Home » Qoraallada Halkudhegga "weriye"
50 Howl-wadeeno Saxaafad ayaa lagu diley Soomaaliya 1992-2012..
Tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa meesha ka baxay Amnigii iyo kala dambeyntii umadda Soomaaliyeed hore loogu yaqaaney, waxaana dhacay in la ugaarsado dadka Aqoonta leh oo bulshada indhaha u
ah.
Ugaarsi aan loo meel dayin oo ku saleysneyn qorshe gaar ah balse lagu cirib tirayo dadka wax garadka ah ee bulshada indhaha u ah ayaa noqdey tusbax afka laga furey.
Aqoonyahanada, Nabadoonada,...
Kulan Looga soo Horjeedo Laguna Cambaareynayay Dilalka iyo Xadgudubyada loo gaysanayo Saxaafadda oo Maanta ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Kulan ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ isla markaana ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho Kulankan ayaa guud ahaan waxaa uu ahaa mid looga hadlayay dhibaatooyinka loo gaysanayo Suxfufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaana Magaalada Muqdisho oo Sanadkan gudihiisa lagu dilay illaa Sagaal...
Wariye Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Fareey) oo Saakey lagu diley Muqdisho Goor dhowna la Aasey Qabuuraha Baqdaad
Wariye Yuusuf Cali Cusmaan oo ku Magac Dheeraa Yuusuf Fareey ayaa Kooxo hubaysani Saakay ay ku dileen Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho Xiligaasuu ku sii jeedey Shaqadiisa. Dilkan ayaa yimid sida ay wararku sheegayaan Xilli uu Yuusuf doonayay in Gaari uu watay uu kala soo baxo Gataash ku yaala Degmadaas
Yuusuf Fareey ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyay Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya...
Weriye Xasan Anteeno oo Kooxo Hubeysan si Xun ugu Dhaawacay Magaaladda Boosaaso
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxay sheegayaan in Weriye Xasan Maxamed Cali oo loo yaqaaney Xasan Anteeno una shaqeynayey Idaacadda Codka Nabadda ee Magaaladda Boosaaso ay kooxo ku hubeysan Bistooladu ay si Xun ugu dhaawaceen Mar uu galayey Xarunta Idaacada ee Bosaaso
Xasan Anteeno ayaa waxaa ku dhacay ilaa Shan Xabadood oo qaar ka mid ah ay ka haleen Wadnaha iyo...
Ciidamada Midowga Africa AMISOM oo weriye u shaqaynayey BernamaTV ku diley Muqdisho
War deg deg ah Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo rasaas ku furay
Gaari ay la socdeen Dhaqaatiir ajaaniib ah oo ka soo jeeda mid ka mid ah
wadamada asiyada fog.
Risaas ay fureen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa sababatay
dhimashada camiraman u shaqeeynayey BernamaTV oo saarnaa gaari ay wateen
dhaqaatiir u dhalatay dalka maleysiya xili ay marayeen inta u dhaxayso
Garoonka diyaaradaha...
Warba mahayside maxaad werisaa WERIYE?
50-kii sanadood ee u dambeeyey saameynta warbaahinta (MASS MEDIA) ama sida lagu naaneyso MASS MANIPULATION way boqol jibaarantey taasoo ay gacan wayn ka gaysaneyso horukaca balaaran ee ay farsamada casriga (Technology) ihi sameeysay, ugu horeeyntii waxaa lagu dhagax dhigay telegraph (halow halow) deeto waxaa xigey Raadiyo, Warside/Wargeys, majallado, Idaacadda la isk arko (TV) iyo hada oo uu wixiiba...