Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 5aad

Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, islamarkaana Umada ku horimari karto….

Suurada 7aad Al-Acraaf:

Suuradan waxaa loo yaqaan Al-Acraaf maadaama Magaca Acraaf uu ku Xusan yahay Suurada Dhexdeeda, Acraafkuna waa Derbi ku yaala Janada iyo Naarta Inta u Dhexeysa oo kala Xera Ahlu Janaha iyo Ahlu Naarka wallow ay is arki karaan isna maqli karaan sida ku cad Suurada Dhexdeeda.

Waxaana Allaah uu Suuradan ku Dhex Sheegay qolo la yiraahdo Asxaabul-Acraaf oo ah Dad Wanaagooda iyo Xumaantooda isla ekaadeen oo Xumaantooduna ka hor joogsatay Galitaanka Janada, Samaantoodiina looga Reebay Galitaanka Naarta, sidaas darteed u fadhiistay meel u Dhaxeysa Janada iyo Naarta, taasoo Naftooda ku dhalisay Marka ay Ahlu-Naarka iyo Dhibaatada heysta arkaan in ay Murogoodaan Naartana Allaah ka magan galaan, marka ay Ahlu-Janaha iyo Nimcada ay ku jiraan in ay Farxaan Damcaana Nimcada janada dhextaala oo ay Allaah ka baryaan, ayadoo ugu Dambeestii uu Allaah Raxmadiisa darteed Baryoodadii ka aqbalay Jnada galiyay.

Suuraada Al-Acraaf waa Makiyah, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: (163…170), Suuradaan waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay Suuradaha Dhaadheer, Tirada Aaydaheeduna waa 206 Aayadood, Suuradan waxey ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an sida kuwii ka horeeyay oo kale, waxeyna ku beegan tahay kaloo Barka Juzka 8aad ilaa inta Badan Juzka 9aad, waxeyna soo dagatay Suurda (Saad) ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Acraaf :

Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Qisooyinka Nabiyada, waxeyna aad uga hadashaa Caqiiidada Toowxiidka, Abaal Marinta Maalinta Qiyaame, ayadoo Soo bandhigta in Nabiyada oo Dhan Dacwada Dadkooda ay Gaarsiinayaan ay ku bilaabi jireen ka Hadalka Toowxiidka, waxaa kaloo ay suuradaan cadeysaa in nabaiyada aysan Aduunyo ku doonan jirin Diinka gaarsiintiisa, Arintaasna waxey Dadka Ducaada ah ku Baraarujineysaa in ay Habkaas oo kale Dacwada u wadaan Maadaama Toowxiidku yahay Aasaaska Diinta, waxaanaba Caado u ah Qolo walba oo Diin Aaminsan in ay Dacwada Diinkooda ka Bilaabaan Caqiidada ay Aaminsan yihiin ha u haado Diin Saxan (Diinka Islaamka), ama Mid Qaldan (waxa Islaamka kasoo hara).


Sababta ay u soo dagatay Suurada Al-Acraaf:

Suuradan waxaa lagula Dagaalamayay Dhaqan ay lahaayeen Dad Reer Baadiye ahaa oo Kacbada Dhawaafi Jiray ayagoo Dhar la’aan ah Islaamka ka hor, ayagoo ku andacoonaya dharkoodu inaysan wanaagsaney, waxaana Suurad Amreysaa in Dadka ay Labistaan Dhar wanaagsan Marka ay Doonayaan in ay Cibaadestaan.


Suurada 8aad Al-Anfaal:

Suuradan Al-Anfaal waa Suurad soo Dagatay Xiligii Muslimiinta ay joogeen Magaalada Madiinah Marka laga Reebo Aayadaha kala:(30 ilaa..36) kuwaasoo Makah intii la Joogay soo Dagtay.

xaga tirada Aayadaheeduna waa 75 Aayadood, waxeyna soodagatay Suurada Al-Baqarah kadib, Suuradaan waxey aad xooga usaartaa Sharciyada Dagaalka sida Maxaabiista iyo Xoolaha dagaalka lagu furto, waxeyna soo dagatay duulaankii Badar kadib, Suurada Al-Anfaal waxey kitaabka kaga beegan tahay dhamaadka Juzka 9aad iyo Bilowga Juzka 10aad.


Macnaha guud ee Suurada Al-Anfaal:

Suuradan Al-Anfaal waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Dhanka Sharciyada Dagaalka, iyo Habka ay tahay in loo qeybiyo waxii Xoolo ah ee Dagaalka lagu Qabsado, waxeyna si gaar ah uga Hadashaa Xalinta khilaafyo Muslimiinta ku Dhex maray Duulamada qaar, waxeyna si aad ah Muslimiinta u siisaa Tilmaamo Xaga Rabi ka yimid oo ay Waajib tahay in ay Raacaan Marka ay Cadowga Allaah Dagaalka kula Jiraan, waxey kaloo kala Hadashaa Dhanka Heshiisyada Nabada ee lala gali karo kuwa Dagaalka lagula jiray.


Sababta ay ku soo Dagatay Suurada Al-Anfaal:

Suuradaan waxey kusoo dagatay Markii Muslimiinta La Dagaalameen Gaaladii Qureysh Duulaankii Badar oo uu Jabka Gaaray Gaaladii, Muslimiintiina ay isku qabsadeen Cidda Xaqa u leh in ay la Wareegto Hantidii Gaalada ka Carareen, waxaana loo kala qeybsamay Sadax qolo:

1)- Qoloda Koowaad waxey ahaayeen Kooxdii Eryatay Cadawga waxeyna ku Doodeen in ay ayaga gaar u leeyhiin Xoolaha ay ka Carareen Gaalada.

2)-Qolada labaadna waxey yiraahdeen anagaa Idinka Mudan oo waxaan ilaalineynay Nabiga (SCW) si aysan si kada ah Cadwga Dhib u Gaarsiin.

3)- Qoloda Sadaxaadna waxeyku Doodeen in ay ayaga Gacantooda ku Qabsadeen Xoolaha oo dhan intii Cadawga la sii Eryanayay.

Marka ay arintu intaas mareysay ayaa Allaah waxaa uu Nabigiisa u Waxyooday Suuradan si loo soo afjaro Khilaafka, Nabigana (SCW) Xoolihii waxa uu ugu Qeybiyay si isla mid ah Sadaxda Kooxba, waxaana Muslimiinta la amray in ay Wanaajiyaan Xeriirka ka Dhexeeya.

 

 

 

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com


 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.