Home » Warar »

Xildhibaanada Barlamaanka oo Fududeeyay Shuruudaha looga Baahan yahay Musharaxa Madaxtinimada Soomaaliya.

Qodobka Dastuurka KMG ee qeexaya in Musharaxa isu soo taagaya Jagada Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in uu saxiix ka haysto illaa Labaatan Xildhibaan waa adkaaday, sidaa darteed waa la khafiifiyey oo waxaa laga dhigay in musharaxu helo saddex xildhibaan….

Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in la fududeeyay Shuruudihii Musharaxa u Tartamaya Jagada Madaxweynaha Soomaaliya Afhayeenka ayaa sheegey kulankii ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in si weyn looga dooday Qodobka 89aad ee Dastuurka Farqaddiisa Sedaxaad oo muran badan uu ka taagnaa.

Libaax ayaa sheegey in qodobkaasi uu qeexayo in Musharaxa isu soo taagaya Jagada Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in uu saxiix ka haysto illaa Labaatan Xildhibaan. Cusmaan Libaax ayaa sheegey in qodobkaasi aad u adkaaday isla markaana aysan dhici karin in musharax walba uu helo Labaatan Xildhibaan Saxiixooda sidaa darteedna dood dheer kaddib Xildhibaanadu ansixiyeen in xildhibaan walba uu Seddax Xildhibaan Sharixi karo.

Arrintan ayuu afhayeenku ku tilmaamay mid si weyn u fududeyneysa culeyskii dhinacaas ka haystay Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya taasoo si weyn ay u soo dhaweeyeen Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya xiligan u taagan. Cusmaan Libaax ayaa sheegey in iminka la qeexay qodobkaas oo markii hore aan si wanaagsan u qeexneyn haatanse wixii ka dambeeya uu yahay mid uusan muran ku jirin.

Afhayeenka Guddiga Doorashada ayaan dhinaca kale kama hadlin Lacagaha uu Guddigu ku xiray Musharaxa oo gaaraysey Toban Kun oo Doolar taasoo Musharixiinta qaar ay ka cabanayeen sheegayeena in loogu danaynayo dad gaar ah oo Dhaaqalahaas bixin kara.

Isku soo wada duuboo Maanta oo ay Bishu tahay 3 ayaa la filayaa in ay bilaabanayso qabashada Araajida Musharixiinta xilkaas isu soo taagaysa, taasoo soconaysa muddo seddax maalmood ah sida ay sheegtay Maryan Cariif oo ah Guddoomiyaha Guddiga loo xil saaray soo diyaarinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.