Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q13aad

Suurada 37aad As-Saaffaat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray As-Saaffaat, si Dadka loo xasuusiyo Adoomada Alle Abuurtay ee loo yaqaan Malaa’igta iyo Shaqooyinka wanaagsan ee loo Xilsaaray, Malaaigtu waa Adomo Nuur laga Abuuray u Tasbiixsada Rabigood Habeen iyo Maalin kamana daalaan.

Suurada As-Saaffaat waa makiyah, Aayadaheeduna waa 182 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Ancaam ka dib, Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Bartanka Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada As-Saaffaat:

Suuradaan waxa ay ka hadashaa Arimaha Caqiidada ku Saabsan sida Toowxiidka, Waxyiga, Soo Bixintaanka Maalinta Qiyaame iyo Abaal Marka Maalinkaas la muteysanaayo, waxa ayna soo si Dul mar ah usoo hadal Qadaa Qisooyinka Nabiyada ayadoo si kooban usoo Bandhigta in ay Nabiyadu Cadwgooda ka Guuleysan jireen mar kasta, Cadawga Toowxiidkana markasta in Ciribtiisa Ciqaab ahaan jiratay inta Aduunka la Joogo, ayadoo Qiyaamahuna Cadaab Diyaar u yahay,

Waxa ayna Tilmaantaa Suuradaan waxyaabaha lagu Cadaabo Maalinta Qiyaame waxaa ka mid ah Geed Naarta ka Dhex baxa oo la yiraahdo Zaqquum iyo Carunka jirkooda ka baxo iyo Biyo kulul oo oonka u sii kordhiya mar walba ay Cabaan ayagoon Ooman.

Suurada 38aad Saad:

Suuradaan waxa la yiraahdaa Saad, waxa ayna la mid tahay Suurado badan oo ka  Bilaawda Xuruufo sidaan oo kale ah.
Suurada Saad waa Makiyah, Aayadaheeduna Tiro ahaan waa 88 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Qamar ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Bartamaha Dambe ee Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada Saad:

Suuradaan waa Makiyah waxa ay ku Manhaj tahay Suuradaha Mako kusoo Dagtay, oo waxa ay Xooga Saarta Caqiidada Arimaha Quseeya sida Suurada ka Horeysay oo kale.

Suuradaan waxa ay Muujisaa Muhiimada ay leedahay dacwada in laga Bilaabo Kalimada Toowxiidka, sidaba Nabiga uu uga Bilaabi jiray, waxaa kaloo Suurada Muujisaa kuwa Shirkiga Aaaminsan in aysan jirin wax ay ka neceb yihiin in ay Maqlaan kalimada Towxiidka.

Suurada 39aad Az-Zumar:

Suuradan waxaa lagu Magcaabaa AZ-Zumar, oo waxa ay xasuusin u tahay Laba Koox oo mid walba Jiho gaara loo Kaxeyn Doono, Koox waa kuwa Liibaanay waa Ahlu Janada waxaa ay Janada lagusoo dhaweeyaa Aayagoo Koox ah markaas ayaa waxay Tagaan janadii oo u Diyaarsan oo Albaabaheedii usii Furan yihiin, Kooxna waa kuwa Nasiib Xumo ku Dhacday Waa Ahlu Naarka waxaana loo Kaxeeeyaa Dhanka Naarta ayadoo loo furo Marka ay yimaadaan Albaabkeeda si Kuleylkeeda loogu Ciqaabo ayadoo usuu Daboolneyd.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah 52, 53, 54, Tiro ahaana Aayadaheedu waa 75 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Saba ka dib. Juz ahaana Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 23aad iyo Biloowga Juzka 24aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zumar:

Waxa ay Suurada aad u Naqdisaa kuwa Cibaadada Alle marka ay doonaan usii mara meelo kale oo ay isleeyihiin Allaah ayaa jecel ama A;llaah ayaya idiin dhaweynayaan taasoo sabab u noqotay in ay Shirki galaan ayagoo hadana Allaah inay Caabudaan doonaya

Sidaa darted ayay Suuradan waxa ay Xooga Saartaa Caqiidada Toowxiidka weliba waxaa la dhihi karaa Suuradan waxey kala gaar tahay Suuradaha kale in Gabi ahaan ay ku Kooban tahay Toowxiidka ka Hadlidiisa si loo fahmo Muhimada Caqiidada saxiixa ah, Maxaa yeeelay Toowxiidka Waa Asalka Iimaanka, waa Aasaaska caqiidada Saxiixa ah, Camalka Ruuxana lama Aqbalo Haduusan ikhlaas (Mid Allaah kaliya loo Sameeyay) aheyn.

Suurada 40 aad Ghaafir:

Suuradaan waxa loogu Magac Daray mid ka mid ah Sifooyin uu Aalaah Gooni u leeyahay oo ah inuu yahay Dembi Dhaafe, waxaana Suurada ay soo Celcelisaa magacaas Ghaafir marar badan sida Marka uu Muminka Reer Fircoon ka Dhashay Waaniya Tolkiisa Gaalada ah. oo uu leeyahay Waxaan Idinkugu yeerayaa inaad Caabudaan Alle Caziiz ah oo Ghafaar ah, si Dadka loo Xasuusiyo Allha Caabudida Mudan inuu yahay mid Dembiyada u Dhaafa marka ay Towbad la ayimaadaan dembi dhaafna weydiistaan.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayadaha 56 iyo 57, Tiro ahaan Aayadaheeduna waa 85 Aayadood, waxa aynasoo Dagatay Suurada Az-Zumar ka dib.waxa ayna kaga Beegan tahay Musxafka Kaloobarka Juzka 24aad.

Macnaha Guuad ee Suurada Ghaafir:

Suurada maadaama ay Makiyah tahay waa waxaa caadi ah in ay aad wax uga Sheegto Umuuraha Caqiidada Quseeya, si gaar ahna waxay Suuradaan Soo Bandhigtaa Hardanka ka Dhaxeeya kuwa Xaqa Aaminsan iyo Ahlu Baadilka, ama hadii aan si kale u iraahdo Kuwa Hanuunsan ee Ahlu Towxiidka ah iyo kuwa Dhunsan ee Shirkiga ku Cibaadeyta, sidaa Darteed ayaa Jawiga Guud ee Suurada waxaa uu Muujinayaa xaalad Coleytan iyo Dagaal Culus oo ka Dhexeeya labada Dhinac, waxeyna Suurada soo bandhigtaa Mustaqbal Xumida kuwa Mushrikiinta ah ku dambeyn doonaan.

Suurada 41aad Fussilat:

Suuradan waxaa loo yaqaan Fussilat, oo Macnaheedu yahay kala Saarsaar, Maxa yeelay Suuradaan waxa ay kala saarsaartay Aayadaha iyo Daliilada tusiya Awooda Alle (Cw) iyo Abuurkiisa Qurax badan ee Koonka, kaas Cadeynaya inuu yahay Koonkan Koon hal Maamul iyo hal Nidaam kaliya ku Socda aysana suura gal aheyn in lagu Caabudo wax kazoo hara Maamulaha Koonka, si aysan Xujo u helin kuwa Caabuda wax ka Mid ah Uunka Alle (Cw) uu ku Dhex Abuuray Koonka.

Suuradan Fussilat waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedana waa 54 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Ghaafir ka dib, waxaa ay Juz ahaan kaga Beegan tahay Musxafka Dhamaadka Juzka 24aad iyo Biloowga hore.

Macnaha Guud ee Suurada Fussilat:

Suuradan Maadama ay Mako kusoo Dagatay Dhinacyado kala Duwan oo Caqiidada Islaamka Quseeya sida Toowxiidka, Risaalada Nabi Muxamad, Soo Bixinta iyo Abaal marka Maalinta Qiyaame jira.

Suurada 42aad Ash-Shuuraa:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Ash-Shuuraa, oo Macnaheedu yahay (Tashi) si Muslimiinta loo dareensiiyo Wadatashiga Qiimaha uu ku leeyahay Shareecada Islaamka, si ay Noloshooda uga Faaiideystaan Dhaqankaas wanaagsan.

Suuradan waa Makiyah marka laga Reebo Aayadaha kala ah 23, 24, 25, 27, Guud ahaan tirada Aayadaheedu waa 53 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Shuuraa:

Suuradaan waxa ay Guud ahaan Xaga Manhajka kala Mid tahay Suuradaha Mako kusoo Dagatay oo dhan, gaar ahaana waxey si gaar ah ula mid tahay Suurada Fussilat ee ka Sareysa.

W/Q: CaliNuur Xoogsade.

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.