Waxaan Gabaygan Curiyey 23 Oktoober 2011 waxaana Gabaygan waxuu ka mid yahay gabayada ama suugaanta aan kaga qayb qaadanayo dib u dejinta iyo baraarujinta umada soomaaliyeed ee dhibaatada baaxada leh ee maalin walba sii fidaysaa haysato
gabaygan iyo gabayo kale oo aan aniga iyo Abwaaniinta soomaaliyeedba tirinay waxay ka mid yihiin dedaalka ay ku jiraan dadka laxawga iyo dareenka ay ku hayso dhibaatadaa maalin walba taagan ee meel kasta oo aad caalamka ka joogto aad ka maqlayso magaca soomaali , idaacad, wargays, telefishin maqal iyo muuqaalba balse war aad ku faraxdo marnaba aysan dhagahaaga ku soo dhacay, Dagaal , qarax, abaar, gaajo, dhimasho , dhaawac, boob , sidaa awgeed bulshada soomaaliyeed waxaan aaminsanahay inay yihiin bulsho dhibaatadii aduunka iyo mashaqadiisaa Heerkii ugu danbeeyey ka gaadhay una baahan in af iyo adin lagula tacaalo. Hadaba Bogasho wacan Gabaygii Hadafsame
Waxaan Gabayga ku soo halqabsanayaa si gaara Saaxiibkay Cabdi shire Jaamac (Ciyaar jecel oo ah kabiirka kooxda qeylodhaan oo had iyo jeer aan ka midaysanahay dhinaca fekerka wacyigelinta iyo qeylodhaanta ,
- Ma habayn beryahan ina shiroow hogagii maansoode
- Hanaankeda waa taan dhigayoon hilay warkoodiiye
- Ha,deediyo ma helin waayadan gabay hilaadiise
- Hantidii abwaankiyo ka hadhay hilinkii suugaane
- Murtidaan habayn jiray cabdiyoow hoos umaan dayine
- Hirarkeeda anigoo ka hadhay haatuf ii yimide
- Ka kacoo hurdadii aan ku jiray soo hambaabiraye
- Hal-abuurka maansiyo la kacay kala hufkeediiye
- Halka aan ujeediyo hadaan hadafka kuu sheego
- Hawraartan maqal jaalkayoow ma hurto weeyaane
- Hardan iyo dagaaliyo dhibaa helay dadkeene
- Habqan iyo qaxbaa soo maroo heeray ehelkiiye
- Hiirtaanyo ciil bay qabaan huq iyo dheeraade
- Hilibkoodii baa habarduugaagtu u heshiiyeene
- Haykalkii dhisnaa iyo la waa haybadii hore e
- Hankii lagu ogaa maba lahoo hoos ayuu tegaye
- Halkii lagu yaqiin duulkanaga wuu ka haajiraye
- Hadhcad baa gumaysigu handaday hanadadeeniiye
- Hayeh mooyee hadal kaleba kuma hadaaqaane
- Hanaqaadkii waa hore ma jiro higilkii buurnaaye
- Hawadeena sare ciida iyo badaha heelkooda
- Hantideena nimaanbaa qortayoo haysta maantaba e
- Heeryadaan shalay tuurnaybaa haatan na hortaale
- Hadhkii galaybaa niman hub iyo ciidan keensada e
- Hadal dhimeyey oo waynagaa wada hadoodilane
- Hadaan iri hayaan iyo midnimo iyo horseed fiican
- Hadaan iri humaagii xumaha daayaa hadafkiisa
- Hadaan iri hanaan iyo wanaag qaada hilinkiisa
- Hadaan iri hubsiimada badshoo xumaha hoos geeya
- Hadaan iri halaagii dhacay haad hanaga qaado
- Hadaan iri hantida iyo hubka iyo xooga ku heshiiyaa
- Hadaan iri hormuud aan helno haybad iyo muuqba
- Hadaan iri haraadiga hadhay nabad haloo doono
- Hadaan iri hurdaa ina gashay orod u heensaysta
- Hadaan iri hablo wiil midnimo horumarkeed doonaa
- Hadaan iri halyeey iyo haween hawsha fududeeya
- Hadaan iri hilmaamaay waxii hore inoo reebay
- Hadaan iri hengelihii xumaa hoosta ha u raacin
- Hadaan iri hubkiyo inaga dhiga qoriga hawsaarka
- Hadaan iri hamuuntiyo dib dhiga damacan heeryeysan
- Hadaan iri halgaadkiyo dhibkiyo holaca baas daaya
- Hadaan iri higaadiyo barta heerarka aqoonta
- Hadaan iri hawraarsan iyo himiladoo toosan
- Hadaan iri Hamiga dowladnimo, horumarkeed doona
- Hadaan iri makala hadhi karnee heel isugu keena
- Hadaan iri hacoo inaga jira haybta kala sooca
- Hadaan iri hunguri waa xunyee hoos wax haw eegin
- Hadaan iri hogaan sama wadiyo howlkarka adeeca
- Hadaan iri ninkii hadaf xun iyo hororka weeteeya
- Hadaan iri howl waa wada jiree heesta kor u qaada
- Hadaan iri hantaqaada ka jira lama huraan ciida
- Hadaan iri huqdii cadow wadiyo diida hadafkiisa¨
- Hadaan iri haruur beerta iyo geeda wada hoowra
- Hadaan iri haraadkiyo kabaxa oonkan hadhi waayay
- Hadaan iri hawada geeya abid calanka hoodaale
- Hadaan iri hog iyo inaga jira dabin hulaabaysan
- Hadaan iri hal mida wada noqdoo yaan la kala haadin
- Hadaan iri hujuunbaa jiree heegan u ahaadaa
- Hadaan iri habsaan baa nahee horukac soo muuja
- Hadafkeenu nabad weeye iyo hoodo iyo guule
- Hayeh dhaha hayaankaa midnimo horumar weeyaane
- Dantiinana Hagaajoo ka hadha beenta hadafkeeda
- Hadaanse garan lahayn heerka iyo hilinka aan joogno
- Kana hadhi lahayn haybta iyo cudurkan haareeyey
- Walee horumar baan gaari layn heersariyo guule
- Hawraar intii kari lahaa hadal wanaagiisa dheh
- Habayntii abwaan lagu yaqiin himiladiisii dheh
- Hantidii aqoontiyo hidaha horumarkeeni dheh
- Hayaay iyo kasoo kacay dadyahaw hiil walaalnimo dheh
- Hadafkii midnimo lagu heliyo talo heshiiskeed dheh
- Waxba hadalku yuu ila tarmine hooris gabayaa dheh
- Halkii aan la rabay maansadiyo hadafkii toosnaa dheh
Sharax:
Magaca Ina Shire + Cabdiyoow = Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel)
Waa Qalinkii Iyo Hal abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
BOGAADIN
waxaan aad bogaadinayaa gabyaaga oo soobandhigay gabay eey kamuuqato, wadaniya, fikir besil,maskax fiyoow, waxaana leeyahay wad dadaalkaada.
runtii aqoon umalihi laakiin waxaan kafiiriyay sawirkiisa googlka, waxaana umalaynaa in uu yahay gabyaa dadiisu yartahay.