Home » Faallo »

Muxaadaro ku saabsan ilaalinta Carabka

Hordhac

Muxaadaradaan iyo kuwo kale oo badan oo aan idiin soo gudbin doono waxaa ay ka mid ahaayeen muxaadarooyinkii laga soo jeediyey shirkii ururada islaamka soomaaliyeed ee skandaneefiyaanka waa mu`tamarkii 19àad ee sanadkaan, 30 jun-3 july 2011 lagu qabtay caasimkada labaad ee Iswiidhan, Gothenberg. Shirkaas waxaa kasoo qayb qalay qaar ka mid ah culimada soomaliyeed. Mu`tamarka oo ciwaankiisu ahaa “toosnaanta” waxaa laga soo jeediyey casharo aad iyo aad u qiimo leh, kuwaas oo taabanaya nolosha qaybaheeda kala duwan. Haddaba casharadaas kuwii ugu muhiimsanaa oo kooban ayaan idiin soo gudbin doonaa. Muxaadaradaan “ilaalinta carabka” waxaa soo jeediyey sheekh Maxamed Shaafici.

ilaalinta Carabka

Carabku waa xubin yar oo jirka ka mid ah, kaasoo dhalin kara faaìido badan ama khasaare badan.Hadba waxaa ay ku xiran tahay qaabka iyo waxyaalaha loo adeegsado, waxaa ay noqon kartaa dhinaca kheyrka ama dhinaca sharka.Waxyaalaha carabka loo adeegsan karo ee wanaaga ah waxaa ka mid ah: xumaanta oo la reebo,xaqa iyo faritaankiisa,cilmiga oo la faafiyo,dadka oo wanaag laga dhexdhaliyo,fidinta diinta islaamka iyo waxyaalo kale oo badan. Waxyaalaha aan wanaagsanayn ee carabka loo isticmaali karo waxaa ka mid ah: Beenta, dad iskudirka,ummada oo xumaan loogu yeero, wax aan xaq ahayn oo lagu doodo iyo waxyaalo kale.Gefafka ugu badan ee qofka ka dhaca waxaa inta badan loo adeegsadaa carabka.Dhib weyn ayaa carabku qofka u keeni karaa haddii aan si wanaagsan loo isticmaalin. Rasuulka (csws) ayaa inooga digey fitnada ama dhibta uu carabku keeno.Waxaa sugnaatay in Rasuulka(csws) uu carabkiisa qabtay uuna yiri,” waa inaad kan iska ilaalisaan” sidaas darteed haddii qofku uu rabo inuu naar ka badbaado waa inuu carabkiisa ilaaliyaa.

Qofka muslimka ah waxaa waajib ku ah inuu ka fekero inta aanu hadalka odhan. Qofka muslimka carbakiisu waa uu ka dameeyaa qalbigiisa, taas oo loola jeedo, ugu horeyn qofku waa uu fekeraa oo uu aad u eegaa hadalkiisa inta aanu afka kasoo bixin. Fekerkaas ka dib ayuu ku dhawaaqaa kelmadii uu odhan lahaa. Qofka munaafaqa ahse carabka ayaa ka horeeya qalbiga. Qofku hadal aan laga fekerin ayuu iska soo tuuraa, ka dibna fitno iyo xumaan baa ka dhalata. Ilaahay baa quraankiisa inoogu sheegay oo yiri kuwa ilaahay rumeysanoow ku hadla hadal wanaagsan. Arintaasi waa muhiim maxaa yeelay kelmad wanaagsan oo aad tiri ayaa laga yaabaa iney sabab u noqoto inaad gasho janatul firdowsa. Waxaa kaloo dhici karta in kelmad xun oo aad tiri ay ilaahay ka caraysiiso isla markaasna ay sababto in naar lagu galo.

Sida aan horey usoo sheegnay xumaanta carabka loo adeegsado waxaa ka mid ah dadka oo la isku diro oo hadalo loo kala qaado. Rasuulka (csws) waxaa uu yiri: “ janada ma galo midka dadka warka u kala qaada ee isku dira”.Dhinaca kale waxyaalaha keena cadaabta qabriga waxaa ka mid ah isku dirka iyo iska horkeenida dadka. Sidaas darteed qofka muslimka ahi waa inuu arinkaas iska ilaaliyaa. Ogow qofkii hadal iyo war kuu keenaa adigana wuu kaa qaadayaa, marka ma aha in la dhegeysto ee waa in la yiraahdaa- jano ma galo midka dadka isku diraa. Haddaba qofka muslimka ah waxaa looga baahan yahay inuu carabkiisa dhowro una adeegsado waxyaalaha wanaagsan. Waxaa qofka muslimka ah laga doonayaa inuu aad uga fekero erey walba ee uu doonaayo inuu yiraahdo. Wax walba oo carabka looga dhawaaqo waxaa qoraaya laba malag oo howshaas loo xilsaaray. Sidaas darteed waxaa dhamaanteen waajib inagu ah inaan carabkeena u adeegsano wanaaga iyo kheyrka.

Mahadsanidin

C/risaq Maxamed Xuseen,

Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.