Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quaraanka? Q:15aad

Suurada 49aad Al-Xujuraat: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xujuraat, Madaama uu Allaah (Cw) kusoo Hadal Qaaday Guryihii Nabiga Suubanaa (Scw) Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mujaadalah ka dib. Juz ahaana Musxafka wxa ay kaga Beegan tahay Bartaamaha Juzka 26aad. Suuradan waxaa Xasuusin Mudan Magaca Muminiinta Naado ku socota ayaa Hal qabsi u ah Mar walba oo ay Xaq Muslmiinta looga Baahan yahay Tilmaameyso, arintaas oo ah Baraarujin ku Socta Dadka Muslimiinta in ay Dhagaha u Raariciyaan fariinta kaga timid Xaga Rabigood Nazahnaaye.

Macanaha Guud ee Suurada Al-Xujuraat: Suuradan waxaa ay Dadka Muslimiinta ah bartay Xuquuqaha ay Waajibka tahay in la ilaaliyo iyo Sida Xuquuqahaas u kala Weyn yihiin, isla markaana waxa ay Suuradaan Muslimiinta ku Baraarujisay Waxyaabaha wax u Dhimi kara Xuquuqaha amaba Keeni kara in la Dhowri waayo. Suuradan Xuquuqaha waxa ay u kala Qeybisan Sadax Qeybood: A- Xuquuq uu Alle (Cw) leeyahay. B- Xuquuq uu Nabi Muxamad (Scw) leeyahay. C- Xuquuq ay Muslimiinta Dhexdooda isku leeyihiin.

Xuuqahaas u hadii aan u kala qaado laba Qeybood si aan usoo kobo, qeybta hore waxaan kusoo qaadi doonaa Xuquuqaha ay leeyihiin Alle iyo Rasuulkiisa 1- Waxaa Dadka Muslimiinta ah ku waajib ah in aysan kala hor imaan Hadal ama Ficil Khilaafsan Hadalka Alle (Cw) iyo kan Rasuulka (Scw).

2- Waxaa uu Allaah Muslmiinta ku Farayaa si ay Xaqaas ula yimaadaan waa in Alle (Cw) ka Cabsadaan, taasoo mcanaheedu yahay in aysan Muslmiinta ka Muuqnaan meel uu Allaah (Cw)ka reebay ama aanan laga weyn Meel la amray in ay ka Muuqadaan.

3- Waxaa uu Allaah(Cw) Muslmiinta Xasuusinayaa in uu Ogyahay Xaladahooda oo dhan wax ka Qarsoonna aysan Jirin, taasoo Macnaheedu yahay Alle inuu ogyahay Cid walba ee Hadal Dad ka hor Marisa Hadalka Alle (Cw) iyo kan Rasuulka (Scw).

4- Waxaan Suuradaan lagu Amray Muslmiinta in aysan Nabiga Agtiisa Codka kor ugu Qaadin, taasna waa Haduu Nolaana ma Banaaneyn Haduu Dhintayna waxaa Reeban in Qabrigiisa agtiisa lagu Dul Qeyliyo, Maxaa yeelay Xormada Nabi Muxamad (Scw) uu lahaa markuu Noolaa Mid la mid ah ayuu leeyahay Haduu Geeriyooday ka dibna, Sidaa darteed hadalkiisa lagasoo Guuriyay intuu Noolaa waxaa Xormad ahaan leeyahay Hadlkiisii Markii uu Nolaa oo kale, arintaas waxaa macnaheedu Noqonayaa in Axaadiista Nabiga (Scw) lagasoo Wariyay ee Kutubada Axaadiista ku Qoran marka Ruuxa Muslimka ah Maqlo ayadoo la aqrinayo inuu u Xushmeeyo sidii u Xushmeyn lahaa Nabiga Suuban oo Hortiisa taagan oo kale (Scw).

5- Waxaana Sidoo Suuradan ay Fareysaa Muslimiinta in aysan Nabiga (Scw) ugu Naadin sida ay ayaga marka ay isu yeerayaan isugu Naadiyaan oo kale sida in la yiraahdo Muxamadow ama Axmadoow, laakiin waxaa loo Baahanyahay in la yiraahdo Rasuulkii Alle Nabigii Alle iwm.

6- Suuradan waxey ugu Digeysaa kuwa aanan Sidaas u Xaq Dhowrin Xuquuqaha la faray in ay Dhici karto Camalkoodu inuu Buro ayagoo ismoog Ciqaab ahaan gafka ay galeen weynidiisa daretted.

7- Suurada waxa ay aad ugu Bogaadineysaa kuwa Dhowra Aadaabta lagu ilaaliyo Xuquuhaas kor ku Xusan, waxa ayna ku tilmaantay in qalbigoodu Xumaan oo dhan laga Daahiriyay oo Iimaan uu ku jiro, arintaas oo ah Bogaadin weyn.

8- Suuradan kuwa aan Adaabta Xuquuqhaas lagu Dhowraya la imaan waxa ay ku tilmaantay kuwa aan Garaad laheyn.

Suurada waxaa ay sidoo kale dadka Muslmiintaa ku Baraarujisaa Adaabo Muhiim u ah sidii ay Xuquuqda u Dhaxeysa u Dhowri lahaayeen, Xuquuqahaasna waxaa ka mid ah kuwan Soo Socda: 1- Suuradaan waxa ay Muslimiinta Fartay in Warka soo Gaara Hubsadaan oo aysan wax walba oo ay Maqlaan la Boodin ama Xukun iyo Go’aan lagu Saleyn ilaa la Hubsado maahane, si aysan Shalayto ama Qoomamo uga imaan, hadii anan la ilaalin arintaas waxaa Muslimiinta Dhexdooda ka Dhalanaya Khilaaf iyo Dhibaatooyin.

2- Waxaa ka loo Suurada Dadka fareysaa in laga Fogoodo Kufriga, (Gaalnimada) Fisqiga, iyo Caasinta, waxa ayna Dadka ku Boorineysaa Hanuunka iyo Toosnaanta isla markaana in laga Digtoonaado Isla Qumanaanta, maxaa yeelay Qof Tusaale ahaan Haduu Hanuun iyo wanaag ku Socdo waa inuusan Isla Qumanaan ee waa inuu Alle (Cw) uga mahad Celiyo kuna Mahadiyo wanaaga uu u Hibeeyay, Isla qumanaanta sababta looga Digayana waa in aysan Dadka Muslimiinta ku Abuurin Isnaceyb iyo Xumaan Dhexdooda timaada. 3- Suuradan waxaa ka mid ah Fariinta ay Muslimiinta u Xambaarsan tahay in ay ka Digtoonaadaan Dagaal inuu ka Dhex Dhaco, hadii ay Dhacdana inay Dagaalamaan dad Muslmiinta ka mid waxaa looga Baahan in ay ku Dhex Baxaan oo kala Maslaxaan, Hadii Koox Nabada Aqbasho Tan kalana Diido oo ay Dagaalka si Gardaraa usii wadana waxaa la Amray in ay la Dagaalamaan tan Diida Heshiiska ee gardarada dagaalka u Hurineysa.

4- Waxaana Allaah Muslmiinta faray in ay si Cdaalad ah u Dhex dhaxaadiyaan , waxuuna Alle (Cw) Sheegay inuu Jecal yahay kuwa Cadaalada Sameeya si uu ugu booriyo cadaalad sameynta.

5- Suuradan waxaa kale oo ay Muslmiinta u tilmaameysaa in Muslimiintu Walaalo yihiin, walaalnimada Diinta ku dhisan waa Mida aanan Marna Go’eyn Xeriirkeeda Aduunka inta la Joogo iyo Maalinta Qiyaamaba, taasoo muujineysa in Diinku ka sareeyo wax kasta.

6- Suuradan waxa ay Muslmiinta fareysaa si wadajirkooda iyo Isjaceylkooda loo ilaaliyo waa in aysan Muslimiinta Qaarkood Qaarka kale yasin hadey Rag yihiin waa inaysan Raga kale Yasin , hadey Dumar yihiina Dumarka waa inaysan Dumarka kale yasin, waayo waxaa Dhici karta kuwa la yasayaa in ay Kheyr badan yihiin kuwa wax yasaya.

7- Suuradan waxey kaloo Muslimiinta Fareysaa in aysan Muslmiinta Magacyo Xun xun isugu yeerin, maxaa yeelay Qofkii Ceebeeya Ruux kale oo Muslim ah waa Ruux naftiisa Ceebeeyay, sidoo kalana Ceebeynta waxaa la mid ah Lacnada Ridada iyo Nifaaqa in lagu Sheego Muslmiinta.

8- Waxaana Suurada Cadeyneysaa Dadka Caadooyinkaas kala geeya Muslmiinta la yimaada in ay Faasiqiin yihiin lagana digtoonaado in hadalkooda la rumeysto.

9- Suuradan waxaa kaloo Muslimiinta Fareysaa in ay ka Digtoonaadaan Malaha Xun ee Qaarba Qaarka kale laabta ugu Qaadaan, maxaa yeelay waxa ay taas Meesha ka Saareysaa in ay Dad Muslimiintaa ahaadaan Dad Isjecel oo Walaalo ah.

10- Waxaa kaloo Suuradan Muslimiinta Fareysaa in aysan Is Jaajuusin oo aysan ka Shaqeynin waxa kala geynaya Muslmiinta, hadey tahay mid Qof Qof kale Jaajuuso, ama hadey tahay mid Muslimiinta Cadaw loo Jaajuuso.

11- Suuradan waxaa kaloo laga Fahmaa inay Reeban tahay  Muslmiinta in ay Isxantaan oo wax Xun kala Sheegaan, waxaa uuna Allaah (Cw) kan Dadka xanta ku Sheegay inuu la mid yahay mid Cunaya Hilibka Walaalkiis Muslimka ah asagoo Meyd ah, taasoo macnaheedu yahay Xantu in ay tahay wax Xun oo Dhibaato ku keenaya Wadjirka iyo Isjaceylka Muslmiinta.

12- Sadaxdaan Qodob ee u Dambeeya ee kala ah Jaajuusnimada, Aflagaadeynta iyo Xanta, waxay Cadeyn u tahay Qur’aankan inuu ka yimid Xaga Alle (Cw) Maxaa yeelay Sadaxdaan Arin waa sida ay Xumaanta iyo Dhibaata ku Bilaabato kuna Balaarato dadkana ku Dhaliya Isnaceybka iyo Xumaanta Dhex timaada.

13- Waxaa Suurada Tilmaameysaa Dadku inuu Siman yahay Dhamaan xaga Abuurka oo ay kasoo wada Jeedaan Aadam iyo Xaawo, hase yeeshee in ay u kala Farcamaan Qabiilo iyo Shucuub kala Duwan si ay isu Aqoonsadaan, Taasna macnaheedu waa in aysan dadka ku kala Fiicneyn wadamada iyo Qabiilada iyo Shucuubta ay kasoo kala jeedaan, arintaan waxay meesha ka saareysaa caadooyinka xun xun ee Beelaha qaar ku Ceebeeyaan Beelo kale ee Muslimiin ah Diinta iyo Nasabna kula siman.

14- Suuradan waxay Muslmiinta Bartaa waxa Dadka ku kala sareyn karaan in ay tahay sida Hadba Cabsida Alle (Cw) ugu kala sareeyaan, arintaasna waa wax uu Allaah kaliya ogyahay oo ma jirto sabab uu Qof ku sheegto Dadka inuu ka taqwo badan yahay ama ka Absan yahay.

15- Waxey Suurada Dadka Bareysaa Tilmaamha uu leeyahay Muminka Xaqa ah, waxaana ka mid ah Tilmaamahaas in uu la yimaado Iimaan aan Shaki ku jirin, iyo inuu Naftiisa iyo Maalkiisa Jidka Alle (Cw) ugu Jihaado.

Hadii aan soo koobo Suuradan waxa ay Dadka muslmiinta ah Bareysa Waajibaadka Saaran iyo Sida ay u kala horeeyaan, waxa ayna uga digeysaa wax kasta oo wax u Dhimi kara Umad ahaan dadka Muslimiinta ah Midnimadooda.

Marka waxaan ugu yeerayaa Dhamaan walaalaha Ducaada ah iyo Culimada in ay aad dadka ugu Baraarujiyaan sidii loo joojin lahaa Dhiiga Maalin walba Gardarada uga Dadanaya Wadanka Soomaliya ee aysan indha ka eegan Dhibaatan labaatanka jirsatay.

W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.