Home » News »

Musharax Prof Saciid Ciise oo booqday Afgooye

Gudoomiyaha xisbiga Dadka ahna musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Prof Saciid Ciise Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay dagmada Afgooye oo ka tirasan Gobolka Sh/hooose waxaana booqasahdiisu salka ay ku heysay sidii uu xisbigu xafiis uga furan lahaa dagmada Afgooye .

Halkan ka daawo Sawirada

Waana markii ugu horeysay xafiis siyaasadeed ka furtay iyada oo ay soo dhaween maamulka gobolka Sh/hoose iyo odoyaasha dhaqanka oo uu Kulan balaaran kula yeeshay gudaha xafiiska cusub ee loo furey xisbiga dadka ee uu hogaamiyo musharaxa Prof Sacciid ciise Maxamuud isaga oo kala hadlay ujeedka siyaasadeed ee uu u furtay xafiiskaani.

Prof Saciid ciisa ayaa oo ay wehliyaan xubno ka tirsan taageerayaashiisa ayaa socod dhulka ah ku maray wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye wuxuuna markii danbe ku dhax lugeeyey qeybo ka tirasan dagmada Afgooye oo si aad u sareysa loogu soo dhaweeyey waxaana wadooyinka iskuugu soo baxay dadweyne aad u tiro baran kuwaas oo ruxayey caleemo qoyan halka qaarkoodna ay heysteen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu taageerayey iyo caleemo qoyan wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto dagmada Afgooye oo ay ugu danbeysay mudo ka badan labatan sanao sano .

Gudoomiye saciid ciisa ayaa shir jaraid ku dhaxqatay beer ka mid ah beeraha ku yaal dagmada Afgooye isaga oo saxafada halkaa kula hadlay una sheegay in uu doonayo sidii uu ula kulmi lahaa shacabka ku nool dagmada Afgooye wuxuuna xariga ka jaray xafiiska xisbiga dadka faraciisa dagmada Afgooye iyo qeybaha koofureed ee dalka .

Gudoomiyaha soo dhaweeyey waxqaadka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay in ay qeybo badan xasiloonidii dib ugu soo celsheen wuxuunna shacabka u rajeeyey in ay heli doonaan dowlada caadil ah oo soo celisa daganaanti ,sharaftii iyo karaamadii umadu laheyd .

“Prof Saciid Ciise waxaan shacabka Somaliyeed u sheegayaa in xisbiga daku yahay xisbi siyaasadeed xisbi rayid ah oo aan hubeysneyn nabada aaminsan dagaalada diidan oo ka soo horjeedo mucaarad aan aheyn waxaan nahay xisbi nabadeed ujeedadiisuna tahay in shcabka somaliyeed dib u helo dowladnimadiisii “

Musharaha saciid ciise ayaa hanbalyo u direy odoyaasha dhaqanka oo uu sheegay in manta hoganka dalka gacantooda uu ku jiro kuwaas oo 135 ka mid ah loo doortay in ay soo xulaan madaxdii dalku yeelan lahaa wuxuuna ka codasay in aysan iibsan awooda gacanta loo galiyey ayna iska ilaaliyaan in ay wax musuqmasuqaan ayna.

umada u soo xulaan dad karaama leh si dalku uu uga baxo marxalada kala guurka ah

Gudoomiyaha xisbiga dadka ayaa ugu baaqay dowlada in ay ciidamada siiso agabyadii iyo dhaqaalii ay ku gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo wuxuuna si aad ah u soo dhaweeyey abuuritaanka aqalka odoyasha oo uu sheegay in ay tahay arin looo baahan yahay isaga oo daba dhigay in arimaha odoyasha gacmo gacmeysiga laga daayo .

Xisbiga dadka ayaa tibaaxay in uu aad ugu faraxsan yahay isla markaasina ay soo dhaweynayaan wada hadalada qotada dheer ee u bilowday dhinacyada somalida ee koofurta iyo waqooyiga dalka isaga oo ku magacaabay Hargeysa iyo Mogadishu

Aad bey noo farax galineysaa waana hadahalo bilow ah waxaan rabaa reer Somaliland in aan u sheego qaladaadkii dhacay lixdameeyadii iyo mida hada taagan in aysan wax qalad ah ku laheyn haddii Somaliland go.aankeeda goosasha ah ay ka laabato xisbigu wuxuu qabaa in aan wax la isla waayi doonin ayna soo dhaweynayaan talaabadaas ay Somaliland horey u qaaday ayuu yiri Prof saciid

Xsbiga daka ayaa ugu soo jeediye madaxda dowlada iyo madaxda Somaliland in ay booqashooyin is dhaafsadaan si wadada wada hadaladu si rasmi ah ugu furman .

Bulshda caalmka ayuu uga mahdceliyey dadaalada ay wadaan kuwas oo la doonayo in somaliyo dib cagaheeda ay ugu istagto

Musharaxa Madaxweynaha ayaa cadeeyey fikirkiisa ku aadan burcad bedeeda isaga oo sheegay in xisbigu ka soo horjeedo arimaha ay dalka ka wadaan kooxaha burcad badeeda wuxuuna eedeyn dusha ka saaray wadamada ciidamadoodu dagaalada kula jira burcad badeeda oo uu sheegay in dhanka kale maraakiibta xeebaha Somaliya xaalufineysa ay waxba ka qabaan kuwaa oo daabulanaya kheyradkii dalka .

Dhanka kaluumeysata somaliyeed ayuu sheegay in ay dhibaatooyin joogto ah ku hayaan maraakiibta dhax ceegaagta biyahay dalka Somaliya oo aanay jirin cid ka hadlaysa waxyaabaha ay guranayaan iyo dhibaatoyinka ay ku hayaan xeebaha dalka .

Bulshada caalmka ayuu ugu baaqay hogaamiyaha xisbiga dadku in ay si siman wax uga qabtaan maraakiibta shisheeye ee ka qowloysata biyaha Somaliya ama ay joojiyaan dhalinyarada ay maxkamadeynayaan kuwaas oo inta badan lagu eedeeyo in ay yihiin burcad badeednimo .

Prof sacid ciise ayaa ceeb ku tilmaamay in markasta la soo saaro liis magacyo ka tirsanmadaxda dowlada kuwaas oo lagu eedeynayo in ay lunsadeen hanta shacabku leeyahay taasi oo uu sheegay in bulshada caalmku ka joojiyaan masuuliyiinta ay ceebeynayaan hadii ay wax ka jiraana cadeymo ay geeyaan maxkamadaha ku shaqada leh .dhanka kalana wuxuu ku guubaabiyey in masuuliyiinta eeda loo jeediyey in ay ka hadlaan oo aysan ka aamusin .

Saciid ciise ayaa isweydiiyey liiska oo ay ka mqan yihiin magacyada hay.adihii deeqa bixiya iyo shirkadaha inta badan lagu eedeyo in ay lunsadeen hanta uu leeyahay shacabka somaliyeed kuwaas oo aan magacyadooda la soo bandhigin cid la xisabtan taana aanay jirin wuxuuna dalbaday in xisaabtooda miiska la keenayaa ee aan madaxda somalida ah iyo burcad badeeda oo qura hadal heyntooda la heynin lana joojiyo in magaca iyo sumcada somaliyeed la bahdilo .

Prof Saciid Ciise Maxamuud murashaxa u taagan in uu ku guuleysto xilka madaxtinomo ee dalka dorashada xilka madaxtinimo ee dalka ee la filayo bisha august ayaa balan qaaday haduu ku guuleysto in mudo yar oo kooban uu ku soo cilin doono amnigii iyo kala danbeyntii uu dalku lahaa uuna dalku noqon doono dal barwaaqo uuna howl galin doono shirkado uu qandaraasyo la galayo dagmooyinka dalkuna ay heli doonaan adeega guud ee bulshadu u bahan tahay uuna si dhaqso ah u dhisi doono dakadaha airporada iskuulada waxbarashda goobaha caafimaadka iyo wadoyinka uuna maalgalin doono wax soo saarka beeraha iyo warshadleyda dalka iyo kaluueysatada

Xisbiga dadka ayaa noqonaya xisbigii ugu horeeyey ee xafiis siyaasadeed ka furta meel ka baxsan gudaha magaalada Mugadishu wuxuuna dadaalo ugu jiraa qaabkii uu gobolada oo dhan u gaarsin lahaa hadafkiisa xafisyana uga furan lahaa maadaama lagu guda jiro tartanka hanashada jagada madaxweyne nimo ee dalka .

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Damaca Siyaasada Turkiga Lama Aqbali Karo – Qormadii musharaxa

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.