Barnaamijka BBCHARDTalk oo waraysi (Oct 5, 2012) la yeeshay ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Kenya, ahna musharaxa madaxweynaha, Musalia Mudavadi, ayaa waxa laga weydiiyay muddada ay ciidamada Kenya ku jirayaan gudaha Soomaaliya, waxana uu si qayaxan u sheegay in ay weligood ku jirayaan Soomaaliya.
Weriyaha oo arrintaas ka xaqiijinaya ayaa yiri “Si arrintu iigu kala caddaato, marka aad eegtid Soomaaliya maanta, militariga ay Kenya u dirtay gudaha Soomaaliya ma mid aan waqti cayiman lahayn oo weligiis ah miyaa?
“Waa mid aan waqti cayiman lahayn, oo weligiis ah” ayuu kaga jawaabay ra’iisul wasaare xigeenka Kenya, Musalia Mudavadi, oo u sharaxan xilka madaxweynanimada Kenya doorashada la qaban doono March 2013.
Mudavadi hadalkaas waxa uu sheegay kaddib markii ay Soomaaliya yeelatay dawlad rasmi ah, ilaa haddana DFS ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Maxamuud wax jawaab ah kama soo saarin xilliga ay ciidamada Kenya ka baxayaan gudaha Soomaaliya.
Hoos ka daawo Video-ga:
http://youtu.be/4UwbthmI394
Sawirka hoose waa ciidamada Kenya oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
Madaxweynaha DFS oo ka qayb galayay dabaaldegga madaxbannaanidii Uganda ayaa Kampala kula kulmay madaxweynaha Kenya, warbaahinta Villa Somalia wax faahfaahin ah kama bixin kulankooda waxyaabihii ay ka wada hadleen.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.