Home » Warar »

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisey Jaamacad ku taala dalka Malaysia.

Sanadkan 2012  waxaa Jaamacadda Universiti Teknologi Malaysia ee loo soo gaabiyo UTM   ka qalin jabiyay tiro arday  Soomaali ah oo dhameestay  bachelor degree iyo Master degree.

Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabisey Jaamacadda Universiti Teknologi Malaysia (UTM) ayaa nasiib u yeeshay in ay ka mid noqdaan boqolaalka arday ee dalalka kala duwan ee dunida ka yimid ee sanadkan 2012 dhameesta jaamacadda UTM.

Xafladda qalin jabinta dufcadda 48-aad oo lagu qabtay xarunta jaamacadda  ee ku taal Gobalka Johor Bahru ee Koofurta dalka Malaysia ayay ka soo qeyb galeen Maamulka Jaamacadda, Wakiilo ka socday Boqortooyadda Malaysia iyo marti sharaf magac iyo maamus ku leh dalka.

Jaamacadda UTM  ayaa horay waxaa oga qalin jabisey arday badan oo Soomaali ah iyadoo sanadkan 2012 ardayda qalinjabisay qaarkood aan fursad u helay in aan la hadlo ay ii sheegeen in ay ku faraxsanyihiin guusha ay ka gaareen waxbarashadda.

Mohamed Haji Abdikadir oo ka mid ah ardayda sanadkan ka qalin jabisey jaamacadda dhameestayne Master of Information Security ayaa yiri “Aadbaan ugu faraxsanahay in aan fursad u helay in aan Jaamacadda UTM aan Master-ka ku dhameesto anigoo degree-ga ku soo dhameestay dalka Sudan, waxbarashadda waan sii wadi doonaa diyaarna waxaan u ahay in aan dalkeeyga ku laabto oo aan wixii aan soo bartay aan wax ugu qabto dadkeeyga”.

Jaamacadda UTM ee dalka Malaysia waa jaamacadda sanadkan 2012 kaalinta 1-aad kaga jirta jaamacada dalka Malaysia halka kaalinta 4-aad ay kaga jirto jaamacadaha Koofur Beri qaaradda Asia sidoo kalle Jaamacadda ayaa ka mid noqotay 200 jaamacadood ee dunida ugu fiican iyadoo sanadka 2020 rajeeneeysa in ay ka mid noqoto 50 jaamacadood ee dunida ugu fiican hadduu rabi idmo.

Waa kuwan magacyadda qaar ka mid ah arayda sanadkan Jaamacadda UTM ka qalin jabisey.

Ardeyda Master ka qalin jabisey:

1- Abdillahi Abdirahman Aareh – Master of Human resource Development

2- Abdilahi Deria Liaban -Master of Information Security

3- Mohamed Hagi Abdulkadir -Master of Information Security

4- Mohamed Jama Madar – Master of Information Technology Management

Ardeyda Bachelor Degree ka qalin jabisey:

1- Ali Mukhtar Ali – Human Resource Development

2- Hassan Ahmed Abdi – IT management

3- Farhan Ali Gelle – Electric -Medical Telecommunication

4- Mustafe Mohamed Abdilahi -Civil Engineering

5- Samakab Ahmed Bahsir -Technology Management

 

waxaa soo tebiyey

Ibraahim Da’ud Abdalle

Kuala Lumpur-Malaysia.

sayfudiin@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.