Home » Warar »

Warar ku saabsan Xisaabiyihii Shirkada SKA Xafiiskeedka Soomaaliya oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Wajeer….

Iyadoo Shalay gelinkii hore ay soo baxayeen Warar Sheegaya in Khasnajigii Shirkadda SKA ee Xafiiskeeda Magaalada Muqdishu uu la goostay Lacago ayaa haddana wararkii u dambeeyay waxaa ay sheegeen in Khasnijigaas lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Wajeer oo Duulimaadka Magaalada Muqdisho ka baxa uu sii maro laguna Baaro.

Ninkan oo shirkaddaas SKA ee laga leeyahay Dalka Koofur Afrika u shaqaynayay ayaa la sheegey in dhalashadiisu ay ahayd Masar gaar ahaan kuwa Qidbiyiinta loo yaqaano.Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in Khasnajigan uu la goostay Lacag gaaraysa illaa Seddax Boqol iyo Konton Kun oo Doolarka Maraykanka ah lacagahaasoo ay ku jireen Cashuurihii Garoonka laga qaadayay.

Ciidamada ammanka ee dalka kiinya ayaa la sheegey in Ninkaasi ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Wajeer in kastoo aan la cadeeyn in Lacagihii uu la baxsanayay inuu watay iyo in kale. Saraakiisha Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegey in Ninkaasi haatan loo dhaa dhiciyay Magaalada Nayroobi isla markaana baaritaano lagu hayo. Khasnajigan ka tirsanaa shirkadda SKA ayaa shalay gelinkii hore ka dhoofay Magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warar ku saabsan Xisaabiyihii Shirkada SKA Xafiiskeedka Soomaaliya oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Wajeer…. "

  1. warsame says:

    Waxay ilatahay in arintani aysan u baahnayn in la sheeg sheego!!! sababtoo ah garoonka wixii ka danbeeyay Madaxweeynihii hore ee soomaaliya ilaahay ha u naxariiste cabdullahi yusuf waxa garoonka qabsaday shisheeye. shisheeyahaasi magarankaro hadaan soomaali nahay waxay dalkeena soo galiyaan iyo waxay ka dhoofiyaan. dabcan waa garankaraa in dad soomaaliyeed oo ubadan dawlada iyo xubnaha baarlamaanka ay ka dhoofaan kana soo dagaan intaa waa aragnaa oo kaliya. manaqaano dhaqaalaha soo gala ama kabaxa garoonka oo aan soomaali gacanba uugu jirin ee ay leeyihiin niman cadaan ah halka dadka mogdisho ay ka yihiin adeegayaal cadaankaas tirada yari haysto.

    shirkadaa SKA ee cadaanku leeyahay hadii shaqaaleheedii oo ajanabi ahi dhacay maxaa soomaali ka khuseeya? waxaase layaab leh in ragii mogdisho 21 sanadood garoonkaa isku dilayay ay maanta hoos fadhiyaan oo u niikinayaan macnaha raali ku noqdeen shisheeye cadaan ah oo adoon sanaya kuna adoon sanaya waxay isu diideen dhexdoodu.

    waxaan soo xusuustay waagii mogdisho ay u kiraysnayd siciid bar qash oo ka kiraystay talyaani taasoo uu ka xoreeyay markii danbe ilaahay ha u naxariistee suldaan caliyuusuf keenadiid boqor. boqorka oo ku canaantay soomaalida inay liidnimo tahay in shisheeye aad dhulkaaga u ogolaato oo aad u noqoto shaqaale hoose oo liita sida hada mogdisho ka jirta taas oo aan ka jirin garoonka barbara hagaysa iyo boosaaso iyo garoowe.

    Dadka mogdisho waa sidii waagii suaashu waxaa weeye goormay is xoraynayaan mise waligoodba waxay sugayaan somaliland iyo puntland.