Home » News »

Dacwaddii ku Socotay Cariga Mareykanka Gen. Maxamed Cali Samatar oo Haatan soo Gabagabowdey.

In ka badan Todoba Sano ayaa waxaa dacwad ay kaga socotay dalka Maraykanka Wasiirkii gaashaan Dhigga ee Xukuumaddii Kacaankii 21kii Oktobar Gen. Mxamed Cali Samatar waxaana Dacwadaas wadey Shaqsiyaad Soomaaliyeed hase yeeshee .Cabdicasiis Diiriye iyo Faysal Muuse oo ka mid ahaa dadkii dacwaddaas daba taagnaa sida gaarkana u danaynayay ayaa ka hadlay siyaabihii ay dacwaddaas ku soo gaba gabowdey.

Cabdicasiis iyo Faysal oo Idaacadda BBCda waraysi siiyay ayaa sheegey in Haatan uu qirtay Madaxweyne Ku Xigeenkii Soomaaliya ee Xiligaas Mas’uuliyadda xasuuqii ka dhacay Waqooyiga Soomaaliya.Labadan Nin ayaa sheegey in Maxamed Cali Samaat mudada intaa la eg in ay qaadato dacwadanu uu isagu sababteeda lahaa isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa xukun walboo dhaca uu abbiil ka qaadanayay

Dacwoodayashan ayaa sheegey in maxkamaddii ugu danabaysey uu Jananku sheegey in uusan sii wadi Karin Dacwadaha oo lacagihii ay ka dhamadeen sidaa darteedna uu Mas’uuliyadda Denbiyadii lagu soo Oogay dhamaantooda uu qaatay.Labadan Nin oo ka mid aha dadkii sida aadka ah u daba taagnaa Generaal Samatar ayaa sheegey inuu difaacayay Rag kale oo sidiisa oo kale dembiilayaal ah si uusan Dariiq ugu furin iyagoona intaa raaciyay haddii goor hore uu qiran lahaa dembigiisa in ay ka hari lahaayeen.

Labadan Nin ayaa sheegey in haatan aysan dooneyn in la xiro Generaal samatar balse ay doonayaan inuu Mag dhow ka bixiyo Dembiyadii uu ka galay Gobolada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.in ku dhow Siddeed sano ayey Dacwadani ka soconaysey dalka Marayakanka iyadoona si gaar ah loo bar tilmaameedsanayay Wasiirkii gaashaan Dhigga ee Xukuumaddii Maxamed Siyaad barrehase yeeshee Maxamed Cali Samater wuxuu Xiligaa ka mid ahaa dowladii Miltariga ee uu Madaxda u ahaa oo ku jireen Shaqsiyaad fara badan oo la mid ahaa Maxamed Cali Samater , balse dadka qaar ayaa qaba in Cali Samater loo bartilmaameedsadey arrimo qabiil

Waxaa horey u dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dacwada Gen Maxamed Cali Samater iyagoo dadkii ka qayb galey Banaanbaxyadaas ay sheegeewn in Cadaalodaro ah tahay in hal Shaqsi laga Bartilmaameedsado Dowladii Miltariga ahayd waxayna ka codsadeen Dowladda Mareykanka in Dacwdaas ay baabi’yaan iyagoo sheegey in Dowladii Miltariga ahayd ay ahayd mid loo wada shaqeynayey islamarkaana kuwa maanta Dacwadaas Wada dadkooda Xukumaan Qaar ka mid ah Gobolada Waqooyin ay ka mid ahaayeen Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.