Home » Warar »

Xildhibaan Suleymaan oo sheegay in Shiikh Shariif uusan laali Karin Qodobo ka mid ah Axdiga

Iyadoo maalinimadii shalay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dawladda ku meel Gaarka SoomaaliyaM Shiikhj Shariif Shiikh Axmed uu ku Laalay qaar ka mid ah Qodobada Axdiga ku meel gaarka ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka ku meel Gaarka Soomaaliya.

Xildhibaan Suleymaan Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegey in Madaxweyne Shariif uusan awood u lahayn in uu laalo qodobo ka mid ah Axdiga Ku meel gaarka arrinta uu ku tallaabsadayna ay tahay mid Sharci darro ah.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya uu horseedayo tallaabooyin sharci darra ah taas oo uu sheegay in u ku doonayo inuu ku fadqalaleeyo hanaanka Geeddi socodka Road Mapka.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya inuu joojiyo falalka uu ku tallaabsanayo isla markaana uu dhowro Axdiga ku meel gaarka Soomaaliya.

Xildhibaano kale oo iyaguna ka hadlay arrintaa ayaa sheegey in Madaxweyne Shariif uusan haatan ahaynba Madaxweyne oo uu yahay mid ka mid ah saxiixayaasha sidaa darteedna uusan awood u lahayn inuu wax ka bedelo Dastuurka Dalka haddii uu arrintaa la yiaamadana ay u qaadanayaan Fidna abuur.

Hadalka Xildhibaanada ka tirsan Barlamaanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa waxa ay imaanayaan xilli Madaxweynuhu Maalintii shalay uu soo saaray wareegto uu ku rafaco qaara ka mid ah Qodobada Axdiga ku meel gaarka isla markaana awooddii Baarlamanku uu isaga gacanta ku qabanayo taasoo ka careysiisay xildhibaanada barlamanka qaarkood.

Mudada u harsan xildhibaanada Baarlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ah mid aad u yar wallow xiliyadii dambana aysan jirinba wax dhaqdhaqaaq ah oo ay sameynayeen xildhibaanada oo aad moodeyseyba inay meesha ka sii baxayaan.

W/D Amniin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.