Home » News »

Gabaygii Hadafsame , Waa Gabay Ka Hadlayaa Marxalada Maanta Wadanka Soomaaliya Marayo

Waxaan Gabaygan  Curiyey 23 Oktoober  2011 waxaana  Gabaygan  waxuu ka mid yahay gabayada ama suugaanta aan kaga qayb qaadanayo  dib u dejinta iyo baraarujinta umada soomaaliyeed ee dhibaatada baaxada leh ee maalin walba sii fidaysaa haysato

gabaygan iyo gabayo kale oo aan aniga iyo  Abwaaniinta soomaaliyeedba  tirinay  waxay   ka mid yihiin dedaalka  ay ku jiraan  dadka  laxawga iyo dareenka ay ku hayso dhibaatadaa maalin walba taagan  ee meel kasta oo aad caalamka ka joogto aad ka maqlayso magaca soomaali , idaacad,  wargays, telefishin  maqal iyo muuqaalba   balse  war aad ku faraxdo marnaba aysan dhagahaaga ku soo dhacay, Dagaal  , qarax, abaar, gaajo, dhimasho , dhaawac,  boob  , sidaa awgeed bulshada soomaaliyeed  waxaan aaminsanahay inay yihiin bulsho dhibaatadii aduunka iyo mashaqadiisaa  Heerkii ugu danbeeyey ka gaadhay una baahan in af iyo adin lagula tacaalo. Hadaba Bogasho wacan Gabaygii  Hadafsame

Waxaan Gabayga ku soo halqabsanayaa si gaara  Saaxiibkay Cabdi shire Jaamac (Ciyaar jecel oo ah  kabiirka kooxda qeylodhaan oo had iyo jeer aan  ka midaysanahay dhinaca fekerka  wacyigelinta iyo qeylodhaanta ,

 

  1. Ma habayn beryahan ina shiroow  hogagii maansoode
  2. Hanaankeda waa taan dhigayoon  hilay warkoodiiye
  3. Ha,deediyo ma helin waayadan  gabay hilaadiise
  4. Hantidii abwaankiyo ka hadhay  hilinkii suugaane
  5. Murtidaan  habayn jiray  cabdiyoow hoos umaan dayine
  6. Hirarkeeda anigoo ka hadhay  haatuf ii yimide
  7. Ka kacoo hurdadii aan ku jiray  soo hambaabiraye
  8. Hal-abuurka maansiyo la kacay kala hufkeediiye
  9. Halka aan ujeediyo  hadaan hadafka kuu sheego
  10. Hawraartan  maqal jaalkayoow ma hurto weeyaane
  11. Hardan iyo dagaaliyo   dhibaa  helay dadkeene
  12. Habqan iyo  qaxbaa soo maroo  heeray ehelkiiye
  13. Hiirtaanyo ciil bay qabaan  huq iyo dheeraade
  14. Hilibkoodii baa habarduugaagtu u heshiiyeene
  15. Haykalkii dhisnaa  iyo la  waa haybadii hore e
  16. Hankii  lagu ogaa  maba lahoo hoos ayuu tegaye
  17. Halkii lagu yaqiin duulkanaga wuu ka haajiraye
  18. Hadhcad baa  gumaysigu handaday hanadadeeniiye
  19. Hayeh mooyee hadal kaleba  kuma hadaaqaane
  20. Hanaqaadkii waa hore ma jiro  higilkii buurnaaye
  21. Hawadeena  sare ciida iyo  badaha heelkooda
  22. Hantideena  nimaanbaa qortayoo  haysta maantaba e
  23. Heeryadaan shalay tuurnaybaa haatan na hortaale
  24. Hadhkii galaybaa niman hub iyo ciidan keensada e
  25. Hadal dhimeyey oo waynagaa  wada hadoodilane 
  26. Hadaan iri hayaan iyo midnimo iyo horseed fiican
  27. Hadaan iri humaagii xumaha daayaa hadafkiisa
  28. Hadaan iri hanaan iyo wanaag qaada hilinkiisa
  29. Hadaan iri hubsiimada badshoo xumaha hoos geeya
  30. Hadaan iri halaagii dhacay haad hanaga qaado
  31. Hadaan iri hantida iyo hubka iyo xooga ku heshiiyaa
  32. Hadaan iri hormuud aan helno haybad iyo muuqba
  33. Hadaan iri haraadiga hadhay nabad haloo doono
  34. Hadaan iri hurdaa ina gashay orod u heensaysta
  35. Hadaan iri hablo wiil midnimo horumarkeed doonaa
  36. Hadaan iri halyeey iyo haween hawsha fududeeya
  37. Hadaan iri hilmaamaay waxii hore inoo reebay
  38. Hadaan iri hengelihii xumaa hoosta ha u raacin
  39. Hadaan iri hubkiyo inaga  dhiga qoriga hawsaarka           
  40. Hadaan iri hamuuntiyo dib dhiga damacan heeryeysan
  41. Hadaan iri halgaadkiyo dhibkiyo  holaca baas daaya
  42. Hadaan iri higaadiyo barta heerarka aqoonta
  43. Hadaan iri hawraarsan iyo himiladoo toosan
  44. Hadaan iri Hamiga dowladnimo, horumarkeed doona
  45. Hadaan iri makala hadhi karnee  heel isugu keena
  46. Hadaan iri hacoo inaga jira haybta  kala sooca
  47. Hadaan iri hunguri waa xunyee  hoos wax haw eegin
  48. Hadaan iri  hogaan sama wadiyo  howlkarka adeeca
  49. Hadaan iri ninkii hadaf xun iyo hororka weeteeya
  50. Hadaan iri howl waa wada jiree  heesta kor u qaada
  51. Hadaan iri hantaqaada ka jira lama huraan ciida
  52. Hadaan iri huqdii cadow wadiyo diida hadafkiisa¨
  53. Hadaan iri haruur beerta iyo  geeda wada hoowra
  54. Hadaan iri haraadkiyo kabaxa oonkan hadhi waayay
  55. Hadaan iri  hawada geeya abid calanka hoodaale
  56. Hadaan iri  hog iyo inaga jira dabin  hulaabaysan
  57. Hadaan iri  hal mida wada noqdoo yaan la kala haadin
  58. Hadaan iri hujuunbaa jiree  heegan u ahaadaa
  59. Hadaan iri habsaan baa nahee  horukac  soo muuja
  60. Hadafkeenu nabad weeye iyo hoodo iyo guule
  61. Hayeh dhaha hayaankaa midnimo horumar weeyaane
  62. Dantiinana Hagaajoo ka hadha beenta hadafkeeda
  63. Hadaanse garan lahayn  heerka iyo hilinka aan joogno
  64. Kana hadhi lahayn haybta iyo cudurkan haareeyey
  65. Walee horumar baan gaari layn heersariyo guule
  66. Hawraar intii kari lahaa  hadal wanaagiisa  dheh
  67. Habayntii abwaan lagu yaqiin himiladiisii dheh
  68. Hantidii  aqoontiyo hidaha   horumarkeeni dheh
  69. Hayaay iyo kasoo kacay dadyahaw  hiil walaalnimo dheh
  70. Hadafkii midnimo lagu heliyo   talo heshiiskeed dheh
  71. Waxba hadalku yuu ila tarmine  hooris gabayaa dheh
  72. Halkii aan la rabay maansadiyo  hadafkii toosnaa dheh 

Sharax:

Magaca  Ina Shire + Cabdiyoow  = Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel)

Waa Qalinkii  Iyo Hal abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabaygii Hadafsame , Waa Gabay Ka Hadlayaa Marxalada Maanta Wadanka Soomaaliya Marayo "

  1. sama jel says:

    BOGAADIN
    waxaan aad bogaadinayaa gabyaaga oo soobandhigay gabay eey kamuuqato, wadaniya, fikir besil,maskax fiyoow, waxaana leeyahay wad dadaalkaada.
    runtii aqoon umalihi laakiin waxaan kafiiriyay sawirkiisa googlka, waxaana umalaynaa in uu yahay gabyaa dadiisu yartahay.