Home » Warar »

Wariye Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Fareey) oo Saakey lagu diley Muqdisho Goor dhowna la Aasey Qabuuraha Baqdaad

Wariye Yuusuf Cali Cusmaan oo ku Magac Dheeraa Yuusuf Fareey ayaa Kooxo hubaysani Saakay ay ku dileen Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho Xiligaasuu ku sii jeedey Shaqadiisa. Dilkan ayaa yimid sida ay wararku sheegayaan Xilli uu Yuusuf doonayay in Gaari uu watay uu kala soo baxo Gataash ku yaala Degmadaas

Yuusuf Fareey ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyay Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya isagoo xiligana ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Wasaardda gaar ahaana Xafiiska qaabilsan dhinaca diiwaan gelinta Warbaahinta.Yuusuf ayaa sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Urur Saxafadeed oo la yiraahdo Suxufiyiinta Qaranka oo uu hawl wadeen ka ahaa muddooyinkii u dambeeyay.

Goobta uu Dilku ka dhacay ayaa waxaa goor dambe soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda halkaasoo ay baaritaano ka sameeyeen in kastoo aan la soo sheegin cid baaritaanadaas lagu soo qab qabtay. Ragga Dilka gaystay oo la sheegey in ay Bastoolado ku Hubaysnaayeen ayaa goobta isaga baxsaday ka gadaal markii ay dhowr xabadood ku dhufteen

Yuusuf Fareey ayaa wuxuu qayb ka noqnayaa Wariyayaal dhowr ao oo Sanadkan gudihiisa lagu dilay Soomaaliya gaar ahaana wuxuu noqonayaa Weriyihii Labaad ee isla sanadkan lagu dilo gudaha Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho, iayadoo Bilowgii Bishaan Degmada Waaberi lagu diley Fanaan , wariyey Cabdi Jaylaani Malaaq (Marshaale)

Wariye Yuusuf Farey waxaa uu ka mid aha Saxiyiintii hore ee la soo shaqeeyey Dowladii Milatariga ahayd waxaana uu dhaley qaar ka mid ah wariyayaasha ka Howl gala Magaalada Muqdisho,waxaana maanta lagu aasey Qabuuraha Baqadad ee Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galey Bahda Saxaafada iyo Qaybaha Bulshada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Cambaarayn dilka weriyaha

War Saxaafadeed 68/2012

Dowladda oo Cambaareyneysa Dilkii Agaasime Yusuf

(Muqdisho, August 12, 2012) Dowladda waxay si xoog leh u cambareyneysaa dilka qorsheysan ee loo geystay agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta u qaabilsanaa xiriirka saxaafadda, marxuum Yuusuf Cali Cismaan, oo maanta gelinkii hore lagu dilay xaafada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, kadib markii ay soo weerareen rag bastooladdo ku hubeysan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed in uu ka xun yahay dilkii loo geystay agaasimaha, “Waxaan si gaar ah uga xun nahay dilkii saaxiibkeen, Yuusuf Cali Cismaan, oo ahaa agaasime howlkar ah oo wax badan ka qabtay Wasaaradda Warfaafinta” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo intaas ku daray ayaa yiri, “Waxaan cambaareyneynaa dilka waxshinimada ah ee loo geystay muwaadin usoo taagnaa horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa muddo ka badan 30 sano.” Dowladda waxay tacsi u direysaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka, asagana waxaa Ilaah looga baryayaa in naxariistii janno ka waraabiyo.

Marxuumka Yuusuf waa kii ugu danbeeyay ee lala beegsado dil qorsheysan, taas oo dhawaanahan lagu hayay shaqsiyaad waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, sida shaqaalaha dowladda, saxaafadda iyo bulshada rayidka. Dowladda waxaa ka go’an in dabagal lagu sameeyo kooxaha caasimada ka fuliya dilalka qorsheysan ee argagixisada ah.

####

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.