Home » Warar »

Ha’yada Culimada Soomaaliyeed oo Shacabka Soomaaliyeed uga Digtey Dastuurka Qabyo Qoraaleedka

“Waxaan caddaynaynaa in qabyaqoraalka dastuurku yahay mid dayacaya diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaana intiisa badan laga soo miin guuriyay dastuuro aan la jaanqaadi karin waaqica ka jira Soomaaliya saas darteed waxaan uga digaynaa shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah inay ku dagmaan ansixinta dastuurkaas,” Bayaanka Culimada Soomaaliyeed…

Hayadda Culimada soomaaliyed oo ay ku bahoobeen Culimaaudiinka soomaaliyed ee ayaa ka soo saartay magaalada Muqdisho Bayaan ay kaga hadleyso xaalada dalka waxaana Bayaankaas qeybo ka mid ah looga digay shacabka soomaaliyed iney ogolaadaan qabyo-qoraalka dastuurka soomaaliya ee dhowaan la doonayo in ansixinayo kaasoo Hayaddu ay sheegtay inuu yahay mid khilaafsan shareecada islaamka.

Bayaanka ka soo baxay Hayadda oo April 9, 2012 loo qeybiyey saxaafada Muqdisho ayaa u qornaa sidan (Halkan ka akhri Bayaanka)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Ha’yada Culimada Soomaaliyeed oo Shacabka Soomaaliyeed uga Digtey Dastuurka Qabyo Qoraaleedka "

  1. ASC,

    Waxa aan Salamayaa bahada Somalitalk.com iyo Culimada. Intaa kadib wax aay ila tahay ra’yigayga ku aadan Dastuurka in ay tahay mid qald ah oo laga galayo gabood fal dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    Dastuurka qabyo qoraadalka waan aqriyay ilaa iyo dhowr bog marka waxaa iiga soo baxaday oo ii cuntami waayay Qodobkaan

    Qodobka 22aad-Xorriyadda Diinta iyo Caqiida
    1. Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo Diintiis.

    Wax aa loo baahan yahay in qodobkaan si fiican faahfaahiyo maaxaa yeelay sida aan ogsoonahay Dadka soomaaliyeed waa dad 100% Muslim ah oo na heysta diinta Islamka.

    Waan yaabee Dastuurka ma wax uu hoos ku wataa in somaliya lagu beero dad aan Islam aheen ….

    FG: Wali ma dhamays tirin aqrinta dastuurka

  2. Dr gacaliye says:

    Asc….. Dalkeena iyo dadkeena mudo badan ayey dayacnaayeen sikastaba maanta muuqaal dowlad iyo saansaan nabadeed ayaa bidhaantay mid wanaagsan alle haka dhigo AAMIIN….. Dowlada maanta ka jirta wadankeena weyka duwantahay xukuumadii milatariga, DKMGKA waxeey ogoshahay wadatashi iyo in lasaxo lagana wada hadlo wixii qalad loo arko……. Waxaan dhaliilayaa dadka hay’ada culimada soomaaliyeed sheegtay qaabka aragtidooda u soo jeediyeen waxaa ka muuqata amar iyo awood sheegasho qaabka hadalka ay usoo jeediyeen waxaa moodaa xisbi wadanka ka dhisan oo mucaarad ku ah dowladala.. Culimada hadeey daacad yihiin wixii la qaldan waa in aay ka dalbadaan in dib loo eego qodobada dastuurka iyo tirsiga ama lambarka….. Weey ila qaldantahay in shacabka hadalka si toos ah loogu soo jeediyo iyada oo an dowlada lagala hadlin….. WAA SOCOTAA

  3. Ali gurey says:

    Waxay ahayd in culimaddu bayaankooda ku xusaan/sharaxaan qodobada dastuurka ah ee ay ka muuqdaan dayaca diimeed,daleed, daddeed, intaba, si cid waliba bayaanka dhadhankiisa u macaansato,

    faahfaahintaasi sida cusbadu raashinka u macaanayso ayay u macaanayn lahayd bayaanka culimada….waxaanse bahda Somalitalk oo aannu uga barannay ifinta iyo caddaymaha waxyaabaha liddiga ku ah jiritaanka dadka iyo dalka soomaaliyeed ka codsanaynaa inay si qeexan ummadda soomaaliyeed ugu soo bandhigaan dastuur qabyo iyo sirta ka danbaysa.

  4. Ibu Xusseen says:

    Dastuurka mudaa lahadal hayay oo loo shirayay, mudo horena waa lafaafiyay. waxa culimada bayaankeeda waqtigaan kusoo beegay dar alle ilama aha, siyaasadna kama mara….!

  5. mohamed says:

    waxaa fiicnaan lahayd in qabyo qoraalka lasoo geliyo website-yada haddii ay suuroobayso si aqoonyahanka soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda kala joogaa u arkaan xaqiiqda uu xanbaarsanyahay.

    waxaa kale oo fiicnaan lahayd in khaladaadka ku jira si faahfaahsan culimadu uga hadlaan lana faafiyo si aragti cad loogaga sugnaado baaqa culimadu soo sareen.