Home » Warar »

Dagaalo ay iskaga horyimaadeen Ciidamada WXO iyo Cidamada Gumaysiga Itoobiya.

Dagaalo ay iskaga horyimaadeen Ciidamada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya iyo Cidamada Gumaysiga Itoobiya.
Xubin katirsan Congresska maraykan ka oo u diray dhanbaal ururka Codka Nabada Ogadenia
Filinkii silent Cry Oohinta qarsoonayd oo indhaha caalamka ku soo jeediyay xasuuqa ka socda Ogaadeenya.
 
Dagaalo ay iskaga horyimaadeen Ciidamada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya iyo Cidamada Gumaysiga Itoobiya.

 
Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama jiida hore ee dagaalada u dhexeeya Ciidanka Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya  iyo Ciidanka gumaysiga Itoobiya ayaa noo soo tabiyay dagaalo badan oo jab laxaadle loogu gaystay Ciidamada naflacaariga ah ee sida qasabka ah lagu keenay gobalada Ogaadeenya.
Dagaaladan oo ka dhacay gooba kala gadisan ayaa waxaa kamid ahaa.
 
18/09/09 Dagaal ay isaga horyimaadeen ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada cabudhiska gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay mesha la yiraahdo  Wijiwaaji,  oo ka tirsan G/Qoraxay, ayaa waxaa Ciidamada cadawga lagaga gubay 2 Baabuur, kadib markay cagaha wax ka dayeen ayna u adkaysan waayeen holaca rasaasta ciidanka geesiga ah ee Xoreeynta Ogaadeenya. 
 
13/09/09 Dagaal gaadmo ah oo ay CWXO ku qaadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa  Dig, oo ka tirsan Gobalka Jarar, ayaa Ciidanka Cadawga Itoobiya lagaga dilay 4 askari waxaana lagaga dhaawacay 8 Askari oo kale.
 
13/09/09 Dagaal gaadmo ah oo ay la beegsadeen koox ciidamada wadaniga xoraynta katirsa ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaa Maankuule, oo ka tirsan G/Nogob, waxaa cadowga lagaga dilay 1 askari.
 
17-18/09/09 Dagaal mir ah oo ay CWXO ku qaadeen Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee gu sugnaa   Garbo, oo ka tirsa  G/Nogob, ayaa khasaare xoogan loogu gaystay. Dagalkan oo habeenimo lala beegsaday Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ayaa inta la hubo lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 8 Askari oo kale
 
 
19/09/09 Ciidanka wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ayaa gabi ahaanba gacanta ku dhigay saldhiga Ciidamada Cadawga Itoobiya ay ku lahaayeen   Laga Hidda (Gabriille), oo ka tirsan G/Nogob. waraku waxay intaas ku darayaan in qalab aad u tirabadan oo ay ka caraeern ciidanka qasabka ku jooga Ogaadeenya ay la wareegen Ciidamada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya oo hada maamulaya Dagmada Lagahida.
 
 23/09/09 Iska horimaad dagaal oo ku dhexmaray koox ka tirsan Ciidanka wadaniga Xoraynta Ogaadenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa  Farmadow, oo ka tirsan G/Jarar, Waxaa cadowga lagaga dilay 2 askari waxaana laga dhaawacay 4 Askari oo kale.

 
Xubin katirsan Congresska maraykanka oo u diray dhanbaal ururka Codka Nabada Ogadenia
 
 Susan A. Davis oo ah xubin katirsan kongareeska gudigiisa Xooga qalabka sida, qaybta arimaha ciidanka ayaa dhabaal bogaadin ah u dirtay Ururka Codka Nabada Ogadenia iyo Macadka Joan B.Knoc ee nabada iyo cadaalada oo isugu yimid shir sanadoodkoodii sadexaad.
Marwo suusane ayaa waxay warqadeeda kubilawday,”waxaa sharaf ii ah in aan salaan iyo bogaadin u diro Ururka codka nabada Ogadenia iyo macadka Joan B.Knoc ee nabada iyo cadaalada  ee isugu yimid shir sanadoodkoodii sadexaad ee ay kaga hadlayaan xaalada siyaasadeed iyo tan aadaminimo ee Ogadenia.
Marwada oo hadalkeeda siiwada ayaa waxay tidhi “anigoo ah xubin katirsan congaresska Maraykanka waxaan aad u soo dhawaynayaa dadaalka aad ugu jirtaan in aad soo bandhigtaan dhibaatada kajirta Ogadenia.
Isukeenida siyaasiyiinta aqoonyahanka, indheergaradka iyo cidkasta oo arinkani khuseeyo si ay isudhaaf sadaan aragtidooda ayaa ah talaabo horseedaysa in la gorfeeya dhibaata haysata dadka Gobolkaas(Ogadenia)
.
Marwadan ayaa warqadeeda ku soo gunaanaday” jalayaal Ogaada dadaalkaad wadaan  waa mid  keeni kara isbadal waana mid ay bulshadayadu danaynayso”
 
 
Filinkii silent Cry Oohinta qarsoonayd oo indhaha caalamka ku soo jeediyay xasuuqa ka socda Ogaadeenya.
 
Magaalada Washington DC, ayaa lagu soo bandhigay Filimkii Murugada badnaa ee “silent Cry” Filimkan oo lagu qabtay hool wayn oo ku yaala Hoteelka Caanka ah ee Marriot, ayaa dad waynihii daawanayay qaarkood lagu qaaday gaadiidka gurmadka Caafimaadka (Ambulance) markay u adkaysan waayeen Muqaalada iyo sheekooyinka Murugada leh ee laga soo duubay shacabka S/Ogaadeenya ee soo gaadhay xeryaha qaxootiga Bariga Kenya. Dadkan oo ah dad kasoo bad-baaday xasuuqa wadarta ah ee ciidamada Itoobiya ay ka wadaan dhulka Somalida Ogadeenya.
 
Cabdi Shukri oo isagu ah wiil aad u da’yar oo hormuud u ah soo saarida Filimkan ayaa hogaaminayay ardayda Filimkan geeysay  Magaalada Washington DC, iyada oo ay Marti galiyeen urur fadhigiisu yahay Magaalada Washington DC, oo layiraahdo African Rights Monitor A.R.M. oo ah urur u dooda xuquuqada dadyawga Afrika.

Intii ay kusugnaayeen Magaalada Washington DC, ayaa waxaa usuura gashay in ay ka qayb qaataan shir caalami ah oo ay soo diyaariyeen xubno ka mid ah Congresska Maraykanka.
 
Shirkan oo lagaga hadlayay arimaha Afrika ayay ku soo bandhigeen Filimkan iyo wixii uu xanbaarsanaaba iyaga oo si gaar ah ula kulmay Congresman Donald Payne oo ah xubinka ugu firi-ficoon congresska Maraykanka marka ay timaada arimaha Afrika, saamayn badana ku leh Afrika isagoo u balan qaaday inuu wax ka qabanayo dhibka ka Jira Ogaadeenya. Wuxuuna yidhi Dawlada Madaxwayne Obama way ogtahay dhibka halkaa kajira sidii xal waara lagu heli lahaana waan ku guda jirnaa.
 
Waxaa kale oo ay la kulmeen dhalinyaradu Madax ka socota United Nation-ka gaar ahaan qaybaha Gumaadka iyo xuquuqul Insaankaba kuwaas oo dhamaantood balan qaaday in ay wax ka qabanayaan gumaadka ka socda Ogaadeenya.

Waxaa kale oo ay lakulmeen Madaxwaynahay Hay’ada Genocide Watch oo isagu ku dhawaaqay in Ogaadeenya uu Gumaad kasocdo. Isaga oo balan qaaday in uuna ka daalayn in Maxkamad la soo taago KT. Males iyo cidkasta oo qayb ka ah Gumaadka Ogaadeenya ka socda islamarkaana aad ayuu ugu mahad celiyay dadaalka dhalinyarada Silent Cry iyo aqoonyahanka African Rights Monitor A.R.M.
 
 
Radio Xoriyo 
 
02 Oktober 2009
 
Cabdi Dheere
 
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Habeenada Talaadada & Sabtida  20:00PM – 20:30  waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.