Home » Warar »

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Oo Mas’uuliyadda Soo Gelitaanka Ciidamada Shisheeye Dhabarka U Saarisey Xarakada Shabaab.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soo galay.

Shiikh Bashiir ayaa ayaa u aaneeyay soo gelitaanka Ciidamada shisheeye ee dalka Xarakada Shabaab isagoona sheegey in ay ku gacan seeyreen sidii nabad dalkan loogu soo dabbaali lahaa.

“Mas’uuliyadda arrintan waxaa qaadaya Xarakada Shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed isagoona intaa raaciyay in ay jireen dadaalo badan oo lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada shabaab taasoo shabaabku ay dideen .

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Hay’adoodu weli ay diyaar u tahay u kala dab qaadida dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka haddii taa laga helo dhinaca Shabaabna ay Mushkiladdaasu iska dhamaan doonto waa siduu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ka digay sii socoshada dagaalada isagoona farta ku fiiqay haddii Shabaab ay arrintaa nabad raadinta ah ay u hoggaansami waayaan in iyagu ay lahaan doonaan dhibaatada mar walba ka dhacda Soomaaliya.

Shiikh Bashiir ayaa ku celiyay in ay fidinayaan diyaarna u yihiin in ay dhigaan Gogal nabadeed haddii laga helo Shabaab haddiise ay taa diidaan waa siduu hadalka u yiriye dhibaatada Soomaalidu waxa ay ahaan doontaa mid sii daba dheeraata.

Hay’addan Culumada Soomaaliyeed ayaa hore ugu dhawaaqday in ay diyaar u tahay in ay isku keento dhinacyada wadanka ku dagaalamaya hase yeeshee waa ay ku guul daraysatay in arrintaa ay meel mariso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Oo Mas’uuliyadda Soo Gelitaanka Ciidamada Shisheeye Dhabarka U Saarisey Xarakada Shabaab. "

  1. Nabad Doon says:

    Walee, nimanka sidaa yiri ma waxa aanay ogeeyn inaynu ka warhayno in duulaanka ay Keenya ay ugu soo hawootay dhul hor leh oo Soomaaliyeed inaanu soo bilaaban shalay iyo doraad midkoodna. Qoladaa ku midowday Ictisaam waxan u soo jeeden lahaa bal ineey la tashi ugu tagaan Julian Assange iyo shabagaddiisa wikileaks.org oo iyaga uga dhow xaqiiqo sheegista. Kuwii ku hoos noolaa haddii bururufleey ay ka amaan gali waayeen sida ku cad filimka kan ee laga hali karo cinwaan shabaqeedkan:

    ayaa qalbigu daxaloobay oo aamina!

  2. Cabdulaahi says:

    Weligay ma maqal nin culima sheeganaya oo sidaas oo kale u hadlaya Waaar Ilaahay ka Yaaba Shaadhka Culumada Intaad iska dhigtaan bal kii wadanka soo qaata oo dal cadow ku soo duulay waa in ladifaacaa

  3. mubarig says:

    asc

    sh bashiir al ha noo hafido lakiin masaladana waa ku qaldamaay, waxa wanagsan in la is waydiyo waa ayo shisheeyaha soo galay wadan? kenya iyada ayaa dagal kula jiirtay al shabab, 3 sano ayay cidamo u taba barayeen qolyaha ka soo hor jeeda al shabab, nin aqaalkaga duuminya waxba kulama hadhiin,, kuwa kalayna ee shiisheeyahana awaalba waay joogeen oo kama aysaan maqneen somaliya,,, iyagaba xukuma wadanka.,,

    suaasha kale ee ah may al shabab la heshiso dowlada? oo yaa la heshiya aniga shaqsiiyaan uma arko kuwa dowlada ah in ay gooan leeyihiin ama ay waax heshiis ah gali karaan, taasina waay iska cadaahay, oo arimo badaan marka indhaha layska saaro,, waxaana indha layska qabaan kariin,, mid ah yaa mushaaharda siiya kuwa dowlada?? waa wadamadaan la dagalamaya al shababa un,,, marka ma nin cunatada haya ayad diidaysa waxa uu soo jeediyo,,,

    aniga arinka sh baashiir waxaay ila muuqata un in sh bashiir qolo ay is hayaan uu fuursaad u helaay maanta,, waax intaa dhaafsiisan ma lahaa,,,

    “alloow waa la kala miirte moseveni ha i raaciiin”

  4. aadan cali says:

    Asalamu aikum
    dhamaan akhristayasha wa ay salaamyihiin..
    waxaa wax lala yaabo ah hadalka kasoo yeeray Bashiir salaad..hadii aad ufiirsataan ma aha markii koowaad ee uu eeda saaro dhalinyarada xaq udirirka ah..dhibaato walba oo dhacda oo ay gaalada iyo dadka halgamaa ka dhex-dhacda waxa uu eedda dusha usaaraa DHALINYARADA SHABAAB!! waxaa mudan inaan iswaydiino GUMAADSOM iyo kuwa la socda waligood ma khaldamaan miyaa?
    waxaan diyaar u ahay maanta inaan BASHIIR salaad aan kudabo faylo haddii la iikeeno hal bayan oo uu soo saaray oo u ku eedeenayo GUMAADSOM?
    Hay’ada culimada la leeyahay mxay tahay? yaa sameeyay yaa ka tirsan…maxay qabataa oo aan ku qiimeyna?

    Ufiirsada walaalayaal hay’da BAshiir Salaad waxa ay hadashaa oo ay bayaan soo saartaa marka gaalada gumaysiga madow la jabiyo ama ay qiil qiil galaan..bal hadii aan been sheegayo webka google gareeya oo baara bayaanada hay’ada BAshiir salaad …
    Alaah ayaan ka baryana ainuu ka shifo dadka saharkad iinta ku qaraabayana..
    laakiin hal ayaan Allaah ugu mahadcelinaynaa inuu ummaddii baray xaqqa ayna ukala cadahay dadka saxsan iyo kuwo khaldan..

    Hay’ada maxay uga hadli la’dahay duulaanka gumaysiga ee ay Kenya kusoo qaaday wadankeena Somaliya? kdib aan ka hadalno yaa sabab u ah iyo maxaa khaldan? mise baasaboorka Ethopiayaanka ee uu wato ayaa laga qadayaa oo Nairoobi mar dambe kama dagi karo miyaa?
    mise saxiibadiis Nairoobi kuleh hoteelada ayaa uu udanaynayaa?
    Alaah ayaan ka baryayaa inuu xaqa nagu sugo
    wasalam

  5. waxan ku raacsanahay walaalkay ABDI hadii ay shabaab masuul kayihiin soo galitaanka itoobiya idinkuna waxad qaadaysaan masuuliyadii soo galitaanka itoobiya ee 2006 dii xiligii aad lahaydeen maxaakiimta nuurka iyo barakada, so galitaankaas inta habar lagu dilay iyo inta caruur lagu dilay iyo oday lagu dilay idinkaa qiyaamada lasoo istaagaya insha alaah,

  6. ABDI says:

    ASSALAMU CALEYKUM

    SHEEKH BASHIIR IYO ALICTISAAM ILAAHEY HA KA CABSADEEN. MARKII AY MAXKAMADAHA HORBOODAYEEN IYAGU MA SHABAAB AYAA XABASHI SOO GALIYEY. HOGGAAMIYE KOOXEEDYADA MARKEY HUBKA SOO SIINAYEEN EE IYAGU AY QIRANAYEEN INEY HUBKA SIISO XABASHIDU MA SHABAAB AYAA JOOGEY. SSDF,SNM IYO USC MARKII AY SOO HUBEYNAYEEN MA SHABAAB AYAA JOOGEY . HADII NIMANKA CULIMADA SHEEGANAYAA EE ADUUNYADA RAACEY AANEY ILAAHEY U NOQON OO RUNTA KITAABKA ILAAHEY KA SHEEGIN OO AY JIHAADKA AY RABAAN INEY AFKOODA KU DAMIYAAN AANEY KA WAANTOOBIN ILAAHEY SIDII REER BANI ISRAAIIL AYUU DAAYEERO U BEDELI DOONAA. ILAAHEY HA KOR YEEELO JIHAADKA IYO DADKIISA

  7. abdiaziz says:

    asc aniga waxaan ku wareeray soomaalida gaar ahaan wadaadadooda qof sax san iyo qof qaldan waaba kala fahmi waayey waayo qaarkood iyaga oo culama ah ayaa laga yaabaa in ay cabsanayaan ama diintooda gadan karaan….al muhiim soomaalida waxaan ku boorin lahaa in ay diintooda bartaan si ay u fahmaan wax lagu leeyahay waxa ka saxsan iyo waxa ka qaldan labadaba

  8. amow says:

    walaal marka hore waa arinlayaab badan somali waxaa marba shaati diineed la isku soo xiranayaa oo af gooni lagu hadlayaa hada ictisaam ayaa magac kale la baxday miyaa mise anigaa mooday .walaaalayaal dadkii way dhamaadeen umada ya la wareerin marba urur ayaa hadlayo afhayeenkooda oo magac kale la baxayo , war wareeey warhaayaaa

  9. ahmed says:

    Asalaamu CWW- Culumadu waa run in ay dadaal sameeyeen inta aan anigu la cocdo– Umada somaliyeed Baal Mugdi ah ayey kaga jiraan Al-Shabaab, waa dhab in Somaliya maanta mida haysata ay iygu masul ka yihiin , Cidamada soogalay wadankana u sababyihiin– hadii wadanka Amxaradu qabsato oo somali guumeysi gala ah qabsadaan iyaga ayaa ka masuul ah,, somalidu cadaw aan ahayn Shabaab maanta malaha xitaa Amxaaro. ALLOW NAGAQABO SHABAAB

  10. maxamed says:

    ascww
    sh bashiir marka koowaad ilahaygii na abuurtay aan ka cabsano,inta ka dib sheekh hal suaal
    shabaab waa dad soomaaliyeed waa mawaadiniin waxaad ii sheegta qofka nabada la galaya shabaab gogosha la fariisanaya?
    fadlan iiga soo jawaab aniga shabab ma ahi soomaali 20 sano dibad wareegaya ayan ahay oo dawladla’an ku dhacday. qolada haantan leh fadlan sheekha u gudbiya