Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 19aad

Suurada 67aad Al-Mulki:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mulki maadaama ay ka Hadasho Mulkiga Alle (Cw) inuu Koobay wax kasta sida Koonka Insaanka iyo waxa walba uu Koonka ku Dhex jira.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 30 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Adh-Dhuur ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mulki:

Suuradaan waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Asaaska Caqiidada Muslimka, waxa ayna Suurada ka Abaartaa Sadax Dhinac oo Muhiim ah.

1-    In ay Cadeyso Weynida Alle (Cw) iyo Awooda uu u leeyahay Nooleynta iyo Dilitaankaba.

2-    In ay Xujooyin iyo Cadeymo Cadcad u keento Alle (Cw) Kali ahaanshihiisa.

3-    Waxey Suuradan Cadeysaa Ciribta xun ee ay la Kulmaan kuwa Inkira isoo soo Nooleynta (isi soo Bixinta) Maalinta Qimaaha.

Suuradaan Guud ahaan waxaa isku Tilmaamaay Allaah inuu Weyn yahay wax la mida ah ma la awoodana aysan jiray, Allaah ayaa Naftiisa ku amaanay xaq ayuuna u leeyahay wayo kan Abuuray Cirka aad Dilaaca laheyn iyo Dhulka Taagan ee Biyaha iyo Buurahaba Awoodiisa ku Uumay, sidaa darted Abuurka allaah ha ahaado dad, malaaig ama Jiniba uma banaana in ay weyni iyo Awood iyo Amaanba naftooda ku Sheegaan darajo kasta ay gaaraan.

Suurada 68aad Al-Qalam:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Al-Qalam madaama ay ku Bilaabato Inuu Alle ku Dhaartay Qalinka oo ah Qalabka wax lagu Qoro laguma Qoray gaar ahaan Qadarka oo dhan.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedub waa 52 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Calaq ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qalam:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa sadax Qodob oo Muhiim ah.

1-    Risaalada nabi Muxamad iyo Shubhaadka ay kala Hor yimaadeen Gaaladii Qureysh Dacwadii Nabi Muxamad (Scw).

2-    Qisadii kuwii Beerta lahaa ee ku Tashaday inaysan Dad waxba ka siin oo aysan wax Sadaqa ah ka Bixin Beertooxda una kalahay inta aysan Masaakkiinta toosin ayagoo is leh dhaqsaba intuusan waaga wada dilaacin kala keydsada, aygoo iloobay inuu Allaah Nicmada ay heleen ku siiyay inuu ku Imtixaano si loo eego in ay Xaqii lagu lagaa Bixinayaan iyo in ay ku Kibrayaan, waxaana ay u tageen beertoodii oo Muuqaalkeedii badalmay, Abuurkiina baaba’ay, .. Qisadaana waxey daliil u tahay Abaal marka ku Dhaca kuwa Nimcada Alle (Cw) ku Kufriya ee ka Bakhiila Maalka uu Allaah siiyay inay Xuquuqda Masaakiinta ka gutaan.

3-    Maalinta Aakhiro iyo Dhibaatooyinka ka jira, waxayna Suuradan Cadeysay Dadku in akala Noqon Doonaan lab Koox tan Hore waa Muslimiin oo Janada gali Doona iyo Mujrimiin Naarta la galein Doono.

Suurada 69aad Al-Xaaqqah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xaaqqah, Maadama ay wax badan ka Tilmaanto Xaaladaha Maalinta Qiyaame Dadka u kala Bixi Doonaan kuwa Liibanaya iyo ku ay Nasiib Xumo ku Dhaceyso.

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 52 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mulki ka dib, Juz ahaana Msxafka waxy kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xaaqqah:

Suuradan waxay wax ka Sheegtaa Arimo Dhowr ah sida: Xaaladaha Maalinta Qimaaha ka jira, Dhibaatooyinka dhici Doona Marka sacaada Qimaayaha Dhaceyso la gaaro, Mustaqbal Xumidii ku Dhacday kuwii Beeniyay Rusushii Alle (Cw) asida Qoomamkii Caad, Thamuud, Qoomkii Luudh, Fircoon iyo Qoomkii Nabi Nuux, arintaas oo Digniin u ah waxa ku dhici Doona kuwa Beeniya Risaalada Nabi Muxamad (Scw).

Suurad waxey kaloo soo Hadal qaadaa waxa ay kala Muteysan Doonaan kuwa Mumniinta ah iyo kuwa Mujrimiinta ah Abaal marin ahaan, Suuradana waxaa la Dhihi karaa hadii aan soo koobo waxey u taagan tahay in ay Cadeyso Qur’aanka inuu Dhab ahaan yahay hadalkii Alle (Cw) iyo inuu Rasuulka yahay mid Run ah Xumaana lagu Tuhunsan karin.


Waxaana Xasuusin mudan in waayahan ay bateen Dad Aflagaado iyo Xumaan la beegsada Diinka Islaamka Guud ahaan Gaar ahaan Quraanka Kariimka ah iyo Nabigeena Suuban ayadoo ay taasna ka dhalatay Qoraalo Cadaalad daro ku dhisan oo la qoaray qarniyadii Dhexe xiliyadii ay jireen dagaaladii waa weynaa ee saliibiyiinta iyo Muslimiinta u dhaxeeyay waxaana Maanta soo Cusbooneysiiyay Aflagaadadaas kuwa Dhaxal ahaan u helay Xiqdigii ay ka Dhaxleen Awoowayaashood ayagoo ka Dhigaya wax Cusub ama Maanta Biloowday.

Waxaa taariikhda ku cad Aflagaadada Quraanka iyo Nabiga waxay soo jirtay laga soo Bilaabo waagii Nabiga Suuban la soo saaray waxayna sii korortay xilayadii qarniyada dhex waxna uma dhimin mana u dhumi doonto mana aha huru mar iyo Ilbaxnimo ama Xoriyatul Qowl aflagaadada Diinta Islaamka laakiin waa in Aduunkan awalba la haleeyay dabkana ka hursan yahay banziin lagusii shubo dhibaatadana lasii kordhiyo.

hadii ay Qolo Maanta u istaagto dayaxa ama Qoraxda in ay Aflagaadeeyaan si Iftiinkooda loo waayo suura gal ma ahan in Qoaraxda iyo dayaxa Iftiin beelaan dacaayad darteed sidaasoo kalana suuragal ma aha in aflagaado Iftiinka iyo Nuurka Islaamka lagu damiyo horaana looga dalay laakiin dad badan ayaa ku Aduun iyo Aakhiro seegi doona!


W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.