Home » Warar »

Qodabada Xasaasiga ah ee ku Jira Dastuurka ee ay sida weyn uga Horyimaadeen Odoyaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanada

Mabaadiida Asaasiga, Dhulka Soomaaliya, Magaala Madaxda Qaranka, Sinnaanta, Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada, Daryeelka Qoyska, Caruurta (oo 18 sano ku qaan gaaraya), waxyaabaha ku qoran qodobadaasi ayaa odayaasha dhaqanku si weyn uga soo hor jeesteen.

Qodobadaas oo faahfaahsan hoos ka akhri:

 Qododbka 3 aad

 Mabaadiida Asaasiga

 5. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax ku ool ah, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.

Qododbkaan 3aad Qaybtiisa Shanaad waxa uu ka mid yahay Qododbada ay sida aad ka ah uga horyimaadeen Odoyaasha waxayna sheegeen in haweenka aysan qaban Karin Jagooyinka ugu sareeya ee Doorshada ku yimaada sidaa darteed waxay sheegeen in uu Qododbkaan uu ka hor imaanayo Shareecada islaamka waxayna Codsadeen in meesha laga saaro ama la yiraahdo waxay qaban karaan Joogoopyinka hoose

Qododobka 7AAD

Dhulka Soomaaliya

3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub Nabadeed iyo iskaashi waa faqsan Qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

Qodobka Tododbaad Qaybtiisa 3aad waxay Odoyaashu sheegeen in uu yahay  Mid Xasaasi ah waayo weli ma cadda, marka waxay Codsadeen in wax laga Bedelo waayo waxay sheegeen in uu yahay mid Xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya maadaama uu qodobka uu sheegaya in  haddii Dhulkaaga  waa mid ka hadda uu ka koobana yahay laguugu qabsado waxaad ka galeysaa Wadahadal, taasina waxaay sheegeen Odoyaashu in uu yahay qododob la doonayo in lagu baneeyso Dhulka Soomaaliya iyo Baddiisaba laguna boobo marka wax ay sheegeen in Soomaaliya ay ka maqan yihiin  Dhulal badan oo in ay ula muuqata in la doonayo in la iska Hilmaamo kuwa maqan mida hada jirana haddii laguugu qabsado in Dowlada wadahadal ay ka galeyso marka Qodobkaan waa in dib loogu laabtaa.

Qodobkaan waxaa sidoo kale ka qayliyey Prof Cabdi Ismaaciil Samater  oo si weyn ula yaabey qododbkaan isagoo yiri”Waa la yaab Dowlad Dasuurkeeda ku qoroneysa haddii dhulka Soomaaliya  laguugu qabsado waxaa ka galeysaan Wada hadal, marka waxaa soo socda in dhulka iyo Badda Soomaaliya oo  hada la boobeyo Haddi laguugu qabsado Wada hadal baa u furan Dowladda,marka maxaa dhuulkeena oo la yaqaan hadda Murun loo gelinayaa ,waxana u soo jeedinayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Odoyaasha dhaqanka in aysan marnaba yeelin Dasuurkaas oo uu sheegey in danno gaar ha laga leeyahay.

Qodobka 9aad

Magaala Madaxda Qaranka

1. Maqaamka Magaalo Madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegida dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.

Qododbka 9aad Qaybtiisa 1-aad waa Qododb ay si weyn ugu soo horjeesteen Odoyaasha Dhaqanka waxayna sheegeen in loo baahan yahay in Dastuurka lagu Caddeeyo in Magaalada Muqdisho ay tahay C aasimada Soomaaliya waayo waxay sheegeen in Muqdisho ay tahay mid isku keeni karta ummada soomaaliya isla markaana Astaan u ah Midnimada Soomaaliya.

Qodobka 11aad

Sinnaanta

1. Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo Dheddig, Diin, xaalad Bulsho ama Dhaqaale, Afkaar siyaasadeed waa Siman yihiin,

Qodobka 11 aad  Qaybtiisa 1aad waxay Odoyaashu sheegeen in uu yahay mid ka hor imaanaya Diinta islaamka, waxayna sheegeen  in diinta islaamka ay ku Caddahay  waxa ay  Ragga iyo Dumarka kala yihiin  waxayna Codsadeen in Gebi ahaan  meesha laga saaro.

 Qodobka 17aad

Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada

1. Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku Dhaqmo diintiisa.

Qododbka 17 aad qaybtiisa 1-aad waa qodob ay Odoyaashu sheegeen in uusan kala Caddeyn haddii sidaan loo daayo waxay sheegeen waxa uu ka ka hor imaanayaa Diiinta Islaamka  marka waxay soo jeediyeen in la yiraahdo Qof kasta waxaa Waajib  ku ah in uu ku dhaqmo Diinta Islaamka sidaa darteed   Hadii la yiraahdo qofkasta waxaa uu Xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa marka waxay sheegeen in qododbka laga dhadhansan karo in dalka lagu faafiyo Diin aan ahayn islaamka , waxayna Codsadeen in Taladooda la qaato iyo soo jeedintooda

Daryeelka Qoyska

Qododbka  28 aad

5. Guur ansaxayaa majiro hadaanay si xor ah iyo ogolaansho Ninka iyo Naagta ka timid jirin. Labaduba waa inay gaareen da’da guurka.

Qododbka 28 aad  qaybtiisa 5 aad waa Qododb Xasaasi ah waayo waxaay Odoyaashu sheegeen in Qodobkaan laga dhadhan san karo Rabitaanka labada Ruux waxayna soo jeediyeen in Guurku uu ansaxayo marka Ogolaansho laga helin Waalidka ama qof Walaayada haya sidaa darteed waa in si cad loo bayaaniyaa Qododbkaan.

Qodobka 29 aad

Caruurta

8. Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.

Qododbka 29 aad Qaybtiisa 8-aad  ee ku saabsan Caruurta waxay Oodoyaashu sheegeen in Qododbkaan uu ka hor imaanayo Diinta Islaamka waayo Caruurta waxay ku qaan gaaraan 15 sanno waa sida ay qabto Diinta islaamka waxay soo jeediyeen in meesha laga saaro 18 Sanno. 

Dastuurkaas Qabyada ah oo dhamaystiran ka akhri HALKAN

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Halku dhegga Maanta:

Maxaa xuubka caarada na badey xaqana noo diidey
Ma xooleynu nahay maa dulmiga laga xajiimoodo
Xaqiyo baadil kee baa xurmo leh waa xujiyo yaabe
Annagoo diin xaniifaloo xabiibku noo keeney
Xufaaddiina ay joogto oo xabadku noo buuxo
Maxaa xeerka gaaladu dhigteen nagu xambaaraaya
(Abshir-Bacadle)

Qoraallo hore ee Dastuurka: https://somalitalk.com/2010/08/26/dastuur/

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.