Home » Warar »

Sida looga ciiday wadanka Shiinaha

Munaasabad aad u Balaaran oo lagu Waynaynayo Maalinta Ciidul Adxaa ayaa lagu qabray Magaalada Wuhan ee Dalka China, Taasi oo ay kasoo qayb galeen Marti Sharaf isugu jirta Dhaqaatiir, Arday iyo Walidiin.

Madasha Xafladan ayaa ahayd mid ay soo Agaasimeen Ururka Ardayda Somaliyeed ee China , waxaana halkaasi lagu lagu soo bandhigay Maalintan Qiimaha ay u leedahay Umuda Muslimiinta Gar’ahaan Somalida Ku Nool Dalkan China.

Dr xuseen oo ahaa Aasaasihii in Arday Somali uu Waxbarsho u soo aado Dalkan China ayaa ugu horayn Madasha Xaflada lagu soo Dheweeyey, waxaana uu Dr Xuseen Sharaxaad ka bixiyey Isbadalka wayn ee uu ka arkay Ardayda somalida ee ku soo badanaya dalkan Shiinaha kuwaasi oo doonaya in ay Cilmi ka qataan Shiinaha , isagoo kula Dardaarmay in ay hada ku dhax jiraan Waqtiga Nolasha ugu Fiican Aduunyada oo uu ku tilmaamay Qofka Dhalinyarada uu awoodo in uu wax badan ka faa’idaysto Cilmiga uu u yimi China.

Dr Mahdi ayaa sidoo kale ka mid ahaa Dadkii Xafladaasi Ciidul Adxaa ka hadlay waxaana uu aad ugu Booriyey Ardayda in uu sugaya Dal Bur Buray iyo Dad u baahan in waxloo qabto, isagoo meesha ka saaray in aysan dhicin Arday ku Fashilma Marxalada Jaamacada.

Hadaba Xafladaasi ayaa lagu soo Bandhigay Arday ku Guulaysatay tartan Qur’aan Aqris oo ay qabteen Ururka Dhaqaatiirta Yar yar oo uu Hoogaaminayo Cumar Shine , waxaana uu Cumar Shine sheegay in Tartankaani la qabtay Bishii Barkaysneed ee Ramadaan , waxaana lagu Tarmayayey Qur’aanka oo Dhan.

Halkan kadaawo Ciidii Muslimiinta somaaliyeed ee Wadanka Shiinaha degan

Gudoomiyaha Ardayda Somaliyeed ee China Qooje ayaa halkaasi ka hadlay waxaana uu Goomiyaha Madasha ka sheegay in uu aad ugu Faraxsan yahay in uu Ururkiisa inta uu Madax uu ahaa in ay u suura galeen waxyaalo badan oo uu u qabtay Ardayda Somaliyeed ee China.

Gudoomiye Qooje ayaa wareejiyey Xilkii uu hayey tan iyo Mudo Labo Sano, isagaoo sheegay in uu waqtiigaasa uu Dhamaaday , hadana u loo baahan yahay in Doorasho la qabto.

Ugu Danbeentii waxaa Casho Shraf loo Qaabtay Dhamaan Ardayda Waxkabarata Magaalada Wuhan.

Abdulkadir said ali

Wuhan, china
Gaani18@hotmail.com

008613554548157

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.