Home » Warar »

Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

“Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa u qornaa sidan:

Puntland State of Somalia Garowe

Dowladda Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

WAR SAXAAFADEED

8 September 2012

Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysa dhaqanada ku salaysayn khalkhalgelinta, musuqmaasuqa, iyo handadaada maalmahaan ugu dambeeya ka socda habka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay door weyn ka ciyaartay hirgalinta Barnaamijka Roadmap-ke ee Dhamaystirka Xilliga KMG ah, iyadoo Puntland ku qabatay magaalada Garowe Shirarkii Qaran ee Dastuurka iyo iyadoo door muhiim ah ka qaadatay Shirarkii Saxiixayaasha ee lagu qabtay magaaloyinka Galkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi.

Tixraac war-saxaafadeedyadii Dowladda Puntland ee:

10 June 2012, Puntland waxay ka digtay qaswadayaasha ka soo horjeeda tubta nabadda ee dalka Sooomaaliya;

4 July 2012, Puntland waxay taageertay dhisitaanka iyo dhamaystirka Maamullada Federaalka, sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya;

26 August 2012, Puntland waxay ka digtay faragelinta joogtada ah ee qaabka xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka; sidoo kale, Puntland waxay magacawday Guddiga Arrimaha Federaalka oo dabagala arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Federaalka;

28 August 2012, Puntland waxay soo dhaweysay doorashadii Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Cismaan Jawaari waxayna ku boorisay Gudoomiyaha cusub inuu sii ambaqaado ajendaha Baarlamaanka, oo ku salaysan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo ay u muuqatay dib usoo noolaanshaha xulafaysiga siyaasiyiintii fashilmay, Puntland waxay ku boorinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inay dalka ku jiheeyaan waddo cusub oona doortaan siyaasi aaminaad leh, hufan, una qalma jagada Madaxweynenimada iyo Rai’sul Wasaarenimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysaa doorashada siyaasiyiin hore loo tijaabiyey kuna fashilmay xilkii Qaran oo loo igmaday, iyagoo ka doorbiday danahooda gaar-ahaaneed iyo iskudirka iyo soo nooleynta colaad bulshada dhexdeeda ah, taasoo soo celineysa burburkii Soomaaliya.

Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland.

Puntland President Office
Email: plpresidencyg@hotmail.com
Office: +252 90 — 794312 / 794040 / 790999 / 794597 / 799128

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya "

  1. @ Shire Warsame,

    Qoraal ayaad soo qortay oo aan macno iyo wanaag midna xambaarsaneyn, kaaga sii darane aan si cilmiyeysan xataa aadan u iftiimin eedda aad tirsaneyso. Waxyaabaha aad ka hadashay qaar waa sax oo dadka dega Puntland qaar ka mida waliba tiro aad aqaliyaat u ah waa ku eedeysan yihiin inay khalad Soomaali weyn ka galeen laakiin taas macnaheedu maahan in ummaddaas oo idil ay dulmi iyo dhibaato raali isaga yihiin, haddii ay yiraahdaan waan go’eynaana waa ummad xor u ah inay dantooda iyo aayahooda ka tashadaan oo taas adiga kuu soo hoos fadhiisan maayaane ayagaa go’aansan kara.

    Midda labaad ee aad leedahay hore usii wata kuwa Galgaduud iyo Mudug degga, ma hilmaansan tahay in dadkaasu yihiin dadkii kuu ogolaaday inaad maanta iska nacnacleyso oo waxaad rabto tiraahdo waayo xamarta aad sheegeyso iyo koonfurta baase baladu degtay inay wiil iyo maalba ku waayeen kuuna keeneen inaad maanta iyagii abaal gud sidaa uga dhigto maah maah fac weyn oo Carabi ah ayaa oran jiray nacas waligaa ha walaashan!
    Dadka reer Puntland iyo dadka Galgaduud iyo Mudug nacas bay walaashadeen oo Soomaali dhaba moodeen markaasuu illeen aqoon iyo caqliba malahee wax kasta daleeshaas geeyey.

  2. Sheegoow says:

    Asc Walaal Camir ugu horeyntii aad ayaan ku salaamaya waana kaaga mahad celinaya sida wacan oo aad u cabirtay fikirkaaga ku aadan Puntland. Somaliya waa Dad isku wada isir ah Ama Qaraabo dhow isu ah Isu dhaxa, isdhala, isla dega aqoon durugsan iskuleh. Hadaan siyaasad Puntland aqoonta yar aan u leeyahay soo koobo meel eey kaga xustay ma jirto tariikhda somaliyeed ineey wanaag doon tahay ama aheed Weligood Mamuus qabyaalad ku saleysan iyo Dana qabiil ama shaqsi ayeey ku shaqeen jireen siyaasiyiinteeda. Hadii aan ku siiyo Tusaale; Tariikhdi aan ka hadashay oo aheed lixdamadkii dowladii u horeysay oo la dhisay dadka aad shegeyso ee Waqooyi iyaga ayaa ka dafay sadkooda iskuna dayeyna ineey doodsiiyaan ayadoo eena jirin Baraarug Qabyaaldeed xiligaa qarankiina uu markaa curtay. Dorashadii danbe ee dhoora sano kadib aheed uu kusoo baxay Mudane Abdulrashiid Ali sharmarkee Allaha u naxariistee waxaa dhex maray wada hadal ku saleysanaa is afgarad qaab Beleed ama qabiil ah eey wadeen siyaa-siyiinta Puntland ee beriga waana Tan maanta laga dhaxlay qabyaalada quranka ah oo qaranka somaliyeed la dagtay waana tan puntland iyada dhexdeeda u dishay ninkii madaxda dalka ahaa Sabab qabyaladeed darteed . Dowladihii ka danbeyana qaab Qabyaalad ah ayeey ula dagaali jireen waxba yaanan ku dheeran tariikh wax badan laga ogyahay somali dhan ka dharagsantahay waxaan kusoo gaabinaya berigaa wuu tagay hada waa duni cusub Qabyaaladana tii eey berigii wadeen oo eey dadka bareen mid ka xun baa ka danbeysay .

    Talo soo Jeedin: waxaa wacan ineey Puntland indhaha kala furto Hanaanka nabada iyo Dowladnimada dhinac ka raacdo. Shacabka somaliyeed oo maskiinka ah wax badan wuu eegay siyaasad beeleedka aan arxanka laheen ee aan Ladaboolin xitaa lakiin hada waxeey mareysaa in sayiisad xumada ku salaysan cadaawada eey garanayaan Saqiirada am caruurta yar yar Xaalada ha khiimeyso Siyaasad badalana hala timaado. Allow Dad Caafimaad-qaba iyo Dal-Nabadaa. Amiiiiiiiiiiiin

  3. Waa wax laga xumaado in reer Puntland ay maanta yiraahdaan waan go’aynaa. Waxay Soomaali badan dhiiggooda u daadiyeen raadinta Soomaaliweyn, marka, in maanta waxoogaagii lahayey sii kala gooyaan sida Somaliland waa ayaandarro.
    Haddaan ka hadalno, dambiyada laga galay ummadda Soomaaliyeed, reer Puntland waxay ka qaateen kaalin weyn, waayo waa nimanka Itoobiyaan soo gashay Muqdisha oo ku xasuuqay, inkastoo, reer Muqdisha ay aakhirkii jabiyeen duulaankii Xabashida iyo reer Puntland, oo ay bartii Muqdisha ahayd ku hareen halyeeyadeedii iska lahaa, Alxamdu LiLLaah.

    Walaalayaal, haddaad maanta ku adkaysataan waan go’aynaa, dad badan baa aaminsan inay Somaaliya ay ka bogsanayso dhibaatadiina, hase ahaatee. ilma adeerayaaloow horay isku raaca oo u wada goosta idinka iyo reer galmudug. Taas waxaan ka wadaa, waan oggolnahay Soomaalida degta laga billaabo Matabaan illaa iyo badda cad inay samaystaan dawladdooda u gaarka ah, taas waxay nasiinaysaa, intaanadan soo hartay inaan adduunka la jaadqaadno. Ilma adeerayaaloow, jiif iyo joogaba waad noo diideen, haddana waan goosanaynaa baad leedihiin, mana haysataan dhaqaalo aad ku dhaqdaan dadkiina, ee xagged wax ku waddaan?

    Dhul abaar ah ayaad degtaan khayradkii Soomaaliyeedna illaa iyo lixdankii indinkaa cunayey, oo kolba ,isku haystay, ee haddaad koosataan, dhib weyn baa naga hari!

    Walalayaal, waxaan idin kula dardaarmayaa uun , hala midoobina Amxaarada aad jeceshihiin, maxaa wacay, kama sabri karno dhulka iyo dadka ay horay nooga haysteen. Idinkuse, dhista dawladdiina idiin gaarka ah, annaguna walaaladiin oo idin garab degen baan noqonaynaa???
    Fadlan, ha illoobina inaad horay ulasii goosataaan, Soomaalida deggen Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo sidiina oo kalae aan khaatir ka taaganahay.

    Haddaad nalasii joogtaan, barrina waxaa laga yaabaa inaad uun isku qabqabsataan saldannada Soomaaliya oo aan mar kale burburno.

    Calaa ayi xaal, caqligii lixdankii mashaqaynayo, maxaa yeelay, dadka Soomaaliyeed waxay heleen waxbarasho iyo aqoon, tan kale waxay ogaadeen inaan cudud millatari lagu qasbi karin, ee ilma adeerayaaloow kuwii idinka xoog badnaa baa waddo lamriyeye, nabad kula noolaada walaaladiina Soomaaliyeed haddii kale nabadeey, hase illobina Galgaduud iyo Mudug inaad sii kaxaysaan !!!!!!!!!!!!!!

    Nabadeey Walaalayaal.

  4. caamir says:

    waxay aniga ila tahay Puntland waa soomali waana dad jecel inay dalku dego oo uu yeesho dawlad taama oo taaba gasha ilayn iyaga iyo soomaliba dan baa ugu jirtee laakiin waxay aad uga xun tahay oo aanay aqbalayn in Qabqable ama kaabe Qabqable uu si qabiil ku yimaado xukunka soomaliya waana wax iska caadi ah , hba walaal waa inaad fahamtaan welwelka Puntland ,.
    Xusuus.
    Puntland ilaa dawladii Aadan cade ilaa Cabdirashiid waxay ku jirtay soomaali ururin, waxayna diiday Faquuq , xataa 60aadkii markii waqooyiga soomaliya la faquuqay oo lasiiyey halwasiir waa iyaga dadka u magcaabay raiisal wasaaraha si aanay soomaliyi u kala go’in maantana waxay wadaa isu keen , waxaana ku raacsanahay inaan la dooran nin dhiigya cab ah ama dhiig yacab lasoo shaqeeyey .

  5. Sheegoow says:

    Walaahi waa wax lagu qoslo . Puntland Iyada waxeey mooda somalia ineey ka Taliso Kaligeed Dabeey ku edeynee ineey qaladaad wadaan iyadaan qiraneyso ineey doneyso qas iyo Daneysi keli ah . Somalia cidii qas wado waa eey ka marantaa waxaan dhihi lahaa Puntland Ma waxaa idinla qurux badnaatey hadii aad cidii aad dabada kariixeyseen aad qabiilka ku wadaan in siyaasad ahaan laga adkaan rabo inaad u tilabsataan dhankii qaska ee ahaa wax aan danta puntland aheen nama maraan . waxaaba kasii yaab badan inad qirateen Dastuurki somalia qeeb ka ahaanshahiisa hadanee aad shegeysaan inaad Buridoontan hadii aad danihiina ka weysaan. Cid walbo oo is taag taagto ama kibirto marbeey Jabi doontaa waxaa idinla gudboon inaad Dastuurka somaliyeed oo loo wada dhanyahay sida aad sheegteen aad racdaan hadii kale waa markii aad ku hoog iyo fashil u danbeyn laheedeen. Allow Dad Caafimad qaba iyo Dal-Nabadaa. Amiiin