Home » Faallo »

Ilma qurba joog maxaa loogu gooni yeelay xilalka.

W/Qoray:  Nuur Cilmi Xalane

Email: warsan54@gmail.com

Labadii xukuumadood ee ay soo kala dhiseen Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha hadda jooga Cabdiweli  Gaas waxad mooddaa in lagu gooni yeelay qurbo joogta.  Matalan xukuumadda Mudane Gaas, 99% waa qurba joog oo dhamaantood heysta dhalasho shisheeye.

Arrinkan oo aan laga been sheegin, cid kasta oo daraasad gaaban ka sameysaana ay si fudud ugu ogaan karto in arrinku sidan yahay, ayaa waxa ka ratibmaya su’aalo dhowra oo ay ka mid noqon karaan:

Waa maxay sababta keentay in Qurba joogtadu ay ugu miirmaan golaha wasiirrada iyo maamulayaasha hey’adaha?, Aaway aqoonyahanka jooga dalka?, Mise sida ay ku doodaan Qurba joogta qaarkeed, kuwa dalka ku haray dhamaantood waa xaaraan- quutayaal iyo dagaal-ooge aan lagu aamini Karin hoggaanka dalka. Haddiise kuwa dalka ku haray ay cilladahaas leeyhiin, ma kula tahay in Qurba joogtu ay geddi ceeb ka saliim yihiin?.

Si ay ugu kala caddaato akhristaha, bal aan is- barbardhigo  Qurbaha joogga  oo isgu jira mid ku koray ama isagoo qaan-gaara ka tegay iyo midka  dalka joogay. Qurba joogga dalka ka tegay, malaha waxa ka haboon inaan adeegsado “ dalka ka cararaye” ayaa haddana laba u qeybsama oo midbaa dalka ka tegay iyadoo dowladnimo ay jirto, sababo kala gooni gooniya awgood iyo mid ka noqday yaacii uu keenay dagaalkii sokeeyee ee noo kale qeybiyey Qurba joog iyo Guda joog.

Ninka cararay ee mushkilad hortaal xallilkeeda ka doortay inuu naftiisa iyo ta qoyskiisa ka badbaadiyo,  tilmaanta dadka qaarkii ay siiyaan waa “ Qeyru Masuul”, wallow cararka qaarkii loo qiil-deyi karo.

Dadka isku howlay inay wax ka ogaadaan xaaladda nololeed, mas’uuliyadeed iyo bulsho ee mujtamaceenna qurbaha, waxay  ka keeneen qeylo dhaan dhiillo watadata oo salka ku heysa mas’uuliya-darro ka timid labada tiir ee qoyska, haba ugu sii darraato ta hoggaamiyaha qoyskuye iyo jaaliyadda guud ahaan.

Wrarka dhiilada le, waxa ugu horreeya Aabe mas’uuliyaddii Aabenimo gabay oo hooyadii ku kaliyeeyey howshii qoyska, natiijada ka dhalatay ee hadda gacanta lagu hayaana ay noqotay in tiro badan oo dhallintii Somaaliyeed ahi ay noqdaan qaar xabsiyada ka buuxa iyo qaar mukhaadaraad qabriga u jiifa.

Dhinaca kale, waxa la warinayaa hooyo seygeeda oo wanaagsan, kana cawini lahaa arrimaha qoyska uga faa’ideysata sharciyo aan diinteenna  iyo dhaqankeenna midna aan qiil looga helin, dibaddana ka dhigta Aabaha masuuliyaddiisii oo iyana saas mushkiladda qeyb uga ah. Ma lihi arrinkani waa wada ekeeyey mujtamaceenna qurbaha, oo runtii waxa la helayaa qoysaska aan kala furfurmin oo wadajir isu badbaadiyey ama mid midba isu xilsaaray oo caruurtooda badbaadiyey- waxay noqon kartaa hooyo kaligeed Alle gacan ku siiyey hanashada caruurteed iyo sidoo kale Aabe isna sidaa yeelay, laakin tiro badan ayaa runtii sifahan buuxiyey.

Waxa kale la warinaya in Qurbuhu uu yahay meelaha uu sida weyn ugu xoogeystay qabiilku, oo waxaaba la warinaya  in jaalliyadaha Qurbaha u suuroobi weyday inay isugu tagaan ururro bulsho sida  jaalliyadaha kale ee ka jira dalalka ay u ee ka shaqeeya arrimaha iyaga u gaarka ah, kadib markii ay iska dhex dooran waayeen ciddii hoggaamin laheyd, qabiil awgiis. Jaalliyadda London mar waxaba hoggaamiye bulsho u noqday baa la leeyahay nin Itoobiyaan ah.

Qurba joogga cudurka aafada weyn ku reebay  waxa kaloo ka mida,  waxa loo yaqaan “ culture clash” waa dhaqan mid kale herdiya oo qofku ku jahwareero kii uu qaadan lahaa iyo ka kale ee loo yaqaan isna loo yaqaan “ Islamophobia” oo isna ah feker aan sal laheyn oo la huwiyo Islaamka. Nolosha ayaa iyana ah qeyb weyn oo mushkilada wax weyn ku biirisay, kadib markii dhallintu ay weyday meel ay u shaqo tagaan oo nolosha ka soo saartaan.

 Mushkiladahan isu tegay, ayaa waxay keeneen cuddurro aan bulshadeenna abid arag oo jir ahaan iyo maskax ahaanba saameyn weyn ku yeeshay, illaa qaarkood badbaado ka doonaan mukhaadaraadka, si leysu ilowsiiyo, kadibna uu qofku gaaro heer uu nolosha naco.

Saameynta mushkiladan bulsho, ee aan kor ku xusan ay ku yeesheen qurba joogteenna, gaar ahaan kuwa damaca siyaasadeed uu galay, waxay si waadax ah uga soo muuqdaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ay ka wadaan meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan mashruucan sida waalida ah loogu yaacay ee maamul goboleedka.

 Sida aan ku muujiyey  maqaal hore oo ku soo baxay BOGGAN, waxa badan shirar siyaasadeed  ay shakhsiyaad abaabulaan oo runtii waxa looga hadalaana yahay wax waaqaca ka fog, haddana waxa u sacabba tuma, qaar aqoonyahanno u badan oo og in riyo ay yihiin waxa laga hadalayo, su’aalna aan gelin. Qaar ayaa wargeysyada iyo bogagga internet-ka ku qora maqaallo wax yeello ku ah dalka, kuna taageera mid shisheesye ah oo noo maleega shirqool  leynagu duudsinayo xaqeenna qaranimo oo haddana difaaca.

Qurba joog,  haddana waa laba jinsiyad le,  laga heli karo qaar damac siyaasadeed ama dhaqaale uu ku riixo khiyaamo qaran, maanta oo wax noo dhaqani aaney jirin.

Sheeko aan la hubin sidey u jirto, laakin aad ugu baahday bulshada dhexdiisa, ayaa waxay leedahay, shirarka  golaha wasiirrada ee soo maray dalka sannadahan jahwareeka , go’aamada ka soo baxa , waxa markiiba gudbiya xubnaha golaha qaarkood, oo waxa daliil u ah bey leeyihiin dadka u kuur gala arrimhan inay xubnahani, deg deg  u falgeliyaan tefoonnadooda iyagoo kula dhuunta derbiyada xafiisyada.    

Malaha waa sheeko naxli ah, laakin dhinaca kale, marka aan aadanaha aqaanno, waxbaa ka jiri kara, waana cabsi kale oo qurba joogta laga qabi karo, mar haddaanaan heyn xukuumad adag oo sirdoon adag leh.   Eed kale oo la huwiyo Qurba joogta, waxay tahay, Af-Somaaliga oy cadaawadeystaan, kadib markii ay diideen inay wax ku qoraan,  afka kowaadna ka dhigteen, ka Ingiriiska oo badankood ay wax ku qoraan- Ma waxay ka dhigan tahay, ka Af-Somaaliga wax ku qoraa inuu noqonayo jaahil aan luqad kale aqoon.  Afka hooya igala qiimo badan mid kastoo kale.

Guda-joogta –  kooxdani waxay ugu horreyn ka badbaadeen in lagu asteeyo ereyga “Qeyru Mas’uul” oo waxay leeyihiin innagu waa u dhabar adeygnay wixii dhacayey oo dhan, oo weliba ka qeybgallay badbaadinta shacabkan dowladnimada ka aqoontoobay. Waxay leeyihiin waxan ahay macallin dugsiga hoose/dhexe/sare  iyo jaamacadaba ka soo saara dhallaanka kuwa eynigooda ah lagala cararay mushiladda. Waxan ahay takhtarka daqiiqad walba naftii Alle badbaadinayo la tacaala ee soo jeeda har iyo habeen, macallin ahoo kii I beddeli lahaa soo saara. Waxan ahay khabiir beero oo gaajada ka hortaga. Waxan ahay dhaqaalo-yahan jaan-gooya horumarka meelaha nabdoon.

Waxan ahay siyaasiga fiican ee sutida u haya khaa’inu waddanka hororka ah ee I isir-suulinaya. Waxan ahay ka dhallanka gabaadka uga ah cudurrada, gaajada iyo dagaallada. Waxan ahay ka waayo-aragga u ah dhibta dadka, xalkana og halka uu jiro, haddaan fursad helona hogggaan fiica noqon karaa.

Waa run in Guda-jooggu aanuu wada fiicneyn , sida aanuu u wada xumeyn Qurba jooggu, oo isgaba (Guda-joogga) waxa ku dhex jira qaar xadkii diineed iyo insaaniyadeed dhaafay oo xargagoostay.

Sidaa darted, waxa habooneyd in caddaalad la sameeyoo, labada ilmo Qurbo iyo Guda joogba loo simo hoggaanka dalka. Is-kooxeysiga iyo saaxibtinimada ka soo muuqaneysa,  gaar ahaan xukuumadahan dambe, qaranku inuu ka badbaadi waayo mixnada uu ku jiro ayey saacidi doontaa

Qurba joogta iyo Guda joogta fiicani, waxay qaateen door aan shacabku iloobi doonin oo waxtara. Matalan nolosha Guda joogta door weyn waxa kule Qurba joogta fiican, sida Guda joogta fiicani ay door weyn oo facaala ugu leeyihiin wax badan oo fiican oo gudaha laga qabtay, si isku midana waa in fursad loo siiyo, leysku kooxeystana xalka dhibta aan dugsanno.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ilma qurba joog maxaa loogu gooni yeelay xilalka. "

  1. sc dhamaan wallalaha soomaaliyeed bacdu sallan aniga arigtideeyda waxeey ila tahay waa sax oo waa in qurbo joogta loo badiyaa 100% hogaamiyaasha wadanka wasiirka koowaad wasiirada gudoonka baarlamaanka maareeyayaahsa,kuli waayo ii sheeg ninka soomaaliga saxda ah waxna bartay oo ilaa 21 sano ee la soo dhaafay jooga wadnkii oo aan meelna uga baxin ee loo dhiibvo xil 199 waa kuwa galay dhiig islaam warlords iyo geeljire iyo badow ayaa isugu haray intii wax qori kartay weey ka carareen in cawaandigan islaynaya xabadooda ka gabadaan .dhaqtar siyaasi saraakiil malatari macalimiin iyo intii wax fahansaneeyd oo dhan marka la yaab ma aha in loo dhiibo xilalka rag qurbaha ka yimid waayo 20sano ee la soo dhaafay waxaa noo talinayey geeljire warlord ah IWM marka raga aan dhibka wadanka ka geeysam fikrade kalena qaba waa in hogaanka loo dhiibaa baan qabaa aniga,mahadsanidiin..ws wr wb..

  2. Salaama caleykum wr wb. Maqaalka oo ah mid xiise badan ,waxaan taagero ku siinayuaa walaalkeenna qoraaga ah hal marqaanti ma doonto ah taasoo ah: Nin gaay masuuliyadiisii iyo tii reerkiisa howshiina xaas ku dhaafay oo aan ogeyn caruurtiisa waxay qabaan iyo dhibka haysta maxuu soomaali u qaban karaa isagaaba tiisii gabaye. Waa suaal u baahan daraasad, waxaanse uga jawaabayaa waxa qurba joogta loogu dooratay xilalka waxaa ugu weyn iyagoo haysta dhaqaale ay ku iibsadaan odayaasha beesha ee go,aanka kama damaysta ah leh waxna laga weydiiyo cidda beesha metelaysa.

    Ilaah ayaan weydiisanaynaa towfiiqdiisa. aamiin