Home » Warar »

Ciidamo Dheeraad ah oo ka Socda Dawladda Kenya oo ku soo Fool Leh Magaalada Kismaayo

Ciidamada Kenya ee ku Sugan Kismaayo oo Kaluumeysatada Kismaayo ka hor joogsadey in ay Xeebahaas ka kaluumeystaan

  •  “Waa yaab maanta Ma ciidamo Kenyaati ah ayaa noo diidaya in aan Baddeena ka kaluumeysano waa Gumeysi aan Geedna loogu soo Gamban waxaan leeyahay Shacabka Soomaliyeed waa in ay ka dhiidhidaan Calool u shaqeystayaasha Cusub ee u Adeegaya Gumeysiga Qarnigaan”, kalluumayste Soomaaliyeed oo loo diidey in uu xeebta Kismjaayo ka kalluumaysto….

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Tiro Ciidamada Dalka Kenya oo wata Gaadiidka dagaalka in ay ku soo jeedaan Magaala Xeebeedka Gobolka Jubada hoose ee Kismaayo. Goob joogayaal ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasey illaa Sagaal Boqol oo Askeri in ay wataan Gaadiidka Dagaalka oo Taangiyo ay ka mid yihiin.

Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo gudbeen Degmada Afmadow iyagoona ku soo jeeda Magaalada Kismaayo si ay halkaa ugu biiraan Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa gudaha Magaalada Kismaayo. Ciidamadan ayaa lagu sheegey in ay xoojin u yihiin Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa Magaalada kismaayo. Militariga Dawladda Kenya oo dabayaaqadii sanadkii hore soo galay Ciiddaa Soomaaliya ayaa muddo hal Sano kaddib waxaa dhawaan u suurta gashay in ay soo gaaraan gudaha Magaalada Kismaayo iyagoo kaashanaya Ciidamada dawladda iyo kuwa Raas kaanbooni.

Soo gelitaankii Ciidamadaas ee Magaalada  Kismaayo ayaa muran halkaa ka dhalisay ka gadaal markii la isku qab qabsaday ciddii Maamulka Magaalada qaban lahayd. Shalay ayay ahayd markii Maamul ku meel gaar ah loo sameeyay Magaalada Kismaayo in kastoo maamulkaas uu yahay mid aan lagu wada qanacsanayn isla markaana uu jiro khilaaf arrintaa ku aadan oo ka soo yeerayaan  Dadka asal ahaan ka soo jeeda Gobolkaas.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in Kaluumeysata Magaalada Kismaanyo ay la soo gudboonaatey Shaqo la’aan ka dib markii Ciidamada Kenya ay diideen in ay ka kaluumeystaan Xeebaha Kismaanyo ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegeen in kaluumeysato isku daydey in ay ka jilaabtaan Xeebahaas la xir xirey qaarkoodna lagala wareegey Doomihii ay ku kaluumeysanayeen.

Mid ka md Kaluumeystada Kismaayo oo diidey in Magaciisa loo adeegsato Saxaafadda ayaa ku qayliyey “Waa yaab maanta Ma ciidamo Kenyaati ah ayaa noo diidaya in aan Baddeena ka kaluumeysano waa Gumeysi aan Geedna loogu soo Gamban waxaan leeyahay Shacabka Soomaliyeed waa in ay ka dhiidhidaan Calool u shaqeystayaasha Cusub ee u Adeegaya Gumeysiga Qarnigaan”.

“Militariga Kenya waqtiga ay ku jirayaan gudaha Soomaaliya waa mid aan lahayn muddo cayiman….” Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Kenya

Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo baxaysa Qaraxyo Xalay Fiidkii ka Dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee carriga Kenya ayaa sheegaya in Xalay Fiidkii laba qarax oo is xiga in ay ka dhaceen halka loo yaqaano Juja Road ee xaafadda Islii ee Magaaladaas.Qaraxan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Madaxii Saldhigga Boliiska Xaafadda Islii iyo laba ka tirsanaa Ciidamadiisa.

Qaraxa hore ayaa la sheegey in waqti yar uun ka hor Sideediii Fiidnimo uu ka qaraxay goob Qashin qub ahayd ha yeeshee Daqiiqado kaddib ay halkaa soo gaareen Ciidamada Boliiska kuwaasoo isku xeeray goobta uu qaraxu ka dhacay.Imaatinkii Ciidamada Boliiska kaddb ayaa halkaas waxaa ka dhacay Qarax Nooca Sheeda laga hago kaasoo sababay Khasaaraha dhaawac ee soo gaaray Saraakiishaas ka tirsaneed Ciidamada Boliiska.

Dhaawaca Saraakiisha Boliiska oo laga deyrinayo ayaa markiiba loola cararay Isbitaalada Magaalada Nairobi halkaasoo iminka lagu dabiibayo. Warku waxaa uu intaa ku daray in qaraxa kaddib Kooxo dhallinyara ah oo derbiyo Jiif u badan in ay dhagaxaan la dhaceen goobihii ganacsiga ee Soomaalida xaafadda Islii.

Soomalida ku dhaqan xaafadda Islii ayaa waxaa soo wajahay cabsi iyo wel wel badan qaraxa kaddib iyadoo Ciidamada Boliiskuna ay bilaabeen markiiba hawl galo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay Xaafadda Islii ee Degmada Kama-Kuuja.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ciidamo Dheeraad ah oo ka Socda Dawladda Kenya oo ku soo Fool Leh Magaalada Kismaayo "

  1. waa arin aad looga xumaado in aysan wakhti ka bixida lahayn ciidamada kenya ee soo galay somalia gaar ahaan jubooyinka