Home » Faallo »

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 28aad

Bayaan ku Socda kuwa aan Muslimka aheyn

Suurada 112aad Al-Ikhlaas:

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid ah, iyo Xaas iyo Caruur toona.
Suuradan waxey Meesha ka Saartaa Caqiidooyinka Qaldan ee dadka aan Muslimiinta aheyn Allaah (Cw) ka Aaminsan yihiin.

Risaalo ku Socota kua diinka ka baxay ama Aan Muslimka aheyn Asal ahaan:

Suuradaan waxa ay Tilmaamo kooban oo aad u xeel dheer ka bixisay Sifada saxda ah ee lagu yaqaano ama lagu Aqoonsan karo Allaaha Xaqa u leh in La Caabudo waxa ayna suurdan meesha ka saartaa inuusan Illaah nimo muteysan Karin Sifooyinkaas midaan laheyn.

1-      Marka koowaad waxaa is weydiin mudan Goorm ayay  bilaabatay in la arko Dad Caabudaya wax aan Allaah aheyn?

Marka koowaad waxaa Xasuusin mudan Allaah markuu Insaanaka Abuuray waxaa uu ku Abuuray ayagoo Allaah kaliya Caabuda kuna toosan jidkii Towxiidka waxaase mudo ka dib biloowday in Dad wanaagsanaa si loo xormeeyo loona xasuusto Taalooyin ay u dhiseen Qoomkii nabi Nuux taasoo Jiilalkii dambeeyay u rogeen inay yiraahdaan aan Cibaadada jid aan sii marino ka dhigano dadkaan wanaaga lagu yaqaanay si ay Allaah noogu dhaweeyaan, arintaas oo aheyd gaf weyn oo ay kaga baxeen Caqiidadii saxiixa aheyd sidaa darted ayaa loosoo saaray Nabi Nuux si uu Toowxiidka iyo Cibaada uga toosiyo Nabi kastana waxaa loo soo saari jiray inuu Dadka Caqiidada ka hagaajiyo.

2-      Marka labaadna waxaa isweydiin hadii uu Allaah Kali ku yahay Abuurka oo aysan jirin cid la sheegata Abuurka koonka Cirka Dhulka Bdaha Dhirta Xawaanaadka Dadka iyo wax walba oo Muuqada ama aan noo muuqan maxaa keenay in dad badan oo Cilmi Diin iyo Aqoon sheeganaya yiraahdaan Nabi Ciise waa Illaah kale ma Ruuxul Qudus (Malakul-Jibriil)?

Hadii aan si gaar ah u dul istaago Nabi Ciise ma banaantahay in la Caabudo ma la yiraahdo waa Wiil uu Allaah dhalay?

Jawaabta oo kooban ma banaana marnaba waayo waxaa ay khilaafasan tahay Fidrida saxda, Caqliga Insaanka Fayoow iyo Nusuusta Shareecada Islaamka iyo Sharciyadii lala soo diray Dhamaan Nabiyadoo oo dhan waayo Nabiyada waxa ay dadka bari jireen inuu Allaah kali yahay kaligiisna la Caabudo waxaa ay kala dagaali jireen in sanamyo ama dad caadi ah la Caabudo waxaana Tusaale u ah Nabi Nuux, nabi Ibraahiim iyo Nabi Muuse, marka hadii Maanta la arko dad saanamyo suuradood Caabudaya waxaan leenahay waxaad khilaafteen Diintii Nabiyada iyo Caqiidadoodii.

3-      Marka xigtana waxaa si gaar ah u leenahay kuwa maanta ku daalay inay Cibaadada Nabi Ciise dadka ugu yeerraan ee iloobay xaqii iyo Diinkii Towxiidka ee Nabiyada side bay suura gal ku ttahay in Dad Caadi ah ama Malak ama Dhagax ama Saman la Caabudo? Sideese Dad loo Caabudaa maxuuse Dad awooda uu leeyahay?.

Hadii dadka qaar yiraahdaan Ciise waa in la Caabudaa waayo Abuurkiisu waa ka duwanaa Abuuradadii Inasaanaka Caadiga oo waxa uu ahaa Insaan leh Hooyo kaliyah oo aan Aaabo laheyn ma saxbaa?

Jawaabtu waa sahlan tahay Nabi Ciise waxaa laga Abuuray Hooyo kaliya waana Abuur ka mid ah Abuurada Allaah uu Abuuray sax laakiin waxaa jira Abuuro kale ka kasii cajab badan Abuurka nabi Ciise sida Abuurka Aaadam, Xaawo, Malaaigta, Asalka Jinka, Asalka wax kasta oo nool oo ahaa Abuur uu Allaah toos u bilaabay hooyo iyo Aabe la,aan, marka hadiiba wax lagu Caabudayo nooca Abuurkooda a,a ay ansaxeyo in la Caabudo waxaa ka mudnaan lahaa Nabi ciise kuwa aan soo sheegnay ama si gaar ah Aadan oo Caaro laga Abuuray aydoo rabina uu u afuufay Ruuxdiisa, laakiin marna ma banaana Nabi Aadam iyo Nabi Ciise iyo nabi kalaba ama Malag in la Caabudo waayo waxa ay ka mid yihiin Dhamaantood Adoomaha Alle uu u Abuuray inay Caabudaan sidaa darted ayuu Allaah ku yiri Quraanka asagoo waaninaya kuwa Caabuda Nabi Ciise ee Illaaha ka dhigaytay:

Suurada An-Nisaa Aayada 171 iyo 172-aad: {Ahlu-Kitaabow haku xadgudbina Diintiina hana ku dhihinina Eebe waxaan Xaq aheyn, Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo Ruux xagiisa ah ee Rumeeya Eebe iyo rasuuladiisa. Hana dhihinina sadex [Illaah] reebtooma, saasaa idiin kheyr roon, waa uun Illaah kaliya, waa ka nazahan yahay in Ilmo uu u sugnaado, waxa u sugnaaday waxa Samaayinka iyo ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil . Iskama kimriyo Masiix inuu ahaado Adoon Alle, Malaa’igta la Dhaweeyayna [iskama kibriso] Ruuxii iska Kibriya [Alle] Cibaadadiisa oo isweyneeya wuxuu usoo kulmin xagiisa Dhamaan [Maalinta Qiyaamaga]}.

Aayadahaan waxay si gaar ah ugu Caqli celinayaan Masaarada ama Masiixiyada aaminsan in Nabi Ciise la Caabudi kara ayagoo sababo badan iyo Tafsiiro aan sax aheyn u raadsada walow aysan aheyn sababo saxan.

Marka koowaad ugu yeeritaanka Magaca Ahlu-Kitaabow waxaa loola jeedaa Kitaabadii Nabiyada inaysan ku Oolin Nabi ka mida h Nabiyada Allaah in la Caabudo ama inuu Dadka ugu yeeray in la cabudo marka iska jira inaad ku xad gudubtaan Diimihii Nabiyada oo dhan, sidaa darteed ayuu Allaah leeyahay: [Diintiina haku xadgudbina oo ha Dhihinina waxaan xaq aheyn] Ogaasadana Masiix Ina Maryama inuu yahay Rasuul ka mid ah Rasuuladii Allaah usoo diray dadka inay uga Digaan Shirka Towxiidkana faraan.

Marka labaadna Aayadahan waxa ay si dhab ah uu muujinayay Nabi Ciise waxa uu yahay Xaq ahaan iyo Asal ahaan waxaana uu Allaah yiri: [Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo Ruux xagiisa ah] taasoo Macnaheedu yahay Nabi Ciise waa Bishaaradii Malak Jibriil loogu soo dhiibay Maryama inuu ugu Bishaareeyo inay Wiil dhali doonto wiilkaasna inuu ku ahaandoono idinka Alle oo aysan la yaab laheyn inay dhali doonto Wiil aan Aaabe laheyn.

Marka sadaaxdana waxaa la faray [ee Rumeeya Eebe iyo rasuuladiisa] taasoo macnaheedu yahay Rumeeya Alaah Waaxid ahaanshihiisa [Hana dhihinina sadex [Illaah] reebtooma] waayo suuragal ma aha in sadax Alle mar la wada Caabudo Aduunkana in ay kawada taliyaan maxaa yeelay marka koowaad Allaah Uunka oo dhan kaligii ayaa Abuuaray Cidna lama abuurin Caqli iyo Diin ahaana kuma banaana Ruux wax uu gaar u leeyahay in lala wadajiyo Cidkale, marka labaadna waxaa ka dhan lahaa hadii Koonka uu ka jiri lahaa hal Illaah ka badan in Muran iyo dagaal uu dhax maro Ilaahyada faraha badan oo mid walba wax gaar ah dalbado Caalamka oo dha Kharibmo, laakiin Koonkan waa mid Hal Maamul iyo NIdaam oo toosan ku socda taas ayaan tuseysa inuusan jirin Alle kale oo Koonaka maul ku leh oo aan ahey Aallaaha xaq ah ee Awalba asaga Abuuraytay.

Suurada Al-Ambiyaa Aayada 21 iyo 22aad: {mise waxay yeesheen [Gaaladii] illaahyaal dhulka xagiisa oo wax soo Nooleeya. hadey yhiin Dhexdooda [Samada iyo Dhulka] Illahayo way Fasaahaadin lahaayeen. waxaana ka Nazahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami}

Suurada Al-Mu’minuun Aayada 91aad: {Ma yeelan Eebe Ilmo mana aha la jirkiisa Illaah [ileen] illeen markaas wuu la tagi lahaa Illaah walba wuxuu abuuray wuxuuna ka kormari lahaa [ka adkaan lahaa]qaarkood qaar, waxaa ka Nazahan Eebe waxa ay ku tilmamayaan}

Marka waxaan leenahay hadeysan suuragal aheyn in Koonka laba Maamul ka shaqeyso oo la ay cadahay in ay Dhiaabto badan ka dhalan laheyd sidaasoo kalana Suuragal ma aha in Laba Illaah am aka badan Koonka lagu Dhex Caabudo waayo waxaa Xaqiiq ahaan Cad inuu hal Alle Abuurtay asaga kaliya ayaana Xaq in Nacmooyinkiisa lagu Caabudo.

4-      Marka xigtana waxaa Ahlu-Kitaabka lagu baraarujiyay in ay Allaah Waxidaan inay u kheyr roon tahay hadii ay Xaq dhowrayaan Raxmada Rabina doonayaan [saasaa idiin kheyr roon, waa uun Illaah kaliya] waa halkaan loogu caqali celinayaa gafka ay Aaaminsan yihiin inay ka waantoobaan waayo Allaah waa UUn mid kaliya Ilmona uma Baahna Xaasna ma laha mana jirto sabab uu haduuba Ilmo yelanayo Wiil kaliya ugu ekaado hadana Wiilkiina maba suura gasheen in la yiraahdo waa la dilay oo Cadwgiisaa ka Xoog roonaada [waa ka nazahan yahay in Ilmo uu u sugnaado] waayo ma jirto sabab uu ugu baahdo Wiil hadiise ay dhici laheyd in sax tahay Allaah ayaa wiil  dhalay waxaa Sax ahaan lahaa in Aasaga lasii Dhalay opo uu yahay farac leh Asal ka horeeyay Taasna Diin ahaan iyo Caqli ahaan intuba Suura gal kuma ahan, waxaase isweydiin mudan muxuu Allaah kaga baahan yahay Wiil iyo wiilalba [waxa u sugnaaday waxa Samaayinka iyo ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil]

5-      Marka Xigtana sidee Nabi Ciise loo leeyahay waa Alle ama sadax Alle midkood waayo waxaa u ahaa Inasaan Caadi ah Asal ahaan iyo Suurad ahaan? Side suura gal ku tahay in Ruux baahanaya Gaajoonaya, Murgaayo, Haraadaya, Hurdaya, koraya jir ahaan, ama Cilmi ahaan, Ooyaya, Alaah baryaya u Tukanaya Rabi, cadawgiisa Eryanaayaan, Yuhuud dhibaateyneysay side suura gal ku tahay in la yiraahdo asagaaba Alle ah ama alle Shirko la aha waa in lala Caabudaa si loo helo Dembi dhaaf iyo raxmad, marka suuragal ma aha in la Caabudo nabi Ciise Diin qabtana ma jirto Caqliga Insaana fayoowma kuma saxna marnaba.

Faahfaahimo ku saabsan Jumladaha yar yare aan Qodobka Shanaad ku sheegay sida inuu Cuno Cuno Cabo biyaha Hurdo Nabi Ciise iwm waxaa ay ku yaalaan Beeybalada kala Duwan ee Nasaarada Aaminsan yihiin hadaad u Baahato tix raac ka Eeg [(متى 8/24)] [” (يوحنا 4/6)], [” (متى 26/37)], [” (يوحنا 11/35)] [” (لوقا 4/6-8)], [(يوحنا 18/22)], [(متى 21/18)], (يوحنا 19/28) ]

[(لوقا 24/42-43)], [(لوقا 2/40)], [(لوقا 2/46)], …

Waxaan kusoo gabagabeynaa Suuradaan Al-Ikhlaas waa Suurada yar laakiin Xambaarsan caqiidada ugu saxan ee loo baahan yahay Qofkii Liibaan iyo Raxmad Alle ka rajeynaya inuu ku Toosnaado, sidaa darted ayaa Suuradaan waxaa Fadli haan uu Sheegay Nabi Muhammad inay u dhiganto Qur’aanka sadax u Dhig xaga Macluumada ay xambaarsan tahay weynideeda darteed, waayo suuradaan waxaa gebi ahaanba ka hadashaa Sifada iyo Calaamada saxa ah ee Allaha Xaqa ah la gaarka yahay inta kazoo hartana waa Adoomo uu asaga leeyahay Abuurayna oo ay waajib tahay inay Caabudaan sidaa darteed ayuu Alaah ku riri dhameestirka Aaayadihii Nasaaradii Nabi Ciise Caabuday lagula hadlayay ku yiri: [Iskama kimriyo Masiix inuu ahaado Adoon Alle, Malaa’igta la Dhaweeyayna [iskama kibriso] Ruuxii iska Kibriya [Alle] Cibaadadiisa oo isweyneeya wuxuu usoo kulmin xagiisa Dhamaan [Maalinta Qiyaamaga]].

Waxaa xigi doona inshaa Allaah Qeybta 29aad oo ah qeybta ka horeysa gabgabada Maqaaladaa…

 

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.