Home » Faallo »

Markaan Shisheeyaha ii Garsoor idhi

Maskaxdaadu marka ay caadi wax u kala saari weydo, waxay culimada caafimaadku ku macneeyaan waxa ay ugu yeeraan “brain malfunction”oo ka yimaada xanuunno badan oo isugu taga maskaxda kana dhiga aalad aan sidii loogu talogalay u shaqeyn amaba isku daadata. Waxay yiraahdaan takhaatiirtu inta aaneyn heerkan soo gaarin waxay soo martaa heerar ay in yar in yar u soo lumiso awoodahii fekerka, xusuusta, kala saarista khaladka iyo saxa, fahamka iyo wixii la mida.

Cudurradaa waxa ka mida bey yiraahdaan takhaatiirtu, Dhunsanaanta (delusion), Wahamka (hallucination), Nadaam-darro xagga fekerka ah (disorders of thinking), Murugo (depression) iyo qaar kale oo badan. Takhaatiirtu xanuunnadan iyo qaar kale oo badan oo maskaxda ku dhaca waxay sheegaan inay bulshadeenna waayahan dambe aad ugu soo  badanayaan, laba-daraaleinta ku jirta xeyndaabka talada min hoos illaa kor. Inay aad ugu badan yihiinna waxa aad looga dheehan karaa goobaha doodaha ee bulshadu kaga dooddo mushkiladda Somaaliya ee heer caalami ah loo abaabulo ama kuwa innagu aan abaabulannaba, sida kuwa golayaasha shacabka, degaanada, NGO-yada iyo xataa golaha wasiirada.

Waxa dhif iyo nadira inaad aragto qof ama labo xalka asiiba, haddii la helana tiro badan oo ka qeybgalayaasha ah ayaa ganafka ku dhifata oo u diida inay la meel mariyo. Waxa badan dacwo isku-oogidda dhexdeenna ah oo ajnabiga shir-guddoonka ka dhigta garsoore noo kala xukumi kara waxa ina dhax yaal, kaasoo meesha ka saara dantii guud ee xalkeeda meesha loo fadhiyey, natiijo la’aanna waa lagala dheelmadaa,  iyadoo weliba mid mid ama koox koox leysu nacay. Malaha kuwa qabanqaabiya dantoodu waa taas.

Toddobaadkii ugu dambeeyey bishii Agoosto, 2011ka, ayaa waxa leygu casumay shirarkaa mid ka mida oo leysugu keenay koox Somaaliyeed oo u badan ururro iyo dowlad-goboleedyan beryahan mashruuca noqday oo malaha ah mirodhalka maskaxdaa aafowday.

Shirkaa waxa isku duway xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaaliya, magaalada Nayroobi oo sida aan mar dambe ogaannay uu shir-guddoonka ka ahaa ku-xigeenka wakiilka Ban-Kii Muun. Waxa nala ballamiyey 10kii aroornimo, kuweennii hore u weydiistay qodobada shirkana na looma jawaabin, qol ayaanan ku xaroonnay innagoo aan ogeyn waxa laga hadlayo.

Dhowr daqiiqo kadib waqtigii ballanka, waxa noo soo galay laba nin oo midna ila ahaa reer Yurub, ka kalana uu ahaa reer Asiya (Aasiyaankaan si fiican u gartay). Markii uu fariistay kursigii shir-guddoonka (waa ninkii reer Yurube) dhinacyadiisana ay hore u sii qabsadeen qaar ka mida ka qeyb-galayaasha shirka, ayuu isagoon is-kaaya barin waxa uu bilaabay shirka iyo sababta loo qabtay. Waxa uu yiri, “xiriir aad nala soo sameeyseen awgeed (aniga waa ley casumay) ayaan waxan go’aansannay inaan shirkan aan idiin qabanno, si aad ugu sheekeysataan, afkaartana isu weydaarsataan”. Weli innagoon garan ka uu yahay (kolba anigu maan aqoon, qaar kalana wey jireen) ayuu waqti 20tan daqiiqo ah ka hadlay Somaaliya iyo xafiiskooda siyaasaddiisa oo aan ka xusuusto in xafiisku afkaarta Somaalida tixgelinayo ga’aamadana qeyb ay ka ahaan doonaan iyo inuusan xafiisku diyaar u aheyn in wax beddelaada lagu sameeyo xukuumadda hadda jira oo uu sheegay inay ku qanacsan yihiin, noogana sii digay inaan muujinno wax mucaarado u eg oo halkaa ku wajahan. Waxa uu na dhexdhigay saddax qodob oo aan macnno badan laheyn oo in waqtiga lagu dilo mala ujeedadu aheyd. Inaan su’aalo weydiin karnno sooma uusan bandhigin oo aan u qaadannay diyaar uma ahi, shirkiina waa furay, horta mid mid isu sheegana waa daba dhigay.

Magac ninna sabool kama noqdee, waxan dhegahiisa ka buuxinnay magacyo dowlado iyo ururro siyaasadeed u badan oo qaarkood dhegaheyga ku cusbaayeen. Waxa xigay tartankii hadalka oo sidii geel 30 qada oo biyo laga horayo aan aqbalaadiisii isku garbinnay illaa ayba ceeb u ekaatay haddii aanad gacanta taagin, inay ceeb la aheyd qaarkeenna waxaaban xaqiiqsaday markii mid jaalkeyga ahi inta uu I gujiyey iguna canaantay sababata aan farta u taagi waayey.

Sida gantaalka ayaan ugu lisnnay odogii shir-guddoonka cabashooyin dacwo u badan oo dhexddeenna ah, waa gobol mid kale dacwo ka ah, urur mid kale ku sheegaya inuu been abuur yahay, mid kale oo lagu eedeynayo inuusan degaanka u dhalan oo uu soo galooti yahay, awooddana uu xaq-darro ku qaadanayo. Mid kale oo dacwo ka ah in dhulkiisa ama dhismahiisa xoog looga degan yahay. Mid kale ayaa odoga ka codsanaya in qolo la degani ay dhowr magac ku socoto si ay awoodda u maroorsato, beeshiisana meesha uga saaro.

Mid kale ayey dacwadiisu aheyd waxa magaceyga lagu qariyey mid kale oo been abuura ama iga tiro yar, haddana tixgelinta isaga la siiyo, sida magacyada Baantuuga iyo ka Jareerweyne oo fasiraad looga bixinayo odoga shir-guddoonka oo isu qaatay inuuba yahay garsoore ka gar-naqaya cabashooyinkan aan booskoodii la dhigin.

Cabashooyinka waxa barxayey su’aalo iyo codsiyo aanu ninku marna isku deyin inuu ka jawaab-celiyo oo marka aad akhrido waxa afka qalaad lagu yiraahdo “body language-ka” u ahaa sidii isagoo daawanaya masraxiyad wanaag loo matalay oo uu maaweelinteeda masquud ka noqday.

Laba qof oo waxooga amaana ku darsaday dooddan cabashadu hareysay ayaa ninkii xafiiska ee na guddoominayey soo jiidatay markaasuu amaan gaara u jeediyey labadii qof oo mid ay dumar aheyd, haseyeeshee inta aanuu amaanta ka mahadcelin ayuu is- yiri oo malaha waxay astaahilaan inaad markaan isu sheegto ka tahay iyo jagada aad ka buuxiso xafiiska. “Waxan ahay Hebel Manhal oo reer Hungry u dhashay (waa ka xumahay ka dambe ayaan dirqi ku xasuustay), ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q. midoobay (Mahiga) waxanan ka mahadcelinayaa sida fiican ee aad u dooddeen, haddana waxa aan ina saamaxeyn waqtiga waanan xiraneynaa shirka, haddii laba qof oo dambe aan fursad siin karnno, gabadhaa iyo ninkaa odoga ah hadalka aan siiyo, kadibna aan xiranno”.  Maya, Maya, Maya ilaa galabta inaan doodnaan rabanaa, weli wixii aan rabannay maan dhihin, biririfaan qaadaneynaa, waa isu soo noqoneynaa dhawaaq ah ayaa la kulmiyey, hadda ogowna waxay aheyd jimcihii ugu dambeeyey bisha Ramadaan oo ah in laga qeyb galo. Shir dambe inuu noo qaban doono ayuu nagu qanciyey, noogana warrami doono shirka Septembar ee wadatashiga oo uu caddeeyey in lagu koobay dowladda, Baarlamaanka, xafiiskooda iyo labada dowlad goboleed ee la aqoonsan-yahay.

Akhristow, waxan rabaa inaan dareenkaaga ku soo jeediyo duruusta laga qaadan karo dhacdadaan  iyo kuwa badan oo la mida .  Waxay muujineysaa kalsooni-darrada dhexdeenna taal sida ay u ballaran tahay  iyo sida aan kalsoonida buuxda ugu qabnno shisheeyaha, una aaminsan-nahay inay iyagu xalka noo heli karaan.

Nin ka qeybgalayaasha  ka mida ahaa,  ayaa markuu aad ugu cawday shir-guddoonka oo sheegay inuusan gurigiisa ku noqon Karin, ayuu hadalka ku xiray sheeko gaaban oo runtii i taabatay. Waxuu yiri; “walaalkey ayaa waxa uu ka qeybgalay shir looga arrinsanayey arrimaha degaanka, markii uu soo noqday ayaan weydiiyey natiijadii shirka iyo wixii lagu heshiiyey” waxa uu igu yiri buu yiri’, “walaalow muslim hadduu shir u fariisto ga’aan ayaa ka soo baxa, gaalana haddey sidoo kale yeesho iyana waxbey go’aamisa, ka aan tegay labadaa midna maaheyn oo gaalana maaheyn, muslimna maaheyn, meel u dhaxeysa waxa yaalna garan mayo”.  Mushkiladdeennu mid aan anngu leenahayba maaha, waayoo haddaan leenahay innagaa inta fariisanna is-dacweeyna, isuna gar-naqan laheyn, mar haddiise aan shisheeye miciin ka doonnay, Rabbi talo ku filan, nin-doorka Somaaliyeedna howsha sugaysaa badanaa.

Qormadii: Nuur Cilmi Xalane

Email: warsan54@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Markaan Shisheeyaha ii Garsoor idhi "

  1. Marka hore ciid wanagsan dhaman inta ku hadasha afka Somaliga
    Mr. Xalane run ahaantii qoraalkagu waa mid sii kicinaya murugadii iyo yaabkii jirey taas oo ah Tayo xumada madax kusheega sita magacii Somaliyed (Lack of Quality) weliba kudar kuwa sheegta koox diimeed Damiirlawayal,Dadnimo-xumo,Arxanlawayal,Garasho la.aan,
    Wadanimo la.aan,Hanyaran iyo Balwado xun sida maandooyiha qaadka
    Anigu waxan qabaa sartu meesha qudhun tay waa muqdisho wayo hadii dadka reer muqdisho heshiyaan nabad kuwada nooladan xaalku sidan ma ahaden wayo labo arin isma qabato muqdisho waa magalo madaxdii Somaliya in Dawlad cagaha soo dhigtana ma ogoli waana arinta keentay iitali,kuu talinmayo aan tashano tashan mayno aan kala tagno kala tegi mayno waxan allah uga baryaya inuu muqdisho hesho nabad iyo nolol
    Wabilahi Towfiiq.

  2. axmed malin says:

    mr xalane walal waa mahadantahay , aragtidayda waalaca iyo calaacalka nadani waxba mataro somalina waan ujeedna meeshay taalo in Sierra Leone south sudan ay ciidamo ugu yaboohaan ayey maraysa in Museveni oo 26sano kursiga uganda kufadhiya uu yiraahdo somali doorasho dimuquradiya ayan kahirgelinayna males inuu yiraa somalia ayan xoog gar-gaar kugaar siinayna asogoo dunidu ogtahay in waxa yar ee sandareerada ah ee kayimada addunka ee usocda dadkeena somaliyeed ee uu haysto inuu hub uu kulayo kugato,!!! intaas oo dhar ragga madaxda nooshegta ee siyaasada kaqalin jabiyey way uriyaaqayaan anigu somali inta tukata waxan leeyahay اليس منكم رجل رشيد ؟