Home » Warar »

Gaas oo Xilkii Ku Wareejiyey Shirdoon

Cabdiweli Gaas oo Xilkii Ra’iisul Wasaaraha si Rasmi ah ugu Wareejiyey Cabdi Faarax Shirdoon

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Xukamadda Soomaaliya ayaa maanta Oct 18, 2012 ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Munaasibaddan oo ahayd mid ay xilalka kula kala wareegayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa waxaa sidoo kale halkii ay ka dhacaysey ku sugnaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ugu horeyntii halkaa khudbad ka jeediyay ayaa waxaa ka warbixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii uu hayay xilka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

Gaas ayaa sheegey in waxyaabo badan ay qabteen isagoona si gaar ah u soo qaatay taaba gelintii Road Mapka iyo Dastuurkii qabya qoraalka ahaa oo ay Xukuumaddiisu meel marisay (si Kumeel gaar ah).

Cabdiweli Gaas ayaa sheegey in Dowlada Cusub iyana uu sugayo in hirgeliso Road Map cusub kaasoo uu sheegey in uu yahay sidii Dalka ugu soo Dabaali lahaayeen Doorshooyin Xor ah oo ay ka qayb qaataan Xisbiyada Wadanka taasoo uu ku tilmaamey mid u baahan Dhabar adayg Qorshe Rasmi isagoo sheegey in Waqtiga u harey uu yahay mid aad uu yar yahay maadaama waxa sugaya ay yihiin kuwo aad u badan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumaddii ku meel gaarka ayaa Dukumintiyo kala duwan ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya kaddibna iyadoo Xafiis xafiis loogu soo wareejiyay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.

Si kasta ha ahaatee Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 18ka Oktoobar wuxuu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii u horeeyay oo muddo kaddib noqda rasmi, ka gadaal markii maalinimadii shalay Xildhibaanada Baarlamaanku kalsoonida ay siiyeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gaas oo Xilkii Ku Wareejiyey Shirdoon "

  1. Yassin Haji says:

    Asckm Waa Ilaahey mahadiis hadii labo Raiisul Wasaare oo Soomaaliyeed ay si Soomaalinimo Wadaninimo iyo Walaaltinimo ay xilkii Qarankeena is kuugu wareejiyeen Sidii ay horay usameeyeen labadii Madaxweyne 16/9/2012 dhamaan waa wax lagu farxo hadaba Soomaaliyeey ogaada ma nihin Dad xun oo is neceb laakiin Waxaanahay Walaalo uu Cadaw is ku diray si uu Cadawgeena dan tiisa gaar ka ah u fushado ayuu ka shaqeeyay mudu dheer oo gaareysa ilaa Hal Qarni Laakiin Soomaaliyeey ogaada Sidaan u Aradanahay uma ALLE li in waxaan Ilaahay ka baryaa in uu wanaaga biloowday si qeyr qaba noogu wado Ilaaheyna ha soo celiyo Walaaltinimadeeni iyo is jecely keenii SOOMAALI nimo.
    Wabilaahi Towfiiq. asckm.