogob, waxaa dad badan lagaga dhacay hantidoodii. Waxaa ka mid ah:
– Mawliid Yusuf Yogol – 5000 bir laga dhacay
– Fadumo Farax Raage waxaa laga dhacay 3 dameer iyo badeeco badan oo saarayd.
09/10/09 Garbo, waxaa lagu xidhay:
– Fadumo Carab Sahal
– fadumo Cabdullahi Bile
10/10/09 Malayko, oo katirsan G/Nogob,waxaa lagu xidhay dadka ay ka midka yihiin:
– Dhuux Carab Xuseen
– Qoole Mukhtar
– Axmed Shukri sheekh Maxamed
10/10/09 Birqod, oo katirsan G/Jarar, waxaa lagu xidhay:
– Sanyare Sheekh Axmed Muxumed
11/10/09 Baabili, waxaa si xun loo jidh dilay, oo il daran, gabadh la dhalatay Amina oo la xidhay bisha 8dii. Waxaa la yidhaahdaa:
– Nimco Xasan Cabdi
12/10/09 Cobosha, Baabili waxaa lagu dilay:
– Maxamed Buraale Cabdi
– Ina Weli Madar

Filimkii “Silent Cry” oo wadanka Finland soo gaaray

Waxaa garoonka weyn ee Helsinki-Vantaa Airport ee caasimadda wadanka Finland ka soo degay wefdi dhalinyaro ah oo ka kooban afar xubnood iyo filimkii murugada lahaa ee Silent Cry.

Xubnaha wefdigan ayaa kala ah Cabdi Shukri Cumar “Qararaf”, Mustafa Xuseen Fooley “Daacad”, Cabdullahi Sheekh Shire iyo Axmed Cabdalla “TJ”

Wefdigan dhalinyarada ah ayaa waxaa si kal-gacaltooyo leh garoonka uga soo dhoweeyay gudoomiyaha ururka dhalinyarada Ogadenya ee wadanka Finland mudane Shaafi iyo xubno ka mid ah gudiga fulinta ee ururkaas.

Dhalinyaradan oo ah kuwii ka soo diyaariyay filinka la magac baxay “Silent Cry” ama “oohinta qarsoon” xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee wadanka Kenya, ayaa ujeedada socdaalkooda wuxuu yahay iney qaab muuqaal ah ugu soo gudbiyaan jaaliyadda reer Ogadenya ee ku nool wadanka Finland iyo shacabka Finland ee nabadda jecel tacadiga, dilka, xidhayga, bah-dilka, kufsiga iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo shacabka reer Ogadenya.

Dulmanayaasha filinka laga soo duubay oo ku nool xeryaha qaxootiga ee gobolka Waqooyi Barri dalka Kenya ayaa ah dad qaxooti ah oo ka soo cararay ama laga soo barakiciyay dhulkooda hooyo ee Ogadenya.

Maamulka iyo howl-wadeenada jaaliyadda ayaa maalmahanba waday olole ogeysiis iyo wargelin ah oo xubnaha jaaliyadda ay ku wargalinyeen filinkan iyo dhambaalka uu xambaarsan-yahay.

Maalinta Sabtida ah ayaa filinka lagu daawan doonaa hool weyn oo ku yaalla bartamaha magaalada Helsinki ee wadanka Finland, halkaas oo daawashada filinka ay ka soo qeyb-geli doonaan dhamaan jaaliyadda reer Ogadenya ee ku nool wadanka Finland iyo marti sharaf kale oo daawashada filinka lagu casuumay.

Sidoo kale filinkan ayaa la tusi doonaa Wasaaradda Arimaha Dibada ee wadanka Finland, ururada xuquuqul insaanka, iyo ururka bisha cas “Red Cross”

Filinkan ayaa ah fariin muuqaal ah oo cadeyn dhab u ah dhibaatooyinka gumeysiga Tigreegu uu ku hayo shacabka reer Ogadenya.

Gudiga Fulinta Ogaden Students Forum (OSF) oo shir isugu yimid

Maalinimadii axada ahayd taariikhduna ku beegnayd 11.10.2009 ayaa waxaa kulan isugu yimid maamulka iyo hawlwadeenada Ururka Ardayda Ogadenia ee loo yaqaano Ogaden Students Forum (OSF)

Kulankan ayaa waxaa loogu gogal xaarayay shir balaaran oo bishan 31da loo qaban doono dhalinyarada reer ogadenia ee ku dhaqan wadankan Uk iyo nawaaxigeeda.
Sidoo kale waxaa lagaga arinsanayay qaabkii ay dhalainyarada uga qaybqaadan lahayn horumarintaa hawlaha halganka iyo danaha shacbiga Somalida Ogadenia.

Maamulka oo aad u lafaguray una falanqeeyay ajendihii horyeelay shirka oo ay kasoo qaybgaleen G/fulinta ururku ayaa waxaa shiishka lagu saaray sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha uu cadawgu rabo inuu u adeegsado hawlihiisa islamarkaana lafashiliyo tabaha cusub ee cadawga.

Waxaa kaloo khadka is gaarsiinta kala soo xidhiidhay Hogaanka Warfaafinta JWXO N/hure Huseen Nuur oo si qota dheer uga warbxiyay waxyaabaha laga sugayo dhalinyarada isagoo ay hadaladiisii kamid ahaayeen; “ .. waxaan idiin sheegayaa in cadawga 1aad een leenahay uu yahay qof walba iyo naftiisa .. haduu qof walba naftiisa ka adkaado waa guul .. Maalinta ay koox inaga mid ah soo hoyiso guulo la taaban karo waa maalinta loo baahan yahay inuu qof walba naftiisa ka adkaado oo aanu u arkin guushaa inay tahay kama dambayse ay tahay un talaabo horay loo qaaday oo loo baahan yahay in aan lagu mashquulin”.
Shirka oo si heersare ah u dhacay ayaa ku soo gaba-gaboobay guul iyadoo la’isu diyaarinayo sidii loo qaban lahaa shirka 31ka bishan dhici doona.

Gudiga fulinta OSF ayaa hambalyo u diray shirwaynaha Dhalinyarada Scandenivian oo ka dhicidoonaa wadanka Sweden iyagoo u rajeeyay inuu guul ugu qabsoomo.

Radio Xoriyo

16 Oktober 2009

Mohamed Khadar

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Dhibaatooyinkaay ciidamada Cawga itoobiya ku hayaan shacabka Ogaadeenya "

  1. A. J. Maxamed says:

    Ha guulaysto gobanimodoonka dadka Soomaaliyeed iyo Jabhadda Xoraynta waddaniga ah. Insha Allah.

  2. abdinuur adan says:

    aad ayaan ogu farxasanahay marxalada uu marayo halkangena xaqa ah waana garabtaganahya markaste cidanka qalabka sida ilahay hanasiyo xornimo dag dag ah

  3. ali says:

    margasta oo dhibaato haleesho bulsho meel ku dhaqan waxaa lays weydiiyaa xagee ayeykatimi maxaa sababay kadibna iyo marka lafahmo asalka dhibkaiyo waxa keenay ayaa lays weydii sidee waxa looga qaban karaa. dilka dhaca kufsiga joogtada ah ee shacabkeena soomaaliyeed ku suganyahay maanta maaha mid bilaamay waqti dhow sida in badan oo garaad qabayaasha soomaalidu ogsoon yihiin. waxaase xusid mudan sedee waxlooga qaban karaa yaa xilka saaran yahy shacabka umadan soomali waa goorma marka lasoo celin karo xuquuqda sharciga ah ee dadkani leeyaahy

  4. Maxamed Soomaali says:

    Guul ayaan u rajaynayaa ciidanka wadaniga xoreynta ogaadeenya.

  5. max'ed cali says:

    aad ayaan ugu farx sanahay Qooraaladiina aad ugu raadi saan wax qabadka umada soomaaliyee ee Ugaadeeniye