Home » Warar »

UN, EU, AU, Gaas iyo PL oo soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare Shirdoon

Qaramada Midoobay , Midowga Yurub, Midowga Afrika, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo si isku mid ah u soo Dhaweeyay Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Shirdoon

Iyadoo maalinimadii Shalay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa arrintaa waxa si weyn looga soo dhaweeyay Caalamka.Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Mahiga ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha loo magacabay Cabdi Faarax Saacid isagoona intaa sii raaciyay in uu la shaqayn doono Mas’uulkan Cusub.

Mahiga ayaa farta ku fiiqay in dadaalkii Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu u galay xulidda Ninkii qaban lahaa Jagadaas inuu ku guulaystay isla markaana mudadii loogu tala galay uu ku soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha. Ergeyga ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya in uu la yimaado wax qabad dhab ah isagoo ka faa’ideysanaya xilliga kala guurka ah waa siduu hadalka u dhigaye.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa isaguna Hambalyo iyo bogaadin u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya isagoona sheegay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay sidii uu uala shaqayn lahaa Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya. Ergayga Midowga Yurub ayaa intaa ku daray in Ra’iisul Wasaaraha xiligan looga fadhiyo inuu soo dhiso xukumad wax ku ool ah isla markaana horseedda is bedel dhinaca Siyaasadda Soomaaliya ah.

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii ku meel Gaarka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ay yeelatay.Dr Gaaz oo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha kaddib hadlay ayaa sheegay inuu si weyn u garanayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub Shakhsiyan isla markaana ay ka dhaxeysey Saaxiibtinimo isagoona dareen wanaagsan ka muujiyay in Ra’iisul wasaarahan cusub uu xilkiisa ka soo dhalaali doono.

War Saxaafaded ka soo baxay Xarunta Maamulka Pundland ee Garoowe ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Raiisdul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad waxaa War Saxaafadeedkaas lagu sheegey in Maamulka Pundland uu soo dhoweynayo magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia (hoos ka akhri warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran).

Midowga Afrika oo Ciidamo ka joogaan soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyey Raiisul Wasaaraha Cusub Cabdii Faarax Shirdoon, wuxuuna Ururka uu sheegeyn in ay taageero weyn ay siin doonaan Dowladda Cusub ee haatan ka hana qaadey dalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa u qornaa sidan:

Puntland State of Somalia, Garowe

7 October, 2012

War-saxaafadeed

Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.

Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.

Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.

Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]

sida:

• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,

• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah

• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

-Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DPL

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.