Home » Warar »

Xukuumadda KMG oo Sheegtay in si wanaagsan loo soo dhaweeyey odayaasha Dhaqanka ee ka qaybgalaya shirka Muqdisho

“Maalmihii la soo dhaafay Madax Dhaqameedka waxaa u socday barnaamijyo loogu sharaxayey nidaamka iyo habkii ay u soo xuli lahaayeen Ergada Ansixinta Dastuurka. Waxeyna fursad u heleen ay ku akhristaan dhammaan heshiisyadii Garowe I, Garowe II iyo kii Gaalkacyo…”  warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri:

Shirkii Golaha Wasiiradda
Muqdisho, 17 Maarso 2012

(Muqdisho, 17 May 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa looga hadlay arrimaha dhameystirka xilliga Kala Guurka ah.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhameystirka Xaaladda Kala Guurka ah oo uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in bisha August uu dalku yeesho Dowlad Rasmi ah oo taam ah.

Golahu waxey warbixin ka dhageysteen guddiyadii Qabanqaabada barnaamijka Madax Dhaqameedka oo kala ahaa guddiga Logistikada, Hab-Maamuuska, Amniga iyo Wacyigelinta.

Guddiyadan ayaa sheegay in Madax Dhaqameedkii loo soo dhoweeyey si heer sare ah isla markaana uu shirkii 5ta bisha May u bilowday si heer sare ah. Maalmihii la soo dhaafay Madax Dhaqameedka waxaa u socday barnaamijyo loogu sharaxayey nidaamka iyo habkii ay u soo xuli lahaayeen Ergada Ansixinta Dastuurka. Waxeyna fursad u heleen ay ku akhristaan dhammaan heshiisyadii Garowe I, Garowe II iyo kii Gaalkacyo oo dhammaantood qeexayey sida loo wajahayo dhameystirka qorshaha Geediga Nabadda.

Madax Dhaqameedyadu waxey kaloo fursad u heleen iskuna barteen isna dhaafsadaan fikirado iyo waayo aragnimo oo ay bar-bar socoto dib-u-heshiisiin iyo sidii ay u wajahi lahaayeen mas’uuliyadda culus ee looga baxayo nidaamka KMG ah.

Sidoo kale, waxey ka dhageysteen Guddiga Madaxa Bannaan iyo Guddiga Khubarada Soomaaliyeed ee Dastuurka taariikhdii uu soo maray Dastuurka oo soo bilowday 2004 ka dib markii Dowladdii Federaalka KMG ah lagu yagleelay magaalada Nairobi, ujeedaduna aheyd in labo sano iyo bar gudahood lagu soo dhameystiro Dastuurka si looga baxo KMG ka. Si Kastaba Dastuurkii la soo waday muddada 8da sano ayaa 20kii April la soo dhameystiray.

Waxaa lagu wadaa in Qabyo Qoraalka loo soo bandhigo shacabka maalmaha soo socda, si shacabku uga doodaan, uguna biiriyaan fikirkooda.

Ugu dambeyntii golahu waxey ku ammaaneed guddiga qabanqaabada kuna dhiiri geliyeen in la sii dar-dar geliyo howlaha bacdamaa loo gudbayo marxaladdii labaad ee ah soo xulidda Ergada Ansaxinta Dastuurka oo la filayo in shirarkooda uu dhowaan ka bilowdo Muqdisho.
— DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadda KMG oo Sheegtay in si wanaagsan loo soo dhaweeyey odayaasha Dhaqanka ee ka qaybgalaya shirka Muqdisho "

  1. muufo says:

    Jahwareerinta ra/yul caaamka ayaa shaqada Ra,iisul wasaarahu noqatay, ceeb waxaa kuugu filan inay Isisimadii Degaankiinu kaa soo laabtaan dhaqan xumadaad Kula kacday awgeed,