Home » Warar »

Kulankii Baarlamaanka ee Kalsoonida loogu qaadi lahaa Golaha Wasiirada oo Baaqdey ka dib markii ay Xukuumada Shirdoon ka Cabsatey in ay Kalsooni ku weyso.

Iyadoo maanta oo Sabti ah la filayay in Golaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya la horkeeno Golihii Wasiirada ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaa waxaa ku yimid dib u dhac. Fadhigii Barlamaanka oo ay Maanta soo xaadireen Xildhibaanada Barlamaanka oo uu hor kacayay Guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawaari ayaa mar keliya Guddoonka Barlamaanka waxaa uu shaaca ka qaaday in dib loo dhigay Ansixintii Golaha wasiirada Cusub ee Xukuumadda.

Baarlamaanka ayaa markaa kaddib guda galay Qodobadii uu waayahanba ka hadlayay ee ahaa dib u Eegista Xeer Hoosaadka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sababeeyay dib u dhaca maanta ku yimid hawlihii Barlamaanku uu ku doonayay inuu ku Ansixiyo Wasiirada Cusub ee uu dhawaanta soo magacabay Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Shirdoon.

Xildhibaanadan ayaa ku macneeyay sababta dib u dhaca in la doonayo in Dawladda la soo dhamaystiro oo la soo magacaabo mar keliya Wasiiro ku Xigeenadii iyo wasiiro Dawliyaashii. Arrintan ayay ku sheegeen Xildhibaanadaas Baarlamaanka la hadlay in ay dhici lahayd haddii aan Dawladda la soo dhamaystirin in Xildhibaanada ay hor joogsadaan ama aysan siinin codkooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambaba waday Ololayaal ay ku doonayeen in ay hor joogsadaan Golahan wasiirada ee la soo magacaabay maadaama aysan iska dhex arkayn iyadoona la filayo in qaybaha Dawladda ka harsan lagu soo daro xildhibaanada kacsan.

Arrimahan ayaa waxa ay imaanayaan xilli Maalinimadii Shalay oo Jimce ahayd ay Xildhibaano gaaraya illaa Lixdan ay fadhi ku yeesheen Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho taasoo ay sii kaabayso Carada Beelaha qaarkood ka haysa Wasiiradan la soo magacabay oo aysan iska dhex arkin.

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu Baarlmaanka hortiisa ka jeediyay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumaddiisa ku soo dhamaystiro illaa Todoba iyo Tobanka Bishan oo iminka muddo Todobaad ah ay naga xigto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.