Home » Faallo »

Damaca Siyaasada Turkiga Lama Aqbali Karo

Qarnigii 15aad dowladii Turkiga waxey xukunkeeda ku maamuleysey xeebta Zeylac ilaa gobolada Harar iyo Shawo oo ay ku nooleyeen abayaasheeni Soomaaliyeed. Dowlada Turkiga uma sameyn Soomaalida iney iyagu ismaamulaan, waxeyse door biday iney wadankeeda kala timaado dad u dhashay wadankeeda oo Soomaalida maamula. Dowladii Turkiga waxey Soomaalida ku soo gashay degaankooda qaab diimeed salka ku haya beerlaxawsi islaanimo, laakiin damacooda siyaasadeed wuxuu ku qotomey nidaam boqortooyo oo ah iney ku hantaan degaanadaas Soomaaliyeed iyo kuwa Xabashida, taasna waxaa kuu cadeyn kara iney xeebta Zeylac ay ka gateen oo ku wareejiyeen wadan kale sida lagu arkey heshiisyadii ay la galeen wadankaas.

Huwan ka kooban ciidamada wadanka Giriiga iyo ciidamada Xabashida oo ka soo duuley dhulka buuraleyda Itoobiya ayaa xasuuq u geystey Soomaalida ku nooleed Gobolada Shawo iyo Harar oo markaas uu degaan u ahaa dhulkaas siman. Waxaa la tilmaamay in dhiigi dadka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay goboladaas ay qaadayeen togaga, dhiigoodaas oo sida biyaha webiyada u qulqulayey. Dowlada Turkiga waxey isaga baxday goboladaas iyadoon dib u soo jaleecin taageerada ay filayeen dadkii Soomaaliyeed oo ay uga tagtay shisheeyaha ku dhibaateynayey degaanadooda.

Qarnigii 19aad dowlada Turkiga ayaa maamuleysey Xeebaha koofurta Soomaaliya, Sida dhaqankeeda caadi u ahayd ma aysan sameyn waxtar dowladnimo oo Soomaalidu ay mahdiso. Waxey ujeedadeedu ku koobneyd xoolo urursi iyo jaceylka boqortooyadooda. Waxey xeebaha Soomaalida ka qaadan jirtey canshuur ay ka urursaneysey doonyaha badeecadaha iyo agabyada ay u baahan yihiin ka qaata mariinka xeebaha Soomaaliyeed. Ugu dambeystii dowladii Turkiga oo isi siisay dhulka Soomaalida waxey gumeysteyaashi Yurub la gashay heshiisyo ay ku gadatay xeebaha Soomaaliyeed oo gacanteeda ku jirey. Taasna waxey marag ma doonto cad u ahayd in dhaqankii dowladihii Turkiga ka jiri jirey ay wateen dano siyaasadeed oo ku dhisan dalaalnimo iyo iney dhankooda kaga jireen boobka loo geysanayey dadka Soomaaliyeed, waxeyna wateen oo adeegsanayeen iskaashi islaanimo iyo dibindaabyo siyaasadeed oo ay la wadaageen wadmada reer Yurub.

Qarniga 21aad, sanadkiisa 2011 ayey dowlada Turkiga oo ay hogaaminayso dowlad u xaglineysa dhinaca diinta waxey ku soo gashay Soomaaliya u fidinta gargaar aadaminimo. Waxey si wanagsan Soomaalida ugu gargaartay raashin iyo daawooyin, kuwaas oo samato bixiyey kumanaan Soomaaliyeed oo qarka u saaran macluul iyo geeri. Soomaalidu aad ayey ula dhacday wax qabadka bini aadaminimo oo sida deg deg ah ay Soomaalida ugu fidisay.

Dad badan waxey isweydiinayeen sida aan horay Turkiga looga baran waxqabad Soomaaliyeed iyo sida uu maantay ugu dhiiran yahay gargaar balaaran oo ka heer sareeya kan UNka iyo kan wadamada reer galbeedka.

Waxaa soo baxay tuhumo istaraya oo ay qabaan Soomaalida maanta kuwaas oo ka duwan tii berigii hore. Turkigu wuxuu maalgeliyey hayadihiisa gaarka ah oo ka hawl geleyey gargaarka uu ku yaboohay, dad badan waxaa u muuqatay iney haboonaan lahayd in hayado Soomaaliyeed la howl geliyo si ay adeegyada bulshada uga qeyb qataan, macaashna ay ka helaan adeeg fulintooda. Turkigu wuxuu sameeyey dugsiyo waxbarasho, kaas oo lagu baranayo luqada Turkiga iyo dhaqankooda. Soomaali badan ma jecleysan shuruuda dabataala waxbarashada Turkiga, waxeyna jeclayeen in afka Soomaaliga iyo afafka caalamka caanka ka ah wax loogu dhigo ardayda wax baraneysa. Waxaa intaas wehliyey in lagu tuhunsan yahay dowlada Turkiga in ay si qarsoodiya u abaabulesey urur dimeedyo ay ka shaqeyneysey mideyntooda, si dadbana ay u maalgelineysey, iyadoo dadkaas qaar ka mida ay ku naas nuujineysey siinta qandaraasyada iyo shaqaaleyn ay uga fidineysey hayadaheeda gargaarka iyo kuwa dibudhisida. Waxaa intaas ka dheer in dowlada Turkiga ay xeebta Liido ka gadatay dhul ku fadhiya nus kiilometer, kaas oo ku fadhiya masaajidkii Cabdilcasiis iyo xeradii ciidanka bada oo weliba uu wehliyo dugsigii farsamada culuunta bada, waxaana loo maleynayaa in Turkiga ay dhulkaas ku dhaafsatay hanti ay bixisay iyo dano siyaasadeed oo qarsoon oo ay ku taageereyso koox ay dooneyso dhanka siyaasada iney gacan ka siiso. Dad aan yareyn ayaa isweydiinaya waxa ku kalifay maanta dowlada Turkiga iney dhul ka iibsato shaqsiyaad ku meel gaara intii ay sugi lahayd dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya.

Shirka lagu qabtay Istanbuul dhamaadka bisha Maajo, soona dhamaaday bilowga bishan Juun ayey Soomaalidu ku ogaatey in dowlada Turkiga ay gargaarka bini aadanimo ugu hoos keydsaneed qorshe ciidan iyo mid siyaasadeed. Waxeyna Turkigu si aan qarsoodi lahayn ay daaha uga qaaday iney Soomaalida u sameysay qorshe siyaasadeed oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya. Dhagarta intaas la eg ma ahan mid Soomaalidu ay aqbali karto. Wadan xor ah wadan kale siyaasadiisa hogaanka uma qaban karo. Qanuunka caalamka aya qeexaya inuusan wadana wadan kale arrimihiisa siyaasadeed uusan fara gashan karin oo uusan garwadeen u noqon karin. Sababta dadaalada caalamka loogu ogolaaday UNka iyo AU waa iney yihiin ururo caalamiya oo aan ka shaqeyneyn dano gaara ee uu hal wadan iska leeyahay. Dowlada Turkiga lagama yeelayo in siyaasada Soomaalida ay keligeed hor boodo, waxaa arrintaas horay ugu guuldareystay Talyaaniga, Ingriiska, iyo Mareykanka. Haddii uu Turkigu is tusay inuu ku soo gamban karo dhinaca diinta, waxaa haboon inu aqbalo in casharadaas Soomaalidu horay u soo martay, waayoaragnimo badana ay ka baratay. Ma jiro wadan muslim ah oo qaxi ummadda Soomaaliyeed ay kala kulmeen jabka inta u soo istaagey wadankooda ku siiyey daryeel bini adanimo. Ummadda Soomaaliyeed waxey magan u noqotay wadamada reer galbeedka oo aysan wadaagin af, dhaqan, iyo diin. Marka Soomaalida maanta waa u kala cadahay islaanimada iyo in dal walba uu iska leeyahay dowladnimadiisa isaga u gaarka ah.

Damaca siyaasadeed ee Turkigu hadda uu la soo baxay ma ahan mid ay yeeleyso Soomaalidu, waxaana walaac badan laga qabaa haddii ururka aqwaani Muslimiinta ay ku guuleystaan dorashada dalka masar iney taasi horseedi karto xoojinta dagaalada kooxaha diinta ka dhex jira wadamada Masar, Sacuudiga, Iraan, iyo Turkiga iney kula soo galgashaan wadanka Soomaaliya oo la ciirciiraya khilaafka kooxaha ku kala aragtida duwan diinta. Sidaas daradeed Soomaalida dani uguma jirto in Turkiga uu siyaasad dalaalnimo hogaanka ugu qabto Soomaalida, dhanka kalena uu Soomaalida dhexda ka geliyo dagaalka ku dhisan xiriftanka u dhexeeya wadamada Carabta iyo kuwa kale oo muslimiinta ah, dabadeedna sida caadada u ahayd marka Turkigu danahiisa gaaro uu Soomaalida uga dhexbaxo dhibaato hor leh oo uu inta lugaha u geliyo hadana uu si fudud uga siibto.

Waxaan aaminsanahay in dadaalada UNka iyo AUka wadaan ay Soomaalidu ku gaari karto iney ku dhisato Dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
Musharaxa Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya
saciidciise258@aol.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " Damaca Siyaasada Turkiga Lama Aqbali Karo "

  1. Tuke says:

    Damacu waa mid si sahal ah loo arki karo. Turkiga waa dal aqbalsan in Reergalbeedku ka dhaqan sareeyo dhaqamada adduunka intiisa kale, siiba kan Muslinka. Waxaana wadta Uncle Sam oo ka doonaya inuu Soomaalida kaga jaro dhaqandiimeedka soojiraynka ah ay Soomaalidu la leedahay Carabta. Waa xiriir ku eedeenaya diinta Islaanka iyo Carabta dhibaadtada iyo jabjabka Soomaalida, kana indhobeelinaya Soomaalida in Reergalbeedku uu u sabab yahay, oo aynu wali hoosjoogno gumeeysigooda. Tusaale yar ee inaynu xor waligayn ka naqonin Reergalbeedka waa “Afkee isu maamushaa Soomaalidu?” Waana mid laga arki karo ismaamul ama dawladgabaleedyada Soomaalida oo magacyadoodu (magacyo khaldan aanan ku beegnaynin dhulka iyo qolada ay matalaan) wada wadta erayga Ingiriiska “land” ama “state” iwm sidii iyagoo ahaa erayo soomaali ah, iskaba daay inay waxbarashada ku qaadtaan afkooda hooyo oo ay isaga ku dhaxnooladaan oo ku cabbirtaan kuna dhistaan adduunyadooda ee waqtiga casriga (farsamada, qalabka iyo cilmiga uunka guud iyo gaarba), xataa ma jiro hay’ad u qaabilsan hawlahan u salka ah Soomaalinimada iyo diintooda Islaanka. Ilayn dhibaadtada Soomaalida waa dhibaadtada Muslinka oo dhan haysta: Xadiiska iyo Reergalbeedka.
    Qaamuunka caalankana waa mid uu dajistay gumeeyteha oo dantiisa (gumeeysigayna) difaaca sida looga jeedo hoosudhigidda iyo baaba’inta Soomaalida iyo korukacidda iyo sii xoogsashada dhaqaaleha gumeeysteyaasha, waana mid ku lid ah qaanuunka dabiiciga ee Qur’aanka oo u dhaxdhaxaad ah jaadadka kala duwan uu Ilaahay abuuray. Mid qaanuun dadcaabud ah (gumeeyste) waaye, midna qaanuun Abuure caabud ah waaye.

    Su’aashu waa jidkee? Jidka Turkiga (oo reergalbeedka raacay) ama jidka islaanka beenta ah ee Xadiiska (oo isagana hoosjoogga reergalbeedka iyo diintooda dadcaabudka ah) ama jidka Islaanka runta ah ee Qur’aanka iyo in Ilaah Banii Aadanka siiyay maskax uu waxbaaris iyo waxbarasho kula sameeyo dunidan dabiiciga ah oo Qur’aanku yahay bu’deeda oo kadibna uu ka talo iyo talisba qaadto? Yaa u ilaah ah Banii Aadanka?

  2. ustaad Cabdi says:

    anigoo ixtiraamaya qoraaga, hadana waxa si cad uga muuqata hal arin oo ah fikrad aanay tilmaamin dadka commentska ka dhiibtay, maqaalka arinkaas oo ah: islaam neceyb iyo jacayl reer galbeed, waana arinta keentay in iyadoo raadka islaamka iyo turkiga laga hortegayo dawladaha reer galbeedka iyo xaabadoodu soo nooleeyaan qadiyadda soomaaliya, loona soo jeesto.

    mahadsanidin

  3. Asc ww w marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada somaliya iyo akhiyaarta fikirkooda ka dhiibanooyso halkaan hadaan fikir keeyga ka dhiibto maqaalka dr saciid waxaan dhahaa ma diidan tahay dowlada turkiga ee dad keena usoo gurmatay mana waxaad ku faaneeysaa ku wa her iyo habiin hubka iskugu dhiibaayo dadkeena waacajiib tan labaad ku aad ugu yeertay ineey maslaxada umada ka shqeeynaayaan ee UN iyo EU AU waa kuwa dhaca ku haayo hawada bada umada somaaliya marka anagoo og qolo walba damaceeda siyaasadeed ayaan qolodi noo roon raaceenaa dawaco iyo weer kala cadawnima badan sxb qofkaan fahmine iyadeey utaal wsc ww from general dable

  4. Xigmad horaa tirri nin buka boqol utalisay, Turkiga fiican iyo AMISOM Ethopia ka sii fiican ayay talo ku gowriirtay, Illaahow somail ugargaar.

  5. Bad-maceeye says:

    haddaad Turkiga aqbli wayday waxaa hubaal ah inaad aqbashay Itoobiya iyo adoonta kenya ugaandhayska xamar xaaraanta ku jooga , Dr sidaas u fakaraya waxaan u malayn waa Ditoor Faalso ee Jaamacado kuma dhigan

  6. mohamed nuur says:

    asalamu calaykum dhamaantiin ,
    hadii aragtideyda ka dhiibto maqaalka dr saciid ,waxaan ku raacsanahay 10 walaal ee iga horeeyay oo dhamaantood ku macaaraday dr saciid ra”yihigiisa , waan aqriyay dhamaan jawaabaha walalaha iga horeeyay ,runtii kasukow jawabta dr saciid waxaa aad ii farax galisay sida walaalaha iga horeeyay aysan ugu labalabeyn oo dr saciid ugu naqdiyeen ra”yigiisa iyo taariikhda aan isaga ka hor maqlin ee uu soo arooriyay, jawabaha sxbada iga horeeyay wuxuu muujinayaa sida dadkeena ugu mideysanyihiin oo ay hal dhinac ugu yihiin taageerada iyo mahadcelinta ay u hayaan dowlada turkiga , oo runtii aan la dafiri karin gurmadka ay umadeena lasoo gaartay oo weliba degdega ah shuruudahana ku xerneyn ,
    dr saciid markii uu EU, iyo UN oo loola jeedo Etopiya iyo America u tiiriyay iney hayaan xalka dadka soomalida waxaan niyad jab kala kulmay oo ceebeystay ina maqaalka sii akhriyo lkin wuxuba ahaa gabgabo ,
    dr saciid EU iyo UN dalkeena sida uu yahay ayagaa sabab u ah kasukow wax ma garadkeena oo ay noo adeegsadeen ,sida aad arkeysay hadiiba aad dib u fiiriso maqalkaaga dadka ra’ygooda ka dhiibtay dhamaantood wey ka dharagsanyihiin sdia ay cadow u yihiin EU iyo UN mucaradada lagugu wajahay asal ayey u tahay dadkii cadowga ahaa ad u tiiriso xalka dadkeena ,warkaas lagaa maqlayna wuxuu welwelinayo hadiiba jiraan dad ku taageersan oo ku dooranayaan ,sumcadaadana malaha hoos ayuu u dhigay maqalkaaga. mahadsanidiin

  7. Asc dhaman akhristayasha webkan salan kadib walalken DR: siciid wuxu ka dhawajiyay in turkigu dano gaara wato horta waligaa lama noqdo qof balo sheeg ah oo siyaasada dhanka xun ka odorosa “pessimist” tan kale wll mida kale oo iga yaabisay waxay tahay waxad tiri UN IYO AU waa ururo caalami ah oo aan dano gaara wadan wali tarikhda ma dhacday in UN ku wadan islaam ah case uu leyahay inta lagu falanqeyay cadalad lagu xukumay may ka hadlan waxa ka dhacayo qaza hadayse ka hadlen may xaliyan tusale: libya iyo ciraaq waa lagu duulay iyadoo la leyahay dambi bini adanimada ka dhan ah ayaa lagaystay oo dad ayaa la laayay hadaba flastiniyintu bini adam mahan miyaa halkas waxaa si cad ugu qexan UN iyo waxay tahay tan kale waxad tiri turkigu wuxuu doonayaa inuu siyasada somaliya hoganka uqabto tana waxan kaa waydin hada siyaasada somaliya ma gacantena ayay kujirtaa? Jawabtuna waa maya markhati madonta ah hadaba maxad kudiday mar hadi hogan la ino qabanayo in wadan islama siyasadenu ugasho hadaba ugu dambaynti mudane aniga oo sharaftada tix galinayo waxan kugu latalin lahaa inaadan magacaaga ku ciyarin madama aad tahay ruux musharax ah waayo hadalkagani wuxu u egyahay nin reer galbeed soo dirsaday taariikhda aad kasoo shekaysayna waxad ku gaadi kartaa dadka intii aan aqontodu gaarsisnay

  8. Zaki Somali says:

    DR.Said waxan aqriyay faalladada si dhameystiran, waxay ugu noqotay mid un leyska soo qoray oo aan cilmeysanayn oo aan loo fiirsan. Waxadba ugu horeyn go’aan ku gaartay ciwanka qormada oo aanba ku so jidaneyn maxa yelay durba wuxu kuu sheegaya waxa ku duugan gudaha qormada taasna xeerarka qormooyinka waa mid aan la jecleysan. Ka daran gudaha ayan u soo daadagay maadama qormadu ay tahay mid uu qoray Dr ah gudoomiyaha xisbi magac wanagsan xanbarsan ahna mid ka mida musharixiinta xilka madaxweynenimada soomaaliya balse waxan kala kulmay qormo aan cilmeyeysneyn waxan amagaag iyo ugu noqotay markad gunaanadka qormada ku tiri “Waxaan aaminsanahay in dadaalada UNka iyo AUka wadaan ay soomaalidu ku gaari karto inay ku dhisato dowlad soomaaliyeed oo rasmiya” waa yaabe maxay dadaaladoodu u soo dhisi waayeyn dowlad rasmiya 22-kii sano ee la soo dhaafay. Waxan joogaa dhamaadkii qormadada waxan ka waayay Dr.Said wax tixraac ah oo ku saabsan macluumadka aad soo gudbisay u soo dhisi waayeyn.
    waa yaabka yaabkiise waxan aqriyay 10 jawaab ay so qoreyn dad Soomaaliyeed kuwaaso ay ka soo bixiyeyn faaladada misna waxan ka waayay 1 qof oo kugu waafaqay fikirkaga.
    Marka Dr.Said maxa kugu xanbaaray qorista faaladan xambaarsan fikradahan guracan ee ka turjumeysa xumaanta kana fog samaanta?
    Maxad kaga hadli weyday shirkadaha ajaanibta ah ee maamulaya kheyraadka Soomaaliya tan badalkeeda? Sow ma habooneyn inad wax ka qorto badda Soomaaliya ee la iibsanayo intad ka hadli laheyd nus KM ay Turkidu safaarad ka dhiganayan?!!
    Dr.Said su’alahas jawaabahoda adiga ayaa lagaa sugayaa si aad noogu qanciso fikradda faaladaada. Haddii kale waxan u fahmeynaa inay un kaa aheyd taageero kaga hel UN-ka iyo AU-da ama ay kuu geysay xanaaq aad ka qaaday shirki Istanbul oo sidad rabtay loo agaasimin.
    Haddaba Dr.Said waxan sugnaa waa warcelintada waad mahadsantahay.

  9. waxaan Dr ku leeyahay Soomaalidii & Turkigii qarnigii 15naad
    dad shuqul isku leh & wax isu dhow ama isku si u fekeraya midna ma ahayn,midda kale maanta ayaad u baahantahay cid lagu keenoh oo wax kuu sheegtah,bal ka warran 600 sano kahor,dadka miyeynu ku xisaabsanayn dhaqan ahaan mase dugaagga?

  10. darwiish32 says:

    salaan dhamaan
    qof kasta oo fikirkiisa dhiibta waa caadi sax iyo khalad mid ay noqotaba waxaase muhiimah in qofka fikradiisa dhiibanayaa uu ahaado mid miyir qaba ,waxaase nasiib darro ah in somali miyir qabaa jirin ma dr ha sito ama eng ha sitee .laakiin su,aashu waxay tahay waa maxay damaca siyaasadeed ee turkigu somalia ka leeyahay?

  11. sc/dhamaan wallalah soomaaliyeed bacdu sallaam waxaan rabay in aan wax yar ku darsado qoraalkan uu noo qoray wallaalkeen dr saciid ciise,saciid wallal marka hore waxaan rabaa inaan kaa iraahdo mid waa mida koowaade turkigu waa wadn noo soo gurmaday anaga ookumanaan soomaaliyeed ay leeysay abaarihii dad iyo duunyaba mid aanan ka reebin dilayana mudo 38 cisho ah ku dhowaad 30,000 oo caruur soomaaliyeed ah, hayada cuntada aduunka raashinka dhacay ee ay keento soomaalidi loo dhiibay oo la yiri maamula suuqa bakaarah ayuu iib u yaalay markaasaad waxaad tiri turkidu maxey u maamuleen,jawaabteeda adaa isi siiyey si waxeey u maamuleen loogu talo galay oo aheyd in uu gaari dadkii loogu talo galay,mida labaad soomaalida siyaasadeeda sidaad la socoto waa ay is bixin weeyday ama qabiileeysi ama dano shaqsi gaara leeyahay ururo diimeedyo al itixaad,shabaab ,xizbul islaam iyo warlord ka horeeyay,siyaasadii wadnkeena waxeey gashay gacanta african cadwgeeni waligood ahaa ethiopia oo libaax ka ah igad kenya tanzaaniyaan u waligeenba xumaa xiriirkeena oo u horboodo u yahay mahiiga,marka sidee bay kula tahay in siyaasada wadankeena gacanteena ugu soo noqon karto waa in uu turkigu noo soo faro maroojiyo waana ku qasbanahay waayo hadaba gacnta nogumo jirto ma aqaan meel aad ku maqneeyd laakiin waxaa nalaga xukumaa last 20 years ethiopia waqooyi bari koonfur iyo albeed oo ay waligood haysteen,marka walla turkiga waa in aan aaminaa ma aqaan masha aad ka keentay turkiga dhibuu nooga tagat?turkigu waa ay jirtay in uu maamulkiisu gaarsiisna ilaa iyo xeebihii soomaaliyee ayna ka talinayeen soomaliya lakiin mar walba waa ay na taagareyaan waayo ma uusan jirin state soomaliya ah oo dowlad jirta laaha oo dadku waxuu ahaa xoolo dhaqato u bahan in laga ilaaliyo xeebahooda boortaqiiski duqeeynayey xeebihii soomaliyee iyo reer galbeedki aduunkoo dhan qaybsanayey wuuna ku saxsanaa waayo wuxuu aha quwadi islaamka markaa jirtay,markii ay jabtay otto man impire wuu ku qasbana in uu baxo waayo anag kaliya ma aheeyn meelihii u ka talinaney ee carb oo dhan buu haystay oo u ka waardiyeeynayey dhurwaagii reeer galbeedak,sida aal socoto dagaaladii aan ethiopia oo dhan aan ku qabsanay wuxuu ahaa ninkii na hubeeynayey wasxaan la sheegay sida taariikhda ku cad ilaa 90 ciidan ah oo barayey soomaalida sida loo rido madaafiicda in ay la socdeen ciidamiin ahmed gureey ilaa xiyaa xiligii nuur ibnu mujaahid way socotay taageradoodii marka wallal tol kuu dhaama ma jiro turki,haduu xitaa dan kaa leeyahay ma cid an dan iska laheeyn baa jira, mida kale anaguba dan baan ka leenahay o ah in uu nalo dajiyo wadankeena ganacsi iyo kala iibsina dunida oo dhan baa ku dhisan hadii xitaa Natural resource u rabo maan asaga deal la galno meeshi aan gaalo la gali laheeyn,mahadsanidiin, nabadeey..

  12. Cadde says:

    To: Dr Ciise
    Waxay ila tahay in Dr. Saciid waxba ka aqoon siyaasadda uu isu soo sharaxo ama xisbiga uu u sameystay, maanta Dowladda walaallaha aanu nahay ee Turkiga waxaanan daah umadda ka saarneyn in ay tahay samata-bixiyaha ummaddeena iyo dadkeena, hadii aad leedahayna Turkey waxay xoog ku haysatay Somaliya, taa jawaabteeda waxaan ku oran lahaa dib u aqri taariikhda mar kale, Al-Khilaafa Alcismaaniya gumeysi ma ahayn dowladdaha islaamka badankeedna ayada ayaaa laga maamuli jiray oo nidaam sida kan Fedaralka loo yaqaan oo kale ayay ahayd.. hadda fadlan sumcadda aad rabto inaad umadda dhexdeeda ku yeelato ha iska xumeyn mudane.

  13. Cumar says:

    ASC,

    Markaan iraahdo waxba ha milicsan laabtaa i muhata.
    Dadkenaan miyir baabsan meeday xornimada aaway maamuuskeedii ,mee milgaheenii, goormaa nala makalay oo mowdka ka adeegay.
    Ma goortay moolka gashoo mugdiyaalo dabooleen ayaa maahir layska dhigi?….Ma hadda ayaad xor tahay, meel kastaaba joog?
    AAMUSKAA NALOO QAATAY SHARAF IYO KARAAMA BERI HORAA LAGA GABAY.

  14. xasan elmi says:

    Dr. Saciid Ciise Maxamuud gudoomiyaha dadka la baxay ma sidaan baa magaca Dr ku wadataa cajiib. waa adiga diidan danaha turkiga ee ka leeyahiin somalia mise waxaa ka door biday in Ethiopia danaheeda la fuliyo,bal waxaas baa isku sheegaa aqoon yahay jaamacadeed. War ilaah ka baq Saciid ciise waxaa ila tahay inaa nin wareersan tahay ama maskaxda ka qabo Naceeb Islam.Aduunka maanta isbedel weyn ku dhacay Turkiga oo soomaali maamulo maanta 100% shacabka soomalida diyaar u ah adigase waxaa tahay shaqaale Zenawi soo dirsaday iyo mid diinta islaamka naceeb u qabo

  15. Adam says:

    Cajiib , magaca Umadda ee Khasaaaray ayaaba ciil iga hayaaa , ‘Dr’ magac maahane waa darajo cilmiyeed la gaaro , haday diinta u xaglinayso dawladda Turkiga adigu ma Cilmaani diidan diintaad tahay? goorma ayaad soo baraarugtay ? ujeedkaaga ma caddee malahayga Adis ayaa lagaala soo hadlay , hasa ahaatee Ogoow inuu dhamaaday wakhtigii Maafiyada Nairobi iyo Beesha Caalamka

  16. diriye says:

    Waxaan soo dhawaynayaa in qof walba fikradiisa lagu ixtiraamo,tanna aad loogu baáhan yahay inay somalidu barato. intaas ka dib, waalaalka fikradan soo qoray waxaan isleeyahay malaha ETHIOPIA iyo huwanteeda ayaa kaga haboonayd inaan tan turkiga ka hor marino.
    walaal qoraalkaaga meel qudha links ama meel aad ka soo xigatay taariikhdan iyo hadalkan aad qortay midna maad sheegin, aduunku maanta waa itus oo i taabsii, tusaale sida aan uga baranay walaalaha Somalitalk, hadalkasta links, iyo raad-raac ayuu leeyahay. marka qoraaladaada danbe ku soo bandhig war sugan oo leh daliil iyo meel uu ku arooro oo laga raad-raaco, si ummaddu uga wada faaiidaysato.

  17. carabey says:

    sallaan kadib horta danta uu ka leeyahay turkiga waa inu raashiin ku siyo ,lacag caddaan ah u qaybiyo masaakiinta,dawo ku qaybiyo, iskoolo ku dhiso,isbitaallo ku dhiso ,waddooyinka ku dhiso,,haddii uu kusoo gurmaday iyado adduunka dhan ay ka aamusan yihiin ,mucaaradnimaddaadda sow caddaalad uma ekanayso? waliba haddii sidaan musharax ku tahay ,madaxwaynoow xaal qaado.. waan idiin sallaamay dhamaantiin.

  18. shire says:

    qabqable fooqal qabqable hadaanan laguu yeerin oon diyaarad lagu saarin ma inaad caytataa

  19. Hassan says:

    Waan ku salaamay marka hore Dr. Saciid Ciise Maxamed. Waxaan jeclahay inaan figrad ka dhiibto qoraalkaaga.
    Marka hore, waan kugu raacsanahay in Turkigu uu damac wado, mid xum iyo mid fiicanba, waanan kasoo horjeedaa cidwalba oo rabta iney wadankeena maamusho ama siqaldan noola macaamisho, xitaa Turkiga. Laakiin waxaad indhaha ka qarsatay dadka kale ee ayagana danta kaleh Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan aan wada ognahay inuu damacoodu xun yahay oo qaarkoodna ay dileen kumanaan Soomaaliya ilaa iyo hadana ay wadaan. Waxaan ku xasuusinayaa in hadaba ay kataliyaan wadankeena dad ajnabi ah. Sida xafiiska UNka, AU iyo ciidamadooda, iyo wadamada deriska nala ah, oo ay ugu danbeysay duulaankii Kenya. Maxay uga duwan yihiin kuwaan Turkiga ayagoo weliba danbi kagalaaya dalkeena iyo dadkeena? Waxaa wax laga naxa ah in adiga oo madaxweynanimo usharaxan maanta, aad aaminsan tahay in xafiiska UNka, AUka ay wadanka wanaag u wadaan adigoo inkiraaya xaqiiqada kuwaan. Mawaysan Ajnabi ahayn ayagaba? Mawaysan ku danqineyn danbiyada iyo siyaasadaha xun xun ee ay wadaan ayagaba? Dr. Siciid anigoo ku qadarinaaya, aan runta isku sheegno. Cidkasta oo dhib noogeysanaysa ama noogeysatay ama dan xun nagaleh, halmeel halooga soo wada jeesto. Soomaali hadaan nahayna aan danteena garano marka hore.
    Waad mahadsan tahay.